Home Blog Page 302

Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

0

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuur-galida xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta gobolka iyo booqashada Xerooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xuddur.

Biden oo ku adkeystay inuu ku sii jiro tartanka Doorashada Madaxtinimo ee dalka Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ballan qaaday inuu ku sii jirayo tartanka madaxtinimada isla markaana uu ka adkaan doono ninka ka soo horjeeda inkasta oo ay sii kordhayaan baaqyada ka imanaya xubnaha Dimuqraadiga oo codsanaya inuu tanaasulo Biden.

12 ka mid ah siyaasiyiinta Dimuqraadiga oo ay ku jiraan laba senatar iyo koox xubno ka ah Congress-ka ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka haro tartaka maadaama uu xilligaan go’doon ku yahay gurigiisa xeebta ku yaal ee Delaware tan iyo markii laga helay cudurka ‘Covid-19’.

“Si wada jir ah xisbi ahaan iyo dal ahaan waan guuleysan karnaa, waanna ku adkaan doonaa sanduuqa codbixinta” ayuu yidhi Biden.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa sheegay in uu todobaadka soo socda ku laabanaayo ololaha tartanka doorashada ,kadib kolkii maalinimadii shalay la soo gabagabeeyay Shirweynihii Qaran ee xisbiga Jamhuuriga.

Ragga sida weyn uga soo horjeeda Biden waxaa kamid ah Senetarka laga soo doorto Ohio Sherrod Brown iyo Senetarka laga soo doorto New Mexico Martin Heinrich .kuwaas oo la tilmaamay in ay u ololeynayaan in madaxweynugu uu ka haro tartanka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo tacsiyeeyey Geerida Sheekh Cismaan Xiddig

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, ardeydii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, Caalimkii weynaa Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Shiikh Cismaan Xiddig inuu ahaa caalim wayn oo soo saaray mashaa’iikh badan oo dadka Soomaaliyeed wax taray, wakhtigiisana u huray sidii kor loogu qaadi lahaa barashada Diinteenna Suubban.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyska, ardayda uu diinta bari jiray iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan naga wada siiyo.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyadeeyay Geerida Sheekh Cismaan Xiddig

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Magaaladda Muqdisho ku geeriyooday.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa,qaraabadiisa,eheladiisa xertiisa iyo culimada Soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridda ku timid illaahey ha u naxriistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).

Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Xidig ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn waxa uuna intii uu noolaa wakhtigiisa ugu badan geliyay fidinta cilmiga iyo faafinta diinta islaamka ,waxaana uu aqoon durugsan u lahaa tafsiirka Qu’aanka, cilmiga xadiiska, iyo fahamka fiqiga, isaga oo allifay kutubo marjic u ah culimada iyo ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyay Geerida Sheekh Cismaan Xiddig 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Kenya oo magacaabay Golihiisa Wasiirrada

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa maanta soo dhisay xukuumad cusub, isagoo dib u soo magacaabay dhowr xubnood oo ka tirsanaa golihii Wasiirrada ee uu todobaadkii hore xilka ka qaaday.

Ruto oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabay xukuumad midnimo oo sal ballaaran kana kooban 11 Wasiiro.

Wasiirada cusub ayaa ka soo dhex muuqday Aadan Barre Ducaale oo ٍSomali-Kenyan ah, kaas oo loo magacaabay jagada uu hore u hayay ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Talaabadan ayaa timid kadib dibadbaxyo dhawaan dalkaasi ka dhacay, kaasoo sababay in laga laabto sharci canshuur ah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayey xakameynta iyo maareynta hubka dalka soo gala.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay.

5- Wasiirka Cadaaladda ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo furay aqoon is-weydaarsi ku saabsan hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee bahda cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaga Dibedda ee Soomaaliya oo dhowaan geeriyooday.

7- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay fulineyso mashruuc lagu tageerayo1 milyan oo barakacayaal ku nool gobolada dalka.

8- Wasiirka Gaashandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga, iyagii ka wadahadley xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS.

9- Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa qabatay shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga ee la jaanqaadeya wax soo saarka dalagyadda beeraha.

10- Madaxweyna Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona magaalada Qaahira ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

11- Booliska oo ka warbixiyay qarax ay Khawaarijta ka geysteen maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho oo lagu beegsadey dhalinyaro aan waxba galabsan oo daawanayey ciyaar kubadda cagta ah.

12- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsaneed Khawaarijta, kuwaas oo kooxda aragagaxisadda u qaabilsaneed dilalka qorshaysan.

13- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheeekh Muxyadiin ayaa isbitaalka ku booqday geesiyaasha ciidanka ee ku soo dhaawacmey dagaalka khawaarijtu dalka looga sifeynaayo.

14- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud ku lagu laayay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta.

15- Ciidamada degaabka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaankaasi.

16- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Khawaarijta ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen waddada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- The President of the Federal Republic of Somalia, and the Commander-in-Chief of the Armed Forces, H.E. Hassan Sheikh Mohamud chaired an emergency meeting to discuss the control and management of weapons entering the country.

2- President Hassan Sheikh Mohamud presided over the meeting of the National Committee for Combating Money Laundering and Preventing the Financing of Terrorism in Mogadishu.

3- Prime Minister Hamsa Abdi Barre opened the Somali Agricultural Technology Exhibition, which presented the challenges faced by farmers in our country and the government’s efforts to increase production and agricultural crops in Somalia.

4- Prime Minister Hamsa Abdi Barre participated in an event to present the report of the country’s financial management which talks about the achievements of the country’s financial system in the last 10 years.

5- The Minister of Justice of Somalia, Mr. Hassan Maallim Mohamud, opened a workshop on the effective leadership of the stakeholders of justice and judiciary in Somalia.

6- The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation held a prayer meeting for the late Mohamed Ali Hamud, the former Minister of Foreign Affairs of Somalia who passed away recently.

7- The Minister of Planning of Somalia, Mr. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah, said that the government of Somalia is implementing a project to support 1 million displaced persons living in the regions of the country.

8- The Minister of Defense of Somalia, Mr. Abdulkadir Mohamed Noor has met the Deputy Envoy of the Secretary General of the United Nations in Somalia, Mr. Raisedon Zenenga, and discussed the strengthening of cooperation and future support of the Armed Forces, after the departure of the ATMIS forces.

9- The Ministry of Agriculture and Irrigation in Somalia has held a conference on Somali Agricultural Technology and Development, using modern techniques that are adapted to the production of agricultural crops.

10- The President of Egypt Abdel Fattah El-Sisi has received the credentials papers from the new Ambassador of Somalia to Cairo and the Permanent Representative of the Arab League, Ambassador Ali Abdi Awaare.

11- The Somali Police Force has briefed the media about an explosion by the Kharijites militants at the Top Coffee restaurant in Mogadishu, targeting innocent youths who were watching a football match.

12- The Jubbaland Military Court have executed five men from the Kharijites terrorist group, who were found guilty of carrying our killings of innocent people in Jubbaland.

13- The Commander of the Somali National Army, Major General Ibrahim Sheikh Muhyadin, has visited the soldiers who were wounded in the war against the Kharijites.

14- The Somali National Army with the help of international friends have eliminated more than 50 members of the Kharijites militia in a military operation in Galgaduud region.

15- The local forces in Ceeldheer District of Galgaduud region have captured one of the leaders of the Kharijites Al Shabab terrorist who was hiding in the area.

16- The Somali National Army, which is conducting military operations against the Kharijites Al Shabab in the east of Galgaduud region, succeeded in thwarting land mines planted by the terrorists on the road connecting Mesagaway and Barag Sheikh Aamir areas.

 

Cali Guudlaawe “Waxaan bulshada Cadalle kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan amniga”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe oo maanta la hadlay dadka ku dhaqan Degmada Cadalle,ayaa ku baaqay in laga dhowrsado fidnada,isla markaana loo istaago Deris wanaag iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “dalku ma hormaraayo ,dadkuna nabad kuma seexanayo haddii aan la qaban cid kasta oo dooneysa in ay danahooda ka hormariyaan danta guud.

Cali Guudlaawe ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay wax u qabashada bulshada Degmada ,isagoo dhinaca kalena dalbaday in laga dhowrsado daadinta dhiigga dadka walaalaha ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe waxa uu u mahadceliyay mas’uuliyiintii ka shaqeeyay daminta colaad dhowaan ka dhacday deegaano kulaala degmadaasi,wuxuuna si gaar ah u codsaday in dadku ay is gacanqabtaan oo ay ku wada noolaadaan walaalnimo iyo derisnimo.

Wasiir Maareeye “Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada.

Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dibadda,halkii ayuu yiri ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale.

Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiirigalinta wax soo saarka gudaha dalka si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka,isagoo dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalku soo saari karo iyo waxa uusan soo saari Karin.

“Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta,sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”ayuu yiri Maareeye.