Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Islaamka

Date:

Riyaad(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay kaga qeyb-galayaan shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...