Home Blog Page 304

Dowladda oo kaalmo lacageed siisay dhibanayaasha Qaraxii Liido

0

Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka Degdegga ah ee hay’adda maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay Xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safriika dowldda Shiinaha ee Soomaaliya

0

-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u soo magacowday Soomaaliya Wang Yu, waxaana kulankaan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo taageerada gargaar ee loo baahan yahay.

Guddoomaha SoDMA ayaa Safaaradda uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee ay ka qaadato dedaallada gargaarka iyo mashaariicda hormarka dalka, isagoo la wadaagay baahida xilligaan loo qabo, kaabayaal sida; bakhaarro, gaadiid iyo qalab lagu tabco calafka xoolaha oo loogu talagalay in la adeegsado xilliga jiilaalka.

Danjire Wang Yu, ayaa ballan-qaaday in dhawaan Dowladda Shiinaha ay waddanka keeni doonto gargaar raashin ah, isagoo xusay inuu sii wadi doono wada-shaqeynta iyo iskaashiga arrimaha gargaarka ee ka dhaxeeya hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Safaaradda Dowladda Shiinaha.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo xukun dil toogasha ah ku riday Askari horay dil u geystay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xuku dil toogasho ah ku riday Mahad Cali Maxamuud oo katirsan ciidanka deegaanka ee degmada Deyniile,kadib dil uu horay ugu geystay marxuum Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Labaatankii bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo heystay Bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu Bastoolada soo wareejiyo, balse Marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso Wasaaradda Amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay, halkaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuum Tooxoow

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow,Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay dhimistay lacagta iskaanka hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho

0

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta oo isniin ah dhaqangelisay Hannaanka Khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay Qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta looga qaado Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho.

 

Intee baynnu sugeynay….(WARBIXIN)

0

Dowladda Soomaaliya muddadii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Argagixisadda ah, iyadoo in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo isugu jira Degmooyin, magaalooyin iyo Deegaanno looga xoreeyey khawaarijta, waxaa kaloo ka mid ah waxqabdka dowladda waxay tayeysay ciidamada qalabka sida, islamarkaana kobcisay dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, taasoo ay Soomaaliya ka qeybgashay shirarka ka dhaca fagaarayaasha caalamka, waxayna dowladdu ku Soomaaliya guuleysatay in loo doorto Kursiga xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay ku fariisan doonto sanadka 2025-ka.

Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:

Dagaalka khawaarijta oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen.

Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.

Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika

Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.

Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi, wuxuuna maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran, taasi oo ay Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir, kuwaasi oo kala ahaa:-

1:Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga

2:Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka

3:Tiirka Soomaali Heshiis ah

4:Tiirka isku filnaasho dhaqaale

5:Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda

6:Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda

Marka waxaan dhihi karnaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Ra’iisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee Masuul ku magacaabo.

Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waaweyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, iyadoo taasi jirto ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay, kaas oo dhawaan lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Dhammaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigeen muddada labada sano aheyd waxii u qabsoomay, kuwaasi oo bulshada kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed faah-faahin dheer ka siiyay waxqabadkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr: xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay sanadaha soo socda waxa u qorsheysay “Labada sano ee soo socota way ka duwabnaan doonta lbdii sano ee la soo dhafay Ilaahey idinkiis, labada sno maahee sanadka soo socda waa ka duwan yahay waa hubaa maalinteeda marka la gaaro mashaeiic waweyn la sheego oo la soo bandhiggo Dad badan yaa dhihi doono ‘been waaye waxan maa la gaari karaa, waa beenta Soomaalida iyo faan waaye, laakiin dadka been looma sheego,mana loo ballan qaado, wixii aan ballan qaadno waa inay fulaan, mashaariic aad u waaweyn oo Dadka Soomaaliyeedna noloshooda wax ka bedeli doona, Soomaalidana maanta meesha ay joogto wax ka bedeli doonto ayaa soo socda Ilaah Idinkiis, maalin aan dheerey ayaa la soo bandhigi doonaa, waana la sheegi doonaa” .

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aad hadalkaasi u soo dhaweeyay, waxayna xuseen in sida sheegay Madaxweyne Xasan inuu yahay Masuul laga filan karo waxa uu sheegay, waayo ayay yiraahdeen ‘markii uu xlka qabanayay waxa uu ballan qaaday 5 qodob, kuwasi oo inta badan ay ku fuleen muddo laba sano ah, inta dhimmanna uu dhameystiri doono, waana ku rajo weynahay inay mashaariicdaasi iman doonaan, iyagoo intaasi raaciyay oo yiri:- “intee baynu sugeynay waqbadka ilaa heerkaasi oo kale ah, marka ku soco mudane Madaxweyne Qabyo tirkaaga, Dalkaan waxa uu u baahan yahay Hoggaamiye sidaada oo kale ah ”.

Waa wax loo baahnaay in dadka la baro in dalka Soomaaliya ay ka jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuulna ka tahay ilaalinta Madax Banaanida, sharafta, Cirdiga iyo wixii la halmaala. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaalinta 1-aad kaga jira kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka 24-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo madaxdii soo maray dalka. Ma ahan ra’yi ee xogta hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha ayaa ka marqaati kacaya.

Heerka shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacay 0.7% intii u dhaxeysay 2012-kii iyo 2017-kii, taasoo keentay shaqo abuur gaaraya 105,000. Shaqo la’aanta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay 2021kii, laakiin waxay hoos u dhacday 0.6% sannadkii 2023-kii, taasoo keentay in 90,000 oo muwaadin ay shaqo helaan (World Bank), waxaana intaa dheer, in dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) uu kor u kacay, maanta waa 4.2%, halka uu ahaa 2.4% sannadkii 2022-kii.

Dhaqaaluhu inuu kobco, shaqo la helo, dalku horumaro, Soomaaliya Barwaaqo ah la gaaro waxaa ku hor gudban cadowga 1-aad ee qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay oo ah Khawaarijta ku naaxay daadinta dhiiga dadka masaakiinta ah iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

MUHIIMADA 1-AAD EE DOWLADA:- Muhiimada 1-aad ee Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab. Waxaana yoolkaas laga gaaray guulo waaweyn oo 800 km looga xoreeyay argagixisada. Todobaatan sano jir asaga oo ah ayuu tuute ciidan u xirtay, 70% waqtigiisana waxa uu ku bixyaa sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ka madaxbanaan argagixiso.

Waiiru dowlaha Caddaaladda :Deegaanadii laga saaray Khawaarijta waxaan ka hirgalinay adeegga garsoorka”

0

Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiiru Dowlada Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Muumino Sheekh Cumar,oo ka qeyb galeysay Bandhigga waxaqabadka xukuumadda Dan-qaran ayaa sheegtay in degaannada laga xoreeyay khawaarijta la gaarsiiya hay’adahii garsoorka dalka.

“Deegaanadii laga saaray Khawaarijta waxaan ka hirgalinay adeegga garsoorka” Avv Muumino Sheikh Wasiir dowlada Caddaaladda iyo Dastuurka XFS.

Muumino Sheikh wasiiru dowlaha Caddaaladda iyo Dastuurka aya intaa hadalkeeda ku dartay in wasaaradu ay ku guuleysatay hagaajinta laamaha caddaaladda dalka,sidoo kale ay dib u heshiisiin ay ka sameyeen degaan dhowr oo laga saaray khawaarijta.

Waxa ay tilmaatay wasiiru dowlaha in ay guul ka gaareen afar qodob oo kala ah hannaanka wada xaajoodka,garsoorka hannaanka qaab dhismeedka amniga Qaranka iyo nidaamka doorashooyinka xisbiyada iyo kuwa kale.

Hay’adda SODMA oo shixnad gargaar ah dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta.

 

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Howlgal lagu dilay Horjooge iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgal lagu baacsanayo khawaarijta waxa ay ka sameeyeen galbeed Gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaa oo ay ku dileen horjoogyaal iyo maleeshiyaad katirsan khawaarijta.

Taliyaha ciidanka degaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen seddax kamid ah khawaarijta oo uu ku jiray horjoogihii hoggaaminaya,waxana uu intaa ku daray in howlgallada ay sii socon doonaa intaa khawaarijta laga sifeeynayo degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan ee dhaca galbeedka shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowalda kuwa degaan ayaa maal mahaan howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka waday qeyba badan oo kamid ah gobolada dalka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo Madaxweynaha warbixin ka siiyay waxqabadka wasaaradda

0

-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud warbixin ka siiyey waxqabadkii Wasaaradda labadii sano ee lasoo dhaafay.

Ra”iisul Wasaare Ku-Xigeenk oo furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska iskaashi ee Hay’adda NIRA Bangiyada Dalka

0

Ra”iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda Diiyaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Iskaashigan ayaa door lixaad leh ka qaadan doona dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka si dadweynaha ay ugu fududaato helitaanka adeegyada asaasiga ah ee nidaamka maaliyadda iyo adeegyada bangiyadu koow ka yihiin.

Waxaa munaasabadda daahfurka sida oo kale ka soo qayb galay, wasiirro ka tirsan xukuumadda, Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe, wakiillo ka socda ganacsatada, bangiyada, ururrada bulshada rayidka iyo martisahaf kale.