Home Blog Page 303

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray Awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/Wasaaraha Xukumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, R/wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Mudane Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

 

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan hordhac ah la qaatay Ugaas Maxamed iyo Dadka deegaanka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq, ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Kulankaan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

Guddiga Joogtada ah oo Ansixiyay Ajandaha kulamada guud ee Golaha BJFS ee toddobaadka soo socda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Intaasi kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada toddobaadkii 3-aad ee kalfadhiga 5-aad, waxaana kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee Golaha toddobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Sidoo kale Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada Goluhu uu siinayo in shuruucda Golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee Golaha toddobaadka soo socda.

Guddiga Qaran ee La-dagaallanka maalgalinta Khawaarijta oo soo saaray liiska 8 ruux oo Cunaqabateen la saaray

Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag Dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA), ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta Maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Guddigu wuxuu ugu gol-leeyahay in uu la dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka. Aqoonsiga iyo cunaqabataynta shakhsiyaadka iyo hay’adaha xiriirka la leh Al-Shabaab, Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo isla markaana la cuna qabateeyo shakhsiyaadka & hay’addaha taageera argagixisada si sare loogu qaado nabadgalyada dalka.

Tan iyo markii la ansixiyay sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman 2023, Guddigu wuxuu soo saaray laba liis oo lagu beegsanayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

1‘ Abuukar Cali Aadan Cabdullaahi 

2′ Maxamed Mire Jaamac 

3′ Xasan Yacquub Cali  Bari 

4′ Mahad Abdirahman Warsame 

5′ Yuusuf Axmed Xaaji Nuunow

6′ Cabdikariin Cismaan  

7 Nuur Cabdi Rooble 

8′ Bakar Baashe Aadan Axmed

Golaha Wasiirrada oo dhageestay Warbixin ku saabsan Amniga guud ee dalka “SAWIRRO”

Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo interlock ah 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax dhigay dhismaha waddo interlock ah oo laga hirgelinaayo Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan, taasi oo loo yaqaan waddada Sheekh Cusmaan Xiddig.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga Bulshada iyo Maamulka Degmada Kaaraan ee ku aadan ka dhabeynta Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka Bulshada, asigoona ugu baaqay Bulshada Degmada iyo Maamulka Degmada Kaaraan in ay si laaba jibaaraan horumarinta iyo casriyeynta Wadooyinka Degmada Kaaraan.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani, Agaasimeyaal, Saraakiisha Laamaha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Kaaraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqday Xarunta hooyo u hiili Qarankaaga

Taliyaha ayaa soo arkay howsha halkaas ay ka hayaan haweenka Soomaaliyeed,iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay ciidanka garab taagnadaan habeen iyo maalin,waxaa halkaas kusoo dhaweeyay haween farabadan oo halkaas ku diyaarinayey, Wixii ay ciidamada furahama jiro cuni lahaayeen.

“Waxaan uga mahadcelineynaa taageerada haweenka Soomaaliya ee garab istaagga Ciidanka Xoogga Dalka.”

Haweenka kala duwan ee halkaa ka wado howsha adag,oo iskugu jiraan xildhibaanno,Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,Haweenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan,oo iskood isku soo xilqaamay waad mahadsan tihiin,Runtii Qarankiina iyo Ciidankaba meel aad ugu soo baxdeen.

” Garab istaagiinu waa guusheenna runtiin,Ciidanka waxaad u noqotee garab buuxo,Waxaad iskugu darteen xooggiina iyo xoolahiina,Dadaalka aad wadaan adduun iyo aakhiro waad ku liibaani-doontaan”.Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Sheekh Muxudiin

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Gobalka Gado

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska, ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyay inta u dhexeeysa degaanka Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka waxeey jab xoogan gaarsiiyeen maleeshiyaadki Khawaarijta ee dhuumaaleeysanayay halkaas.

Ciidamadda ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Gashaanle sare Cabdirashiid Maxamed Cismaan, Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo, Gashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gobolka, Gashaanle sare are Xuseen Cali Xaashi Giif.

Sidookale Ciidamadda, ayaa hormar balaaran ka sameeyay dagaalka ay la galeen Khawaarijta  waxayna cagtamariyeen fariisimo ay lahayeen kooxda argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleeysanayay oo uu gaaray  gaaray khasaaro xoogan.

Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta cusub ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg-dega ah oo haatan dhismaheedu marayo heer gabagabo ah, taas oo lagu dhisayo dhaqaale ay iska aruuriyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Xaruntaan oo ay hirgalinayso SoDMA, ayaa laga dhex dhisayaa gudaha isbitaalka weyn ee Madiina, waxana guddoomiyuhu uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha xaruntan, isagoo shahaado sharaf guddoonsiiyay agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Cabdiraxmaan iyo shaqaalaha isbitaalka, taasoo ay ku muteysteen sida ay ugu adeegaan bulshada.

Guddoomiyaha ha’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in wada-shaqeyn dhaw ay ka dhaxeyso SoDMA iyo maamulka Isbitaal Madiina, marka ay timaaddo xaaladaha gurmadka deg degga ah, isagoo ku aammanay sida ay marwalba ugu adeegaan ummada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Islow: “Waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada”

0

Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado fariimaha dhiirri gelinta u ah kooxaha Khawaarijta oo hadda ku jira waqti gabo-gabo ah.

“Walaalayaalow waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada, micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin in aad caddowga Khawaarijta la safato adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey, Qaranadimada ha dhaafsan inuu dal caddow ah qorshihiisa kuu soo dhiibo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Factbook-ga.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula taliyay dadka farriimaha dhiiri gelinta u ah khawaarijta in ay jiraan waddooyin kale oo qofka ku sheegi karo aragtidiisa.

“Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan cadowga umaddan isu dhiibno, Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa in aan ku dhex shaqeynayno sharciyadda Baarlamaanka, dowladnimada ayaa ka weyn dan kasta oo gaar ah” ayuu Mudane Ducaale ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaqeysa shacabka Soomaaliyeed ayaa khawaarijta ku qaaday dagaal dhan kasta ah, taas oo keentay in awooddii ay lahaan jireen meesha ka baxday kuna jiraan hadda heer gabo-gabo ah.