Kulanka la tashiga dadweynaha ee wax-kabedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka oo ka socda Laascaanood

Date:

𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝(SONNA):-Kulanakaan oo ay sida wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Khaatumo ayaa shalay si wadajir magaalada Laascaanood uga qabtay kulanka La-tashiga Odayaasha dhaqanka iyo Culimada SSC ee waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha degamada Laas caanood ayaa ugu horayn kulanka ka hadlay asiga oo culimada iyo Odayaasha kula dardaarmay in ay taladooda iyo fikradahooda u dhiibtaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi xassan Xijaar ayaa sheegay in culimada iyo Odayaasha reer Khaatumo looga baahanyahay in ay ka qayb qaataan wax ka bedelka Dastuurka Cutubyada 5aad ilaa 9aad.

Wasiir ku-igeenka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo la hadlay Odayaasha dhaqanka iyo Culimada reer Khaatumo ku booriyay in ay si wayn qayb uga qaataan wax ka bedelka Dastuurka.

Hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamada La-tashiga waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka waxey horay ugu soo qabteen gobalka Banaadir, iyo magaalooyin badan oo kamid ah Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...