Home Blog Page 287

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb qaatay kulanka tacsida ee loogu duceynayay Marxuum Siilaanyo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb qaatay kulan tacsiyeed oo loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay shaqsiyadda marxuumka, isaga oo ku tilmaamay qof dulqaad badan, kaalin weynna ka qaatay horumarka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka iyo hogaaminta marxuumka ay mudan yihiin in lagu daydo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, dadka reer Somaliland, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad ay tacsi u dhigeen, una duceeyeen madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray: “Qofka wanaagiisa waxaa la eegaa marka uu dhinto iyo inta qof ee janaasadiisa soo raacdo, oo u tacsiyadeysa,”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorashooyinka ka dhacay Somaliland, isaga oo sheegay inay muujinayaan biseyl siyaasadeed, isla markaana rajeynaya in doorashooyin la mid ah laga qabto meel kasta oo ay Soomaali joogaan.

Wasiirka Beeraha XFS oo soo bandhigtay Cagaf-cagafyo loogu talagalay Beeralayda Soomaaliyeed

0

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye, oo ka hadlay soo bandhigidda gawaaridaasi cagaf-cagafta ah, ayaa sheegay in qalabkaan uu qeyb ka yahay dadaal ay waddo dowladda federaalka ah ee lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa qiray in ka Wasaaradda ahaan ay ka go’an tahay in dib loo soo nooleeyoo wax soo saarka beeraha si ayuu yiri loo gaaro isku filnaan xagga cuntada ah.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye, waxa uu xusay in gawaaridaan cagaf-cagafta ah lagu wareejin doono Heyadda Onod oo qaabilsan taageeridda beeraleyda,gaar ahaan qodidda iyo habeynta dhulka logu talagalay wax beeridda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya waxay xoogga saareysaa sidii sare loogu qaadi lahaa dhiirigalinta beeraleyda, iyadoo lala kaashanaayo hey’adaha caalamiga ah ee qaramada midooobay iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Macallinka oo ku began 21-ka November.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ka qeybgaley xaflad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Axmed Maxamuud Muxumed inuu noqdo Ku-Xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyay muhimadda in siyaasiyiinta ay aqbalaan doorshado qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xuquuqdooda iyo awoodda dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu saxiixay dhammaan heshiisyada dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo codka, ayna wax laga xumaado tahay inuu ka baxo heshiisyadaasi uu hore u aqbaley.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu xusayey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku began 21-ka November.

11-Golaha Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Istaastiikada Qaranka Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

12-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah ayaa magaadala Nairobi kaga qeybgaley shirka madaxda Baarlamnaka Ururka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi.

13-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciyada dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee dalka.

4-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Col. Yuusuf Xasan Faarax (Yuusuf Dheeg) ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u soo xiray tababar diblomaasiyadeed iyo mid dhanka hab maamuuska oo loogu talagalay safiirrada cusub ee dhowaan la magacaabay.

17-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa kala saxiixday heshiis Denmark ay deymaha uga cafineyso Soomaaliya.

18-Wasiiru Dowlaha Gaadiidka & Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socdya Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

19-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira horumarinta biyo-mareenada magaaladda Baydhabo.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Ahmed Moalim Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad.

21-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen kadib markii uu Hargeysa ka jeeidyay hadalo wax u dhimaya midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

22-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay haddii uu dhameystirmo dastuurka ka dhigan tahay in shacabka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod xaq u yeelan doonaan.

23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan l qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

24-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaariijta oo u qaabilsanaa hubinta badqabka gaadiidka ay Khawaariijta u adeegsadaan qaraxyada.

25-Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Shiinaha Danjire Hodan Cusmaan Cabdi ayaa nuqulka warqadaha aqoonsiga guddoonsiisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha.

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxda Tansania

0

Safiirka cusub ee Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan ayaa nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ku wareejiyey Agaasimaha Hab-maamuuska Qaran ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Tanzania Amb. Yusuph Mndolwa.

Kulankii soo dhoweynta kadib dhinacyadaasi waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah e labada dal iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Tansania.

Safiirka cusub ee Soomaaliya, ayaa Agaasimaha uga mahadnaqey soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameeyey, isagoo lawadaagay in uu xoogga saari doono adkeynta xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo la shaqeynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Tansania

Guddiga Adeegga Bulshada Ee BJFS oo qabtay kulan la xiriiray arrimaha gargaarka ah

0

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka, ayaa Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsanaa ka warqabka iyo habsami u socodka arrimaha ku aadan gargaarka Soomaaliya.

Kulakaan oo ay Iska kaashadeen golaha shacabka iyo hey’adda UNICEF,waxaa ka qeybgalay Howlwadeenno ka socday golaha shacabka

Kulankaan waxaa mudadii uu socday la istusaaleeyay sidii loo heli lahaa  ballanqaad ku aadan habsasmi u fulinta howlaha gargaarka ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo sidii looga miro dhallin lahaa hadafka dowladda ee ku saabsan wax u qabashada umadda.

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BFS Nadra Saalax Cabdi oo kulankaasi ka hadashay ayaa madaxda Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ku ammaantay dadaalka ay ugu jiraan gaarsiinta shacabka ee arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adda SoDMA iyo Culumada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah ku yeeshay Muqdisho 

0

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Culimada Soomaaliyeeed, ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, ka jawaabista deg-degga ah, dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka iyo sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hay’addu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirka daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu shirkaan u leeyahay bulshada, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan garab istaagga, isagoo xusay in talada iyo aragtida culimada ay mar kasta lagama maarmaan u tahay hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, halka uu si weyn u boorriyay xoojinta dadaallada wacyi-galinta iyo in dadka si wax-ku-ool ah loo fahansiiyo sida ay muhiim u tahay wax-la-bixdda iyo is-caawinta.

Hoggaanka Culimada Soomaaliyeed goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo jeediyay doodo iyo khudbado la xariira sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karo gargaarka iyo waddooyinka looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, halka ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyadoo xoogga la saarayo ka faa’iidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha.

Intii shirku socday waxaa la soo bandhigay muuqaal koobaya waxqabdka Hay’adda muddada labada sanno ah ee ay jirtay, sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixin kooban oo taabanaysa howlaha guud ee hay’adda hortabinta u leh, waxqabadka Xarunta Qaran ee Ka-digista Halis-wadareedka iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee ku aaddan u diyaargarawga, ka jawaasista xalaadaha bani’aadannimo iyo hirgalinta mashaaricda dhisaya adkeysiga bulshada.

Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka ahaa shirka ayaa si weyn u bogaadiyay doodda iyo muwduuca shirka, iyaga oo xusay in xalka in badan oo muskiladaha ka mid ah u ku jiro wacyi-galinta iyo farriimaha cumilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, loona baahan is-kaashi marka la joogo fulinta howlaha bani’aadannimo ee Hay’adda SoDMA masuulka ka tahay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ” Macalinku waa halgamaaga naftiisa iyo Ubadka Soomaaliyeed”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in macallinka Soomaaliyeed looga fadhiyo in uu soo saaro arday leh waddaniyad, kana hufan musuq, eex iyo qabyaalad, kuwaas oo kamid ah dhibaatooyinka saameynta taban ku yeeshay dadkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo sanad walba la maamuuso 21-ka Nofeembar, ayaa xusay muddadii labada sano ahayd ee ay shaqeynaysay Xukuumadda DanQaran in la shaqaaleysiiyey 6,000 oo macallin, lana gaarsiin doono ilaa 10, 000 mustaqbalka dhow.

Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyey doorka macallimiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed iyo saameynta wanaagsan ee ay ku leeyihiin mustaqbalka dalka, isaga oo ku boorriyey bulshada in ay taageeraan waxbarashada, si loo helo jiil aqoon leh oo ka guul gaara horumarinta dalka.

“Macallinku waa halgamaa naftiisa iyo maskaxdiisa u huraya barbaabarin ubadka Soomaaliyeed, waxa ay saldhig u yihiin mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed, waxaana bogaadinayaa doorka aad ka qaadataan horumarka Qaranka, waxaana naga go’an in aan garab istaagno macallinka Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, heeganna ugu jira badbaadada ubadka Soomaaliyeed”.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo waxbarashada iyo horumarinta tayada macalimiinta, taas oo tiir-dhexaad u ah horumarka bulshada iyo ciribtirka jahliga.

Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta oo khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee aynu walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Kulankaan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo shaqo abuur ah, kuwaasi oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo arrimo la xiriira tababaro lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dawladda.

kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Yuusuf Wadani iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha Wasaaradda.

Duqa Muqdisho oo soo xiray madasha Doonista Maqaamka Matalaada Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa soo xiray Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah oo muddo labo maalmood ka socday Magaalada Muqdisho.

Madashaan oo ay kasoo qeybgaleen Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda, iyo Sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa ay dhageysteen talooyinka iyo fikradaha qeybaha kala gedisan ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Culumada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka hadlay madasha ayaa taageeray hanaanka uu dalka ujiheystay ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoona dhinaca kale hoosta ka xariiqay in la xaqiijiyo Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo ka qeybgashay shir caalami oo ka dhacay magaalada Jeddah

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Mohamed Hussein, ayaa ka qeybgashay Shirweynaha Afaraad ee Caalamiga ah ee Iska Caabinta Dawooyinka Jeermis Dilaha ah (Antimicrobial Resistance – AMR), kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah, Boqortooyada Sacuudiga.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii caalamka uu si wadajir ah uga hortagi lahaa khatarta sii kordheysa ee iska caabbinta dawooyinka gaar ahaan kuwa loo adeegsado daweynta cudurrada faafa ee halista ah.

Intii uu socday shirka ayay sidoo kale Wasiiru dowlaha kulamo doceedyo la qaadatay wasiirada kala duwan ee ka socday dalalka ka qeyb galayay iyo masuuliyiin sare oo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka lagula jiro iska caabbinta dawooyinka.

Dr. Maryam Mohamed Hussein ayaa shirkan ka jeedisay khudbad ay kaga warbixisay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan yareynta iska caabbinta dawooyinka sida Horumarinta iyo hirgelinta siyaasado caafimaad oo casri ah Tababarka iyo tayeynta shaqaalaha caafimaadka ee dalka iyo Wacyigelinta bulshada si loo yareeyo adeegsiga qaldan ee dawooyinka jeermis dilaha ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii soo dhaweysay “Baaqa Jeddah” (Jeddah Commitment), oo ah ballanqaad caalami ah oo ku saabsan la dagaallanka khatarta iska caabbinta dawooyinka jeermis dilaha ah.