Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) Oo kormeeray Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Cayaaraha Galmudug Cabdiwahaab Sheekh Abuukar Nuur oo ay wehliyeen, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, Guddoomiyaha Xariirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, Guddoomiye Ku-xigeenka Dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo xubno ka mida bahda Isboortiga Gobalka mudug oo si wada jir ah u kormeeray Garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise.

Mas’uuliyiinta Kormeerka ku tagay Garoonka, ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka waxa warbixin guud ka siiyay xaalada garoonka iyo baahida loo qabo Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi, ” Ciyaaraha waa jimicsi,Marne waxa ay qeyb ka yihiin caafimaadka qofka,Garoonkaan waxa uu ka mid ahaan meelaha,Ay iskugu immaan jireen kummaan dhallinyaro ah,Halkaas waxaa ka dhallan jiray is dhaxgal bulsho”.

Guddoomiyaha kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa inta uu joogo Gaalkacyo,waxaa qorshahiisa ka mid ah inow dhiso Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...