GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CAMBAAREEYAY WEERARKII KHAWAARIIJTA KU QAADAY XEEBTA

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii Khawaariijta xalay ku qaaday shacab dhalinyaro u badnaa oo ku fiidsanayay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelada, qoysaska iyo asxaabta dadkii ay waxyeelada soo gaartay, dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan alle SWT uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wixii xalay ka dhacay xeebta Liido ay tusaale u tahay heerka ay gaarsiisantahay cadowtinimada ay khawaariijta u qabaan umadda Soomaaliyeed, wadada keliya ee inoo furanna ay tahay in meel looga soo wada jeesto, sidoo kalena ciidamadda Qaranka lagu garabsiiyo dagaalka Khawaariijta dalka looga ciribtirayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in midnimo iyo wadajir lagu wajaho dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...