Home Blog Page 288

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed 

0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed munaasabadda 21-ka Novembar awgeed oo ah maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku asteenysan maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel walba oo ay Soomaali joogta laga xuso.

Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintaan. Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Guddoomiye Xasan Abshirow ayaa sheegay in macallinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay,isla markaana yahay baraha iyo hagaha ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka, maantana ay tahay maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si macallimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan kobcinta waxbarashada Dalka.

“Macalimiinta Soomaaliyeed ayaa muujiyay dhabar- adeyg iyo dulqaat muddadii dhowr iyo labaatanka sano ahaa ee uu dalka burbursanaa, iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macallimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiirin laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan, waxaa qatar gali lahaa mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeeed, hormarka maanta dalka ka jirana lama gaari laheyn” Ayuu yiri Guddoomiye Xasan Abshirow.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya aay xoogga saareysa shaqa-gelinta macallimiinta iyo sare u qaadida arrimaha waxbarashada dalka, ayadoo laba sano gudahood Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliaya diiwaangeliyeen lix kun (6,000) oo macallin, kuwaa oo hada ka howlgala dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed 

0

Wax baridda ubadka Soomaaliyeed oo kula nool dunida dafaheeda kala duwan waxaa mas’uuliyad weyn iska saray Macallinka Soomaaliyeed sidaa darteed hambalyo barayaasha Soomaaliyeed.

Addunyada horumar kasto oo lagaaro waxaa sababa dad,Dadkaasne waxaa wax soo baray oo gaarsiiyay heerarkaas kala duwan waa macallin. Dadka sida loo diyaariyo ayay u noqdaan bulasho wax tar leh,Macallinku waa barbaariyaha iyo haggaha bulashada kortay iyo mida soo koraysaba.Macallinku qiimo aad aad u weyn ayow ugu fadhiyaa dalkaan iyo dadka Soomaaliyeedba.

Macnaha waxa sameeyo maahan xirfada iyo waxa aad taqaan uun ee waa Barbaarinta lasoo barbaariyo, Cunuga yarkaa inta uu ku jiro aas aaska Waxbarashada,akhlaaqda wanaagsan wax lasiisto malahan.Qofka inow maskax ahaan u diyaarsan yahay ayaa muhiim ah oo hab-fikirkiisa qabaysan yahay.Qofka marka uu diyaaraan yahay waa qof anfacaayo bulashada iyo naftiisa taas ayaana muhiim ah.Masuuliyadda weyn waxa ay saaran tahay waa Macallinka Soomaaliyeed Waxaana leenahay HAMBALYO.

Abaal ayay u galleen Macallimiinta Soomaaliyeed dalkaan iyo dadka Soomaaliyeedba waxaan leenahay,Abaalkiina allaha idiin guddo ileyn anaga maba guddi karnee,Dadaalkiina halkaas kasii wada.

Golaha Wasiirradda oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha guud ee hay’adda Istaatistikada

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta deegyada caafimaadka dalka.

Maanta oo ku beegan maaalinta Macallinka Soomaaliyeed 

0

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanad guuradii 50-aad ee maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta looga dabaal dago.1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxa ayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacab iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu weyneynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta weyn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY.

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi, wuxuu dadaal u galay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta Waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeystay,iyagoo ku shaqeeyay xaaladihii adkaa ee la soo maray ,gaar ahaan xilligii dowlad la’aanta. Haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed.Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayda wuxuuna ka waraabiyaa durdurka aqoonta iyo ilayska cilmiga, taasina waxaad ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyaha mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa. Waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo tiirdhexaadka bulshada,iyadoo diinta islaamkuna ay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Abuukar Gobdoon

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hirgalinta Doorashooyinka toos ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasadeed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.

Dr. Hodan Cusmaan oo nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo ku wareejisay Dowladda Shiinaha

0

Danjire Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo Agaasime Ku-Xigeenka Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mudane Li Jinjin.

Kulanka oo ka dhacay Wasaaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ee magaalada Beijing ayaa astaan u ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjiraha oo sharaxaad ka bixisay muhiimadda ay u leedahay mas’uuliyadda matalaadda Soomaaliya, ayaa carabka ku adkeysay sida labada dal ay iskaashigooda uga sii faa’iideysan karaan mustaqbalka.

Somalia iyo Shiinaha waa labo dal oo xiriir qotodheer oo taariikhi ah wadaaga, kuna dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn. Intii uu socday kulanku, Danjiraha iyo Agaasime Ku-Xigeenka ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyagoo isla qaatay in la dardargeliyo qorsheyaasha danaha labada shacab ka dhexeya.

Kulanka oo ku soo dhammaaday si sharaf iyo niyadsami leh ayaa calaamad u noqday bilow cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjiraha ayaa uga mahadcelisay dowladda Shiinaha soo dhaweynta diirran iyo sida ay diyaar ugu tahay inay iskaashi dhow la yeelato Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada oo su’aalo laga waydiyay hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya 

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 20-aad ee kalfadhiga shanaad oo ay soo xaadireen soddon sanatar.

Ajandaha kulanka maanta ka koobanaa saddex ajande oo kala ahaa:

1- Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya.

2- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

3- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Khayraada Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa dulmartay akhrinta saddexaad ee Hay’adda Sharciyeynta Baaritaanka Beeraha iyo sharciga Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, iyadoo intaas ka dib xubnaha Sanatarrada ay cod gacan taag ahaa ku meel mariyeen labadaas sharci oo dalka muhiimka u ah, sagaal iyo labaatan Sanatar ayaa ogolaatay, wax diday ama ka aamusayna ma jirin.

Ka dib, waxaa loo gudo galay akhrinta 2aaad ee Sharciga Shaqada Soomaaliyeed, Guddoomiyaga Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Sanatar Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle ayaa dhankiisa, xubnaha Sanatarrada dulmar guud iyo sharraxaad ka siiyay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, intaas ka dib Sanatarrada ayaa ka dooday sharciga waxayna soo bandhigeen aragtidooda iyo meelaha ay ka qabaan qodobada sharciga in wax ka beddel, toosin ama sixitaan lagu sameeyo.

Gunaanadkii doodda oo aad u dheeraatay Saatarradu waxa ay codsadeen maadaada sharcigu yahay mid ka kooban qodobo badan oo hal maalin laga wada doodi karin in doodda akhrinta 2aad ay sii socoto kulamada soo socdo, wuuna ka aqbaly Guddoomiyuhu soo jeedintaas, sidaas ayaana kulankii guddoomiyuhu kusoo xiray, iyadoo kulanka xiga uu sii socon doonno doodda iyo akhrinta 2aad ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tactics Gariddii Fannaada Faadumo Duur

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Faadumo Maxamed Xasan (Faadumo Duur) oo ka mid ahaan jirtay Fanaaniinta Hobalada Qaranka.

Allaha u naxariistee Faadumo Duur waxay ka tirsanayd kooxda Heegan ee ciidanka booliska Soomaaliya, Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumada, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Hay’adda SoDMA oo furtay shir loga hadlaayo ka jawaabista xaladaha deg-degga ah ee Bulshada 

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir watashi ah oo muddo 2-cisho ah socon doona, kaas oo looga hadlaayo hagidda iyo iskuduwidda ka jawabista xaaladaha degdegga ah.

Kulankaan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka [SoDMA], Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Barnamaijka Cunta Adduunka ( WFP).

Shirkaan waxaa lagu casuumay qaar kamid ah wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada dalka, Ururrada taageera Soomaaliya, Hay’adaha caalamiga ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee dalka.

Kulankaan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin ku habboon kabka ka jawaabista xaaladaha dagdegga ah, iyadoo loo marayo habka illaalinta bulshada sida sameeynta istiraatijiyadda ka jawaabista khataraha ee Ilaalinta bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.