Home Blog Page 288

Ugu yaraan 18 falastiiniyiin ah ayaa la dilay ka dib markii Israa’iil ay weerartay guri ku yaal Khan Younis habeenimadii

Ugu yaraan 18 falastiiniyiin ah ayaa la dilay ka dib markii Israa’iil ay weerartay guri ku yaal Khan Younis habeennimadii.

Ciidamada Israa’iil ayaa duulaan ku qaaday goobo ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto, waxayna qabsadeen Bariga magaalada Quddus iyadoo la soo sheegayo iska caabin xooggan oo dhanka Falastiiniyiinta ah.

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Gaza ay noqotay meel “dhimasho iyo rajo la’aan” Falastiiniyiinta.

Lubnaan ayaa dacwad rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo sheegtay in Israa’iil ay lix gantaal ku ridday weerarkii lagu dilay ku xigeenkii hoggaamiyaha Xamaas Saleh al-Arouri oo ka dhacay duleedka Beirut.

Ugu yaraan 22,600 oo qof ayaa lagu dilay 57,910 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

 

Madaxweynaha JFS oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo soo saaray war aysan ku farxin taageerayaasha xulka gobolka Banaadir.

0
Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed oo war qoraal ah ka soo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa soo saaray Natiijo aysan ku farxin xulka iyo taageerayaasha gobolka Banaadir.
Xiriirka ayaa dhibcaha kulankii shalay siiyay xulka DG Hirshabeelle taas oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.

Ingiriiska oo sheegay in ay ixtiraam u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisay  in ay ixtiraam buuxa u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

,“Ingiriisku waxa uu ka walaacsan yahay xiisadaha sii kordheysa ee Geeska Afrika,sidaa daraadeed,Waxa ay ku baaqeen in la is xakameeyo oo la wada hadlo,isla markaana si nabad ah lagu dhameeyo xiisadaha jira”ayuu yiri safiirku.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in ay dib u cusboonaysiiyeen taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiis beenaad ay wada gaareen maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya,waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid halis ku ah deris wanaaga.

Isniintii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixday waxa lagu tilmaamay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in Itoobiya ay marin u hesho badda cas.

Howlgal Khawaarij badan lagu laayay oo saaka ka dhacay Koofurta Mudug.

Howlgal qorsheysan oo lagu laayay maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa saaka ka dhacay deegaanka Samatar Madow oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalkaan oo jab xoogga saaka lagu gaarsiiyey Khawaarij isku aruursaneysay deegaankaas.

Goor dhow la soco faah-faahin ku saabsan howlgalkaan iyo Khasaaraha kala duwan ee gaaray  Khawaarijta.

Madaxda Warfaafinta XFS oo u hambalyeeyay shaqaalaha Wakaaladda SONNA oo u dabbaaldegay xuska 60-aad

0

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Wakaaladda Warareka Soomaaliyeed ee SONNA oo maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda sanadguurada 60-aad.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane C/Raxmaan Al Caddaala , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale iyo Agaasimaha Wakaaladda SONNa Mukhtaar Oranjo oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku ammaanay shaqaalaha Wakaaladda SONNA dadaalka ay ugu jiraan dib u soo nooleynta hadafka wakaaladda iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxdaasi waa ay ka warbixiyeen waxqabadka wakaaladda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay sanadkaan ku tallaabsaatay SONNA,iyagoo ugu baaqay shaqaalaha in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalka.

Gabagabadii waxa ay u rajeeyeen shaqaalaha Wakaaladda Wararka SONNA in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale waxaa dhambaal hambalyo ah shaqaalaha SONNA u diray Agaasimaha Telefishinka Qaranka Maxamed Kaafi iyo Guddoomiyaha Kuliyadda Saxaafadda Mudane Dhicisoow.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag uga hor yimid dulmiga Ethiopia ee madax banaanida dhuleed ee JFS.

Ururka Iskaashiga Islaamka {OIC} ayaa War qoraal ah uu soo saaray si adag uga hor yimid isku dayga Gurracan ee Dowladda Ethiopia ay ku dooneyso qeyb ka mid dhulka Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee Ururka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare —hirgelinta Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn lahayd.

Baarlamaanka Carabta oo si adag uga hadlay xadgudubta Etoobiya ku hayso dalkeena.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo sheegay in si cad uu udiiddan yahay in faraha lalagalo arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo la ixtiraamayo daris wanaagga.
Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu yiri” baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo Qaranimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga, iyo ilaalinta qaranimadooda, waana in aanay faraha la galin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasiloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyo”.
Bayaanka kasoo baxay baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in sidoo kale tahay madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mid aan gorgortan laga gali karin oo qayb ka yahay amniga Qaranka Carabta, waxa ayna intaas sii raaciyeen in baarlamaanka Jaamacadda Carabta diyaar ula tahay dowladda Federaalka Soomaaliya garab Istaag buuxa si qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo ilaaliyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan degdeg ah la qaadatay Danjireyaasha Beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS oo maanta Shir isagu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.
Siihaayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.