Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib u heshiisinta BFS oo la kulmay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Date:

-Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib U Heshiisinta Iyo Hanti Isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa Barnaamijka dhab U heshiisiinta iyo Istaraatijiyadiisa ayaa waxa ay xubnahan ka socday wasaaradda warbixin kooban ka siisay Guddiga Nidaamka Istaraatijiyadda iyo dhab u U heshiinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka uyo Dib U Heshiisinta ayaa Guddiga usoo jeedisay Qorshaha Istaraatijiyadda Qaran ee Hirgelinta Hanaanka Dhab-U-Heshiisinta Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta, Dib U heshiisiinta iyo Hanti isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Axmed Aadan Axmed oo kulanka soo xiray usheegay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib U Heshiisiinta in ay sii wadi doonaan kulamada u dhaxeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...