Home Blog Page 290

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qeygalay shir-weynaha (COP29)

0

Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (COP29) oo lagu qabtay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyagoo soo bandhigay doorka Soomaaliya ee adeegsiga teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha cimilada.

Maareeyaha ayaa ka qeybgalay dood cilmiyeedyo ku saabsan “Garaadka Macmalka ee Digniinta Degdegga ah ee Dhammaan” (AI for Early Warnings for All – EW4All) oo diiradda lagu saaray sidii garaadka macmalka loogu adeegsan lahaa yareynta nuglaanta cimilada iyo badbaadinta nolosha, iyo “Hawlaha Dhijitaalka ee Cagaaran” (Green Digital Action) oo xoogga lagu saaray isku-darka hal-abuurka dhijitaalka ah iyo xeeladaha cimilada si loo yareeyo saameynta deegaanka loona dhiso kaabayaal adkeysi leh.

Intii shirku socday, Soomaaliya waxay taageertay Baaqa Hawlaha Dhijitaalka Cagaaran, taas oo muujinaysa dadaalka ay ugu jirto horumar waara, sinnaanta dhijitaalka ah, iyo dhisidda kaabeyaasha adkaysiga leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga tacsiyeeyay Guddoomiye kuxigeenka koowaad Gariddii ku timid walaasheed 

0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar uga tacsiyeeyay geerida ku timid walaasheed Faadumo Cali Samatar.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumadda Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyskeeda oo ay ugu horeyso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka iyo eheladeedana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay wafdi ka socda dalka Norway 

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Norway, oo uu hoggaaminayey Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada-hadlidda arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Wuxuu sheegay guulaha laga gaaray dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, oo ay ka mid tahay ansixinta Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamul wanaagga dimuqraadiga ah.

Wafdiga Norway ayaa bogaadiyey guulahan, iyagoo ammaanay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha dowladnimo inkastoo ay jiraan caqabado.Doodda ayaa sidoo kale diiradda saartay qorshaha istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee xilliga kadib ATMIS, iyadoo dalka uu u diyaargaroobayo inuu si buuxda ula wareego masuuliyadda amniga qaranka.

Wasiir Fiqi ayaa faahfaahiyey dadaallada lagu tayeynayo ciidamada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo ku booriyay iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya yoolalkan.Waxaa sidoo kale laga hadlay mowqifka Soomaaliya ee ka dhanka ah heshiiska sharci-darrada ah (MoU) ee Itoobiya ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa ku adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulanka,ayaa muujinaya iskaashiga sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Norway, oo ku saleysan danaha wadaagga ah iyo qiyamka wadajirka ah, iyagoo ka shaqeynaya xalinta caqabadaha gobolka iyo horumarinta nabadda waarta.

Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed uga qeyb shay Jaamacad ku taalo dalka Shiinaha

0

Waxaa Todobaadkan magaalada Changsha ee dalka Shiinaha lagu qabtay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliya ee wax ka barta dalka Shiinaha.

Bandhig dhaqameedkan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU), ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacadda,marti sharaf iyo arday badan oo ka kala socda 40-Dowladood oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta  dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay cunto dhaqameedkeenna noocyadooda kala duwan iyo ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb galay.

Dhallinyaro ku lebbisan dharka hiddaha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu ho bandhig dhaqameedka ka dhacay magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Guddoomiyaha ardayda Soomaaliya ee wax kabarata magaalada Changsha ee dalka Shiinaha Axmed Cabdirahmaan Ibraahim ayaa aad u bogaadiyay hannaanka hagaagsan ee ardayda Soomaaliyeed ay u soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqankooda hodanka ah, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay gabdhaha Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaateen bandhiga.

Madaxdii bandhig dhaqameedka ka soo qeyb galay iyo ardaydii kale ee ajaaniibta ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed ay uu muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah kaga jiray habsami u socodka munaasabadka,waxaana ay ku bogaadiyeen inay xoojiyaan dhaqanka Soomaaliyeed.Bandhig dhaqameedkan oo ah mid sanadkii, mar la qabto ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay isku xirka dhaqamada iyo isku-duubnimada adduunka.

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa cusub ee IOM ee Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Axmed Maxamuud Muxumed, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii shirkii Baarlamaannada (𝐄𝐀𝐂)

0

Muqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Nayroobi uga qeyb galay shirka 18aad ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂)

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeenna, maadaama Soomaaliya ay leedahay Khayraad fara badan oo dabiici ah, dhul qani ah iyo bulsho firfirkoon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysiga xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in midowgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha qaaradda Afrika inay midoobaan ayna ka wada faa’iidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyowga qaaradda Afrika.

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

0

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xasan Macalin oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dastuurku oo dhameystirmo micnihiisu yahay dadweynaha Soomaaliyeed oo hela xaqoodooda oo ah doorsha qof iyo cod ah.

Mudane Xasan maclin ayaa tilmaamay in madaama dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahnaa wadaxajood siyaasadeed uu madaxweynahu shir guddoomiyay shirka Golaha wadatashiga Qaranka si looga heshiiyo loona dhameystiro dastuurka,haddana lagu guda jiro la tashiyada dadweynaha ee cutubyada 5-aad ilaa 9-ee dastuurka dalka.

Wasiirka Cadaallada iyo Arrimaha dastuurka Xasan Maclin ayaa intaa hadalkiisa ku daray in ay muhiim tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah shacabkana loo celiyo awoodda, si cidda hoggaamineyso ay iyaga u soo doortaan, isagoo sheegay in Hindise Sharciyeedka doorashada ee saddexda ah ay hadda horyaalaan Baarlamaanka si ay u meel mariyaan kadibna dalka uu aadi doono doorasho toos ah(Qof iyo cod),taa oo looga gudbayo doorasho dadban.

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

0

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada JFS Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa kulan muhiim ah la yeelatay Madaxa COP29 Danjire Iskandanov, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay waddooyinka lagu gaari karo guusha hannaanka socda iyagoo mar kale adkeeyey ballanqaadkooda ah in la xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro heshiisyo macno leh oo dhammaan bulshada saameeya.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay ajandayaasha muhiimka ah sida Hadafka Cusub ee Isku dhafan (NCQG) isbeddelka caddaaladda ku saleysan iyo arrimaha kale ee mudnaanta leh. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay martigalinta #COP29 ka Dowladd ahaan Azerbaijan soo dhoweyntooda diirran iyo qabanqaabada heerka sare ee #COP29.

Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo yeertay safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen, kaas oo ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu Safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay Safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shalay ka hadlayay munaasabad tababar loogu xiray safiirrada cusub ee dhowaan Golaha Wasiirrada ansixiyee ayaa sheegay in safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood dhawaan tageen Hargeysa, halkaas oo ay ka socotay doorashada maamulka Somaliland,kuwaas oo qariyay halka ay safiir ka yihiin.

“Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku sugan qaarkood waxay tageen Hargeysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeysay oo ku saabsan doorashada, Soomaaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysano, laakiin nin safiir ah oo dowlad u soo xilsaaratay inuu safiir ka noqdo halkan,kama yeeleyno inuu dal ku tilmaamol, kama yeeleyno inuu qariyo dalka Safiirka uu ka yahay” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga digay safiirrada qaarkood ee ajanabiga ah ee Soomaaliya jooga inay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka Waqooyiga Soomaaliya (Soomaalind), isagoo tilmaamay waxii dhaxdeena ah inay Soomaali u taalo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay rajeyneynaan in wadahadalladii dib u bilowdaan hadii meesha isbadal ka dhaco, dowladdana go’antahay xal u helidda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda xooga saarayaan sidii dalka guud ahaan uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, taas oo hadda uu u fadhiya Baarlamaanka JFS.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag udirtay qofkii ku xadgudba midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.