Soomaaliya ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards

Date:

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxa ay ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards, iyadoo tartanka ugu guuleysatay Mareykanka, Ingiriiska, India iyo Kuuriyada Koonfureed

“Waxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya guul uga soo hooynay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝗖𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗨𝗻𝗰𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗲𝗱 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱 oo ay bixiso madasha 𝗚𝗹𝗼𝘁𝗲𝗹 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱𝘀 ee Warbaahinta 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee dalka Ingiriiska” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

 

Xafladdan oo ka dhacday magaalada London ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay abaalmarintan caalamiga ah, taas oo ay muteeysatay kaalinta Shirkadda ee isku xirka ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Abaalmarinta waxaa ku tartamayay Shirkado badan oo ay kamid yihiin Wifinity ee dalka Ingiriiska, Zayo Group ee Mareykanka, HFCL ee India, iyo Shirkadda SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaa sidoo kale madasha abaalmarinno lagu guddoonsiiyay 24 shirkad oo hoggaamiya isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda adduunka sida Intel, Huawei, Vodafone, Saudi Telecom, Ericsson, ZTE, iyo China Mobile.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Shirkadaha iyo hay’adaha kale ee guulaha ka soo hooyay caalamka oo ay ugu horeyso Shirkadda Hormuud Telecom, iyadoo tani qeyb ka tahay guulo taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaareyso fagaarayaasha caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...