Home Blog Page 291

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xariirka ka dhaxeey Madaxda dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed

0

Madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaa kala dhaxeeyo dhallinyarada Soomaaliyeed,Xiir soo jireen ah kaas oo salka ku hayo,U qareemida dantooda haddii ay ahaan laheyd,Waxbarasho,Caafimaad,Shaqo abuuris intaba.Dhallinyarada iyo madaxdooda ma taagno heer leesku diri karo,Waayo dhallinta waa ubaxa dalka,Taasne way ogyihiin,Ciddii wax tartane way u ogsooyihiin.

” Madaxdaan waxa ay ku suntan yihiin inay yihiin Aabeyaal,waxa ay wakhtigooda inta ugu badan ku bixiyeen siday dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen,Waxbarashada heerarkeeda kala duwan, waxa ay isku howleyn sida ay shahaada dalkeena laga qaato u noqon laheyd mid adduunka laga aqoonsan yahay,Si birri midkii Waxbarasho dibadda ah u helo ugu faa’iideesto”.

Dadka madaxda ah oo u adeego dhallinyarada Soomaaliyeed,intooda badan waa kuwo kasoo laabtay Dibadaha si ay wax ugu qabtaan ummadda Soomaaliyeed,Way heesteen nolol fiican oo ay ku raaxaysan karaan,Balse waxa ay isku xilsareen inay samata bixiyaan dhallinyarada,Oo ay naf iyo maalba u hurraan siday ay hormar ku gaari lahaayeen, Dhalliyada Soomaaliyeed.

“Dhalliyada Soomaaliyeed maanta lama khaldikaro, Siyaasi bargo’ah ma khaldikaro,Waxa ay garanayaa ciddii wax tartay,Iyo ciddii aan wax tarin,Runta ayay arkaan,Madaxdooda iyo ayaga cidne iskuma dhufan karto”

Soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaan rabnaa in la eego,Dhalinyarada Soomaaliyeed ciddii wax tartay iyo ciddaan waxba tarin,Qofkasto oo madax soo noqday Dhalinyarada waxa uu taray way dhiggan tahay,Qofkastane waxa uu qabtay waa ay rekood garaysan yihiin.Mustabalka dalkaan waa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddiga gurmadka Qaraxii liido oo gaarsiiyay dhawacyadii lacago min 1000$ ah

0

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaraxi Liido, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisu lwasaaraha Xirsi Gaani iyo Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, ayaa la isku af-gartay In ugu dambeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina.

Guddigaan, ayaa 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee billawgii bishaan ku wajeejiyay min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Masar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkaan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir oo soo badhigay Xogta Dad farabadan oo laga helay Cudurada Faafa

0

Maamulka Gobolka bBenaadir o ka duulaya badqabka iyo Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay tariikhda markii ay aheyd 25/1/2024, Dib u nidaaminta adeega Fayadhowrka Guud.

Waxaa baris iyo hubin lagu sameeyay dhammaan goobaha loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed, hoolwadeenada u adeega bulshada Caafimaadkood si loo hubiyo badqabkooda,Waxaa lagu sameeyay baaritaano Caafimaad Sida Shaqalaha Hotelada, Shaqalaha Maqaayadaha ku yaalo Makah Almukaramah, Shqalaha Farmashiiyayaasha, shaqaalaha Bukiyeerada, Shaqaalaha Dukaamada.

Hay’addii hubinta iyo faayodhowrka u xilsaarnaa ee dowladda hoose ee Xamar inay ku guuleestaan inay helaan ama qabteen dad Qabay cudurada faafa sida Cudurka ee (HIV aids) iyo Cudurka (Hepatitis B iyo C ) Cagaarshowga waxaa qabay oo laga helay baaris ka dib B iyo C 300 qof oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi ,Halka laga helay 35 qof HIV kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 4 qof oo shaqaale ajanibi ah.Waxaana la geeyay goibaha caafimaadka si ay u qataan dawooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaa shanaayo Hay’addaha ammaanka, Garsoorka, Socdaalka, ayaa ku guuleesteen inay dib ugu celiyaan dalalkii ay kasoo jeedeen Afar shaqaale oo qaba HIV oo ku shaqaynayay Xirfadaha kala ah Cunno kariye, Dhaqtarnimo, iyo Goobaha leesku qurxiyo.

1′ Dhammaan goobaha Bulshada loogu adeego waxaa waajib ku ah inay heestaa Ruqsada Caafimaadka faayadhowrka ee goobta.

2′ Dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo goobahaas waa inay heestaan kaarka Caafimaad Qabka.

3′ Shaqalaha ajaanibta ah waa inay heestaan Kaarka Caafimaad faayadhowrka.

4′ Dhammaan goobaha lagu kaydiyo badeecadaha waa inay heestaan,Caddaynta badqabka Raashinka iyo daawooyinka.

5′ Milkiilayaasha waxaa la farayaa inaysan shaqo galin karin qofka aan ku guulaysan helista warqada caafimaad qabka.

6′ Ciddii ku xad-gudta nidaamka faayadhowrka waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.

Horjooge ka tirsan khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

0

Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa khawaarijta, ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka xoogga dalka ee uu fadhigoodu yahay degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Baladweyne.

Aaden Raabbi ayaa sheegay inow ku qaldamay Khawaarijta shalay,Markii uu ku biirayay ay ka aheyd Diin difaacid,Balse markii uu arkay inayna wadin wax diinta islaamka shuqul ku leh,ayow garawsaday inow iskaga soo baxo,Nimankaas Khawaarijta ah.

Khawaarijta ayaa muddooyinkaan iskaga soo baxayeen dhallinyaro farabadan oo ay ku khaldeen ka been abuurashada diinteena Suuban.

Guddoomiyaha degaanka Farlibaax Axmed Aaden Xasan ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku hayaan laba xubnood oo ajaaniib ah kana tirsanaa khawaarijta kadib howlgallo ay ka fuliyeen Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka nawaaxiga Farlibaax, wuxuuna xusay in ay u gudbin doonaan maamulka Hirshabeelle.

Wasiir Dowlaha Caafimaadka oo furtay kulan lagu tageerayo shaqo Gelinta Hay’adda Maareynta Dawada  

0

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo furtay Kulan lagu Taageerayo Shaqo Gelinta Hay’adda Maareynta Daawada Soomaaliya iyo dhaqan gelinta Axdi Qaarameedka Tayada Daawada Afrika oo ay taageereyso Hay’ada Horumarinta Midowga Afrika ee AUDA-NEPAD.

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Taageeridda shaqo Gelinta Hay’adda Maareynta Daawada Soomaaliya oo ay taageereyso Hay’ada Horumarinta Midowga Afrika ee AUDA-NEPAD oo ay Goobjoog ku yihiin Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Axmed Xuseen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Guuled Abdijaliil, Agaasimaha ku Meel gaarka ah ee Hay’ada Maaraynta Daawada Daawada Soomaaliya Dr. Faarax Sharaawe, Masuuliyiin ka socda Hay’ada AUDA-NEPAD iyo Qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada iyo Madax Qeybeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo Xubno kale.

Shirka oo Socon doona Muddo Sadex Casho ah, ayaa lagu lafa guri doonaa sida Hay’ada Maaraynta Daawada Soomaliya ay u Noqon lahayd Mid Howl Gasha oo ay u dhamystiranyihiin Habraacyada Caalamiga ah, iyadoo la jaanqaadeysa Hay’adaha Tayada Daawooyinka Adduunka iyo Sidoo kale sidii Soomaaliya looga dhaqan gelin karo Axdi Qaarameedka Tayada Daawada Afrika.

“Hay’adan oo si dhab ah u Shaqaysaa waxay tusaale u tahay Sida ay nooga Go’antahay inaan Dhisno Hanaanka Guud ee Caafimaadka Dalka” ayay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama ku sheegtay Qudbad ay ka jeedisay Furitaanka Kulanka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa ka Go’an in ay Xaqiijiso in Hay’ada Maaraynta Daawada Soomaaliya ay Noqoto mid Howlgasha oo ay u dhamaystiranyihiin Shuruucda iyo Habraacyadeeda Shaqo.

32 Xubnood oo khawaarijta ka tisanaa oo lagu laayay howlgal laga fuliyay Jubbaland

0

Ugu yaraan 32 ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay 3 kalena nolosha, ayaa lagu qabtay kadib howlgallo ay ciidanka Danab ee xoogga dalka iyo Daraawiishta maamulka Jubbaland ay ka fuliyeen degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada hoose.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayay sidoo kale Ciidamada wada jira kaga furteen khawaarijta saanad ciidan, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, waxayna intaa ku dareen in ay ku raad joogaan firxadka khawaarijta.

KKhawaarijta ayaa muddooyinkaan dambe ciidan dowladda iyo kuwa degaamada ku ahaayeen, Weerar aan kala joogsi laheyn,Kuwaas oo goobo badan looga nadiifiyay Khawaarijta oo ay ku dhuumaalaysanayeen.

Madasha Horumarinta Soomaaliya oo looga Dooddayo horumarinta dhaqaalaha dalka

0

Magaalada Muqdisho Waxaa maalintii labaad ka socda, Madasha Horumarinta Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan, Mas’uuliin kala duwan sida wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo Dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon doono muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuura Mustafe Mukhtaar, ” Waxaan 2.9 Milyan oo Carruur ah ayaan, wax baran in lamid ah oo dhallinyaro ah ayaan sidoo kale aan wax baran”.

Doodaha Madasha Horumarinta Soomaaliya ee sanadka 2024-ka oo maalintii labaad diiradda lagu saarayo daraasado ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo caqabadaha jira sidii xal waara loogu heli lahaa.

Kulankaan ay kasoo qeybgaleeyn aqoonyahanada tirada badan iyo Mas’uuliyiinta ayaa laga sugayaa inay kasoo saraan,Qodobo lagu hormarin karo Soomaaliya,Si uu dalkeena u noqdo mid la tartama caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo geesinimo ku abaalmariyey 3-dhallinyaro ah

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

“Xukuumadda Danqaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteyseen bilad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Xukuumadda ayaa dhallinyaradan siisay fursad shaqo iyo abaalmarino, si loo qiro kaalintooda nafhurnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Rwanda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweyne Kagame oo dib loo doortay ayaa ugu hambalyeeyey horumarka uu dalkiisa ku hoggaamiyey.