Home Blog Page 304

Kulan looga hadlayey taariikhda degmada Cabdicasiis oo lagu qabtay degmadaas.

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa xalay ka qeyb galay madal loogu magacdaray talo wadaag, taas oo lagu soo bandhigayay taariikhda Degmada Cabdicasis ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay, qaar kamid guddoomiyaasha degmooyinka, guddoomiyaasha ururada Haweenka iyo Dhallinyarada iyo xubna ka socday hey’addaha Heritage iyo interpeace.

Degmada cabdicasis oo kamid ah degmooyinka qadiimiga ah ee caasimadda ku yaala islamarkaana ka mid ah degmoyinka ugu faca weyn ee Dalkeena Hooyo ayaa lagu soo bandhigay wax yaabaha ay caanka ku tahay, sida dhismooyinka qadiimiga ah, xeebta Liido, Sports-ka iyo ilbaxnimada.

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ku dardaarmay muhiimada ay lee dahay in lasoo bandhigo goobaha qadiimigaha iyo waxyaabaha ka turjumaayo taariikhda wanaagsan ee ummadeena.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Washington kula kulmay jaaliyadda Soomaalida.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaalada guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington, waxaana uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo Kooxda Khawaarijta Al Shabaab, waxaana uu Guddoomiyaha jaaliyada reer Washington ku dhiirageliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Maxkamadda sare ee Ciidamada oo xukun dil ah ku ridday Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed.

Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.
Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.
Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.
Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishii September ee sanadkan.
Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labaatan iyo lixdii bishii September ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaasta marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.
Qareenada u doodaayay eedeysanaha ayaa Shan iyo tobankii bishaan qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.
Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada afar iyo tobankii bishan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Wasiirka Gaashandhiga XFS oo kulan Dar daaran ah la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.{SAWIRRO}

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan Dar daaran ah la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirka oo uu Wehliyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saraakiisha Faray in sida ugu dhow ubilaabaan Howlgallada Dalka lagaga Saarayo Khawaarijta ee Caqabadda ku noqday Nolosha iyo Hormarka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koofur-galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Safiirka dowladda Ethiopia {SAWIRRO}

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtar Mohamed Waare.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta labadda Dowladood, Iskaashiga Amniga iyo sidii Dowladda Itoobiya ay uga qeyb qaadan lahayd Wajiga 2-aad ee Dagaalka.

Horjooge ka tirsanaa khawaarijta oo isa soo dhiibay

Muqtaar Maxamed Isaaq oo ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda khawaarijta ayaa isu soo dhiibay qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Horjooge Muqtaar ayaa sheegay in uu khawaarijta ka tirsanaa laba sana iyo bar, isagoo kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.

Muqtaar Maxamed Isaaq ayaa sheegay in aysan jirin cid ku qalqaalisay ka mid noqoshada khawaarijta, haatanna uu si iskiis ah ugu soo baxay kooxda ka dib markuu arkay dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan, wuxuuna saaxiibadiisa weli ku jira khawaarijta ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.

Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabbilsanaa qaybta ay kooxda u yaqaanaan Jabhadda ee gobolka Bokool.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadlay duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Qaza

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si ba’an u dhaliilay  duqeymaha joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Qaza, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Jarmalka.

Guterres ayaa sheegay, intii lagu guda jiray shirkii Golaha Ammaanka ee Talaadadii shalay ka dhacay magaalada New York, in ilaalinta dadka rayidka ah macnaheedu aanay aheen in la soo saaro amarro dadka ay ugu baxayaan guryahooda iyo in laga jaro cunnada, biyaha, dawada, iyo shidaalka, ka dibna lagu garaaco duqeyma aan kala joogsi laheen.

Guterres ayaa intaa ku daray in weerarkii ay Xamaas ku qaadeen magaalooyinka ku xeeran Marinka Gaza 7-dii bishan Oktoobar uusan ku dhicin meel bannaan, balse waxa hadda socda ay ka weynyahiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: “Aad ayaan uga walaacsanahay ku xadgudubka sharcigyada caalamiga ah ee bini’aadannimada ee ka dhacaya Qaz, ma jiro dhinac hubeysan oo ka sarreeya sharciga caalamiga ah ee dhowrista bani’aadannimada.”

Guterres, ayaa ka digay fidno dagaal oo gobolka saameeyso, isagoo Carrabka ku adkeeyay in sii socoshada dagaalada ay horseedi karaan inuu dagaalka ku baaho jihooyin ay hadda nabad ka jirto.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Eli Cohen, ayaa cambaareeyay, dhaleeceynta Guterres ee duqeymaha Israa’iil ay ka waddo magaalada Gaza.

Sidokale, wakiilka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in Guterres uu iscasilo, madaama uusan u qalmin inuu  hoggaamiyo Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabay Wasiiro

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka  Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, taasi oo ku saabsan magacaabis Wasiirro.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u qornaa sidan:

Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.

Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.

Markuu la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle.

WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN

Qodobka 1aad

1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doona inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.