Home Blog Page 289

Ra’iisul Wasaare Xamse oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland 

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda Beijing ee dalkaas

0

Safiirka dowladda Soomaaliya u fariisan doona dalka Shiinaha danjire Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa lagu soo dhaweeyay Caasimadda wadankaas ee Beijing.

Danjire Hodan Cusmaan waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Beijing kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas oo uu hoggaaminayay siihayaha Safaaradda Cabdisalaan Koodaar, iyo Diblomaasiyiin ka socotay Safaaradaha wadamada Afrika ee dalka Shiinaha.

Danjire Hodan Cusmaan ayaa kulan isbarasho ah la qaadatay diblomaasiyiintii soo dhaweynta u sameeyay oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Cameroon ahna hoggaanka danjireyaasha wadamada Afrika ee Beijing Martin Mpana, wakiilka joogtada ee Midowga Afrika u jooga wadankaas Rahmatalla Maxamed iyo Safiirka dowladda Senegal ee dalka Shiinaha danjire Ibraahim Sory Sylla, waxaana ay adkeysay in muhiim ay tahay inay wadaashaqeyn buuxda ay la yeeshaan inta ay joogto muddo xileedka.

Safiirka cusub ee Soomaaliya danjire Hodan Cusmaan ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac wadaagaan.

Cabdiraxmaan Cirro oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Somaliland ee Madaxweynaha 

0

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa  ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Xisbiga Waddani, isagoo helay codad gaarayo  63.92%.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweyniha 6-aad ee maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhashay magaalda Hargeysa 1955-kii, 1978 illaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha Soomaaliya, 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi ka howlgala wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa May 1988 illaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soomaaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka guuleystay Madaxweynaha hadda xilka kasii dagaya Muuse Biixi Cabdi iyo musharax Faysal Cali Waraabe.

Guddiga Doorashooyinka oo kulan wada tashi ah la qaatay bulshada Rayidka

0

Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah Magaaladda Muqdisho kula qaatay Ururrada Bulshada rayidka,

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada Bulshada rayidka looga talo gelinayay Akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo dhowaanna la filayo in la horgeeyo Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Xubnaha ka socday Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan,waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qeybisay Barakacayaal ku nool Muqdisho

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka u qaybisay 500 oo qays oo ka kooban danyar, barakacyaal iyo dad naafo ah, kuwaas oo ku jira kaam ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Deeqdan oo ay Soomaaliya ugu deeqaday dowladda Turkiga, ayaa waxaa ka mahadceliyay qoysaskii ka faa’iideeystay, iyagoo sheegay in ay mucaawinadan heleen xilli ay baahi badan u qabeen.

Dhinaca kale, hay’adda SoDMA ayaa diyaarad sida shixnad gargaar mucaawino ah waxa ay isla u dirtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku nool yihiin barakacayaal iyo dad danyar ah oo ay waxyeello kasoo gaareen abaarihii iyo daadadkii halkaasi ka dhacay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub CXD iyo Taliyihii hore

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadi sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd, wuxuunna sheegay in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo khawaarijta iyo kooxaha nabadda diiddan isagoo tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya.

Mudane Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la saxiixatay dowladda Denmark 

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa maanta si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaan, ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

Wasaaradda Cadaaladda oo furtay tababar la xariiro mamulka Xabsiyada 

0

Agaasimaha Waaxda Asluubta ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Mudane Mohamud İsak Hassan, ayaa maanta daah furay tababar la xiriira maamulka xabsiyada iyo xuquuqda aadanaha oo loo labaatan howlwadeen oo ka mid ah Asluubta Soomaaliya.

Ujeedka tababarkaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta hawlwadaneeda Asluubta iyaga oo fulin doona waxyaabaha lagu tababaray si wax looga qabto baahiyaha cadaaladeed ee ka jira Xabsiyada dalka.

Ugug danbeyn Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa ku howlan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha howlwadeenada ka shaqeeya bahada Cadaaladda dalka.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo gacanta kusoo dhigtay dhagar-qabe ka tirsan khawaarijta 

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar- qabe ka tirsan Khawaariijta oo u qaabilsanaa hubinta badqadka gaadiidka ay Khawaariijta u adeegsadaan qaraxyada.

Dhagar-qabaha oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) ayaa xubin ka ah Shabakadda Qaraxyada iyo Naftood- haligayaasha Khawaariijta, isaga oo u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka kahor inta aan loo adeegsan Ismiidaaminta, maadaama uu yahay xirfadle Makaanikiiste ah.

Dhagar-qabahan waxa uu ku lug-lahaa cilad bixinta ilaa Sagaal gaari oo loo adeegsadey gummaadka Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, kaas oo ugu dambeeyay gaarigii Harrier-ta ahayd ee lagu qarxiyey SYL Hotel, isaga oo deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay dhagar-qabe Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo xukunsane ah.

Hay’adda NISA waxaa ka go’an ciribtirka cadowga khawaariijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka ah iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqeyntooda.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista ee ICAO

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar oo uu wehliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Cabdow ayaa faahfaahiyey qorshaha safarka isgoo sheegay in dhinacyado ay kawada hadleen sidii garoonka Aadan Cadde loo hormarin lahaa si uu ula jaan qaado garoomada caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsamo ee labada Hay’adood iyo qiimeeynta sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay baarista farsamo (Audit) ee dhawaan Hay’adda ICAO ku sameeyn rabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Kulanka lagu faaqiday siyaabaha lagu xoojin karo awooda farsamo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo hubinta waafaqsanaanta Howlaha Hay’adda ee shuruucda iyo heerarka Duulista Caalamiga. Wafdiga ayaa booqasho qiimeeyn ah ku tagay xafiisyada iyo kaabayaasha tijnoolojiyeed ee Hay’addu ku howlgasho.

Maareeyaha Hay’adda ayaa rajo fiican ka muujiyay natiijada shirka isagoo tilmaayay muhiimada ay leedahay iskaashiyadda caalamiga si loo hormariyo majaalka Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Booqashada wafdigan ayaa ka dhigan tilaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka xoojinta khibradda farsamo iyo heerarka howlgelinta shaqooyinka Hay’adda, waxay jidka u xaareeysaa in Duulista Rayidka Soomaaliya ay bixiso addeeeg leh badqab la hubo isla markaana heerkiisu sareeyo.