Home Blog Page 287

Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada gole Baarlamaan JFS ee gobolka Awdal oo digniin adag ka soo saaray damaca gurracan ee Itoobiya.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya.

Sidoo kale wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku boobto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

“Anagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Soomaaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteeda ee itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo warbaahinta u Akhrinay warka ka soo baxay.

Ugu dambayn waxay Wasiiradda iyo Xildhibaanadu baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

Halkan ka daawo warsaxafadeedka oo dhamaystiran.

Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo hubka qaatay “SAWIRRO”

Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo maanta dhigay Banaan bax ay ku diidan yihiin in Deegaankooda la siiyo Itoobiya ayaa la soo baxay hubkooda iyagoo sheegay in ay dhimasho ka xigaan in taako dhul ah laga siiyo Baddooda Itoobiya.

Dhalinyaradda ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed kaas oo ah in lagu garabsiiyo difaaca Badda Soomaaliya oo ay Itoobiya rabto in ay sife boob ah ku qaadato.

Guud ahaan Gobolka Awdal ayaa maanta waxa ka socda Mudaharaad looga soo horjeedo damaca xun ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

General Gacma-duule ”Qofkii soo dilo xubin Khawaariijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”.

Generaal Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu weheliyo Khaliif Cumar Macallin Nuur ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hoyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ragga geesiyaasha ah ee la abaalmariyay waxaa ka mid ah Cabdi Muxudiin Dhalo-weyne oo ku guuleystay in uu meel 94-km u jirta degmada Ceeldheer ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna helay abaalmarin lacageed oo ka timid Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, (lacagta ayaa gaareysa toddobo kun iyo shan boqol oo dollar).

‘’Waxaa la abaalmariyay nin la yiraahdo Cabdi Muxudiin Dhalo-weyn oo aad la socotaan in 48-saacadood ka hor meel degmada Ceeldheer u jirta 94-km inuu ku dilay dhagar-qabe ummaddan dhibaato ku hayay, sidaas darteedna ummadda Soomaaliyeed oo dhan u duceysay, laga bilaabo saacaddan hadda aan hadleyno Inshallah tacaallaa socon doona, nin kasta oo fuliyana waajibaad dagaal guulna ka keenna cadowga Al-shabaab sida ee Dhallo-weyne oo kale, wuxuu leeyahay ninkii madax Al-shabaab keenna 2-kun oo dollar” ayuu yiri Generaal Gacma Duule.

Sidoo kale, Generaalka Gacma-duule ayaa sheegay in si loo dhiirageliyo Dhalo-weyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka uu amar ku bixiyay in  saacaddan laga bilaabo uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, taas oo horseedeysa in geesiyaal badan ay ku dhiiradaan in ay dilaan horjoogayaasha Khawaarijta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga dadweynaha ee dagaalka kula jira Khawaarijta in ay sii laba jibaraan howlgallada lagu ciribtirayo  Khawaarijta,islamarkaana askarigii ama shaqsigii soo dila horjooge Al-shabaab la siin doono abaalmarin lacageed uu ku farxo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug ayaa laga gaaray guulo, waxaana laga sifeeyay arxan-laawayaasha dhul ballaaran oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayeen, kuwaas oo aan helin adeegyadii asaasiga ah ee ay u baahnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland “SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA BURINTA IS-AFGARADKA DOWLADDA ITOOBIYA IYO MAAMULKA SOOMAALILAND EE AY ANSIXIYEEN LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

DHAMMAAD

Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS

0

waxaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS iyo Wasiir Dowlaha Wasaardda Arimaha dibada ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Cali cumar (Balcad) Oo ay wahlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo Khuburo iyo agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga xil.Aweys Hussein Mo’alin iyo Xoghayaha Guddiga Xil.Sayid Ali Isak Mohamed Yonis waxa goob joog aha xubnaha Guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Kadoodista Heshiis Beenaadkii ay Dowlada Ethiopa lagashay Maamulka Soomaaliland.

Xubnaha guddiga oo door kooda ku aadan Hishiis beenaadkaasi ayaa wasaaradda usheegay mowqifkooda ah in taako kamid ah dhulka Soomaaliya aan gorgortan laga galin ayagoona su.aalo kawayeeydiiyay ka wasaarad ahaan tilaabooyinka ay qaadeen iyo sababah uu wali Dalka u ujoogo Safiirka ethiopa.

Wasiir Dowlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaardda arimaha dibadda ayaa mid mid ugu jawaabay waydiimaha Guddoonka iyo xubnaha Guddiga ayagoona faahfaahiyay dhamaan su.aalihii laweydiiyay.

Ugudambeyntii guddoomiye ku xigeenka gudiga ayaa soo xiray kulanka maanta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyey deyntii.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Banaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Burco

0

Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer

Shacabka Burco oo ka careysan heshiis beenaadka is afgaradka ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Burco, kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi,iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taaka kamid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin itoobiya.

Maal mihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibad baxyo waa-weyn oo looga soo horjeedo heshiis benaadka Itoobiya ay la gashay Somaliland,waxena shacabku mujiyeen sida aanay marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Muxudiin Dhaloweyn ‘Geesi ku dayasho mudan’ (WARBIXIN)

0

Inta aannu gudagalin xogta warbixinta aan marka hore dulmarno taariikhda iyo sooyaalka Degmada Ceeldheer, Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaas oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.

Magaalada Mareeg oo aheyd saldhigii sedexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa aheyd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda badan weli ka taagan halkaas, waloow qaarkood aad u gaboobeen haddana waxaa weli bed qaba sida, Gurigii Shadoor warsame cali oo aad Caan u aga ahaa Magaalada Mareeg iyo Masaajidkii Sh. Da’ud Culusoow, Saldhigii booliska, Xabsigi, Musawac, Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta Mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolo dhaqatada asalka ah.

1959kii waxaa sii xoogeystay dadaalkii lagu doonayo in Ceel-Dheer laga dhigo Degmo, Cali Gedi Shadoor & wax garad kale, dadaalkaasi oo markii dambe lagu guuleystay ayaa waxyaabihii suurto galiyay waxa ka mid ahaa iyada oo dadka ku dhaqan halkaasi ay tiro ahaan u qalmayeen in ay helaan maamul degmo iyo weliba mashaariic ay ka mid ahaayeen Saldhig Boolis, Guriga Gudoomiyaha, Xabsiga, Cisbitaalka iyo xarumo kale oo uu maalgeliy ganacsade weyn AUN Cali Gedi Shadoor, 1960-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer, taasi oo in muddo ah ay wadeen waxgaradka degmada oo ay hogaaminayeen Allaha u raxmadee, Geedi Shadoor & rag kale.

Madaxdii Soomaaliyeed ee booqashada ku tagtay Degmada Ceel-Dheer waxaa kale oo ka mid ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo xiligaa isna Ra’iisul Wasaare ahaa, Sidoo kalane waxaa labo jeer booqasho ku tagay Madaweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ee mudada 21ksano ka talinayay dalka Soomaaliya, SIYAASADDA. sanadka 1954 dii ka hor waxaa dalka Soomaaliya ka jiray maamulkii Talyaaniga ahaa ee A.F.I.S ( Adminstrizione Fuduciario Italiano Della Somalo) Maamulkaas ajnabiga ah waxaa la shaqayn jiray Niman Soomaaliyeed oo loo yaqiin (Consiglio Teretoriale) degmo kastana waxay ku lahaan jirtay wakiil waxaana Ceeldheer wakiil uga ahaa Md Cusmaan Xaaji Maxamed Afrax. Xilgaas oo siyaasiyiinta Soomaalyeed u kala qabsanaayeen labo xisbi oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Lego oo doonaysay in dalku helo madaxbanaani & Pro Italian oo u ololeyn jirtay in uu sii jiro maamulka Talyaaniga ahaa ayaa waxaa xusid mudan in dhamaan siyaasiyiinta Ceeldheer ay ahaayeen Lego.

Haatan aan gudagalo xogta warbixinta, Geesigii khaarijiyay Bashiir Ciidle oo ahaa Ninkii har iyo habeen laga joogi waayay deegannada bariga Galgaduud iyo koofurta Gobolka Mudug ee dhiigga Muslimka baneeystay, qof kale maahan ee Mujaahid Cabdiraxman Muxudiin Dhalaoweyn, waxa uu sameeyay taariikh aan horay uga dhicin dalka intiisa kale, waxa uuna  90-KM masaafo dhan oo ka soo bilaabatay Deegaanka Hulcaduur oo Degmada Ceeldheer ka tirsan ilaa Deegaanka Galdhabo oo isna ka tirsan Degmada Xarardheere hoos takta ee Gobolka Mudug ayuu kaligiis inta baxay ku soo toogtay horjoogihii ka tiranaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab, islamarkaana u qaabilsanaa dhibaateynta dadka Deegaankaasi, bal eeg Wiikaasi geesinimadiisa markuu dilay ayuu hadana ka soo qaateen, kana soo furtay qoray noociisu yahay Ak47 ah iyo Qasnadishiisiiba.

Dadka deegaanka oo Wakaaladda Wararka ee SONNA la hadashay ayaa sheegay in Dhagarqabihii Bashiir Ciidle uu dilku uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo tore-boore oo u dhow Tuulada Galdgabo oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana waqti Casir liiq ah oo markaasi meeshaasi lagu aasay Allaaha u naxariistee Marxuumad Axado Xasan dilix ayuu Geesi Cadiraxmaan Muxudiin Dhaloweyn oo la soo baxay Bistoolad Jeegada uga dhuftay Dhaqarqabe Horjooge Bashiir Ciidle, kadib dilka ayaa ka soo qaatay Qorigiisii oo ahaa nooca loo yaqaan AK47 ah iyo Qasanadihiisiiba, wuxuuna ku soo laabtay Degmada Ceeldheer isagoo nabad qaba, waxay Dadka Deegaanka ayaa Wakaaladda Wararaka ee SONNA u sheegay in Kooxda Khawaarijta ah ee uu ka tirsanaa ay Maalin dambe qaateen Meydka Bashiir Ciidle, waxaana lagu aasay meel u dhaxeysa Deegaannada dhalwo iyo jowle oo labaduba ka tirsan Degmada Xarardheere.

Degmada Ceeldheer ayaa Geesi Cabdiraxmaan Muxudiin si mug iyo miisaan leh waxaa ugu soo dhaweeyay General Cali Caraaye Caddow ‘Gacma dulle’ iyo Saraakiil ka tirsan kuwa deegaanka iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. “Wallaahi Walalkeeyow waxaad mudan tahay taallo qaran iyo billad geesi haddad inta tagtay deegaanka Galdhabo ku so cibadeysaty Khawaarijkii ugu weynaa ee shacabka deegaannadaasi dhibatada ku hayay, Ummada Soomaaliyeed duco iyo darajo Rabbi ha kugu galado, Geesi qaran taariikhda ayaa ku xusi doonta”, sidaasina waxaa yiri Wiil dhallinyaro ah oo degan Degmada Ceeldheer, kaasi oo u adeysan waaye waxa uu ku hayay Dhagarqabe Bashiir Ciidle.

Dhaqarqabe Bashiir Ciidle iyo Khawaarij kale waxa ay laba todobaad ka hor ku dileen deegaanka Howdleey oo ka tirsan Degmada Ceeldheer 4 Wiil oo uu ka mid ahaa mid ay dhagarqabaha Walaalo ahaayeen, wuxuu ahaa mid ku dhibaateeya magaca Kooxda Khawaarijta ah.

Shirib:

~Bahalkii bulsho qaadahaay

Waxaa bireeyay Wiil barbaar

~Beesheyda joogto boos mareeg

Baashaalya dhaclo woow bilaash.

Dhinaca kale Haweenka ka soo jeeda Degmooyin Ceeldheer iyo Xarardheere ayaa deeq isugu jirta Saad & Xoolo nool ku Wareejiyay Ciidamada Qaranka & kuwa dib u xoreeynta Deeganka ee ku sugan Degmada Ceeldheer, iyagoo ugu talagalay inay u muujiyaan Ciidamadaasi is-barbar istaag iyo dhiirigalin, islamrkaana ay diyaar ugu yihiin wax walba oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasin Fareey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fderaalka Soomaaliya ayaa Deeq Xool nool ah gaarsiiyay Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka Deegaanka ee ku sugan Dagmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud, isagoo ugu talagalay in uu ku barbar istaago dagalka xaqa ah ee ay kula jiraan Kooxda Khawaarijta ah, waxaana dhammaan deeqahaasi guddoomay Gen, Cali caraaye Caddow, mahacelin ballaaranna u jeediyay Haweenkii iy mas’uulkii soo dhiibay deeqdaan wax ku oolka ah, isagoo xusay inay wax ka tari doonto moraalka ciidamada Qalabka Sida.

 

Madaxweyne Xasan: Dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo xukunna kuma doorto

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in marna uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka Soomaaliyeed.

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la iyiraahdaa, waana la iyaaqaa dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Haday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay xiligii gumeysiga sidan oo kale damaca Itoobiya diiday iyadoo tix galineyso heshiiskii kala dhaxeeyay Odayaasha Dhaqanka gobollada Waqooyi, isagoo soo hadal qaaday dhulka dowladda Itoobiya heysto ee Soomaali Galbeed.

“Kuwa Soomaali oo aan talo fiicneyn oo barigaas talo kulahaa dhulka baxay inuu baxay, Soomaali talo xumaatay oo masaalix ka dhax arkay cadowga ayaa dhulkaas bixisay, waana aragnay meesha maanta jooga inaan qorniga 21-aad mid kale bixino sax ma ahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxgaradka dagan gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inaysan marna ogalaan damaca liita ee dowladda Itoobiya ee ku aadan in dhul Soomaaliyeed la siiyo.

Odayaasha Gobolada Waqooyi oo si cad uga hor yimid damaca Itoobiya

0

Odayaasha Dhaqanka Gobalada Waqooyi ayaa si adag uga horyimid damaca itoobiya ee badda soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka reer Saylac oo la hadlay warabahinta  ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi usan bixin karin dhulkooda,ayana tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacbka ku dhaqan degaannada Gobolada Waqooyi.

Waxa ay sheegeen in badda aysan ahay wax cid walba si fudud isaga bixin karto,ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqabli karin damaca gurracan ee itoobiya.

Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale dhammaan ummadda soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay in ay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya,oo si cad ugu soo duushay itoobiya.

Tan iyo markii koowda bishaan dalka itoobiya ay kuwada galee heshiis is afgarad benaad ee badda soomaaliya waxaa isa soo tarayay sida soomaali meel walba ay joogto ugu hor timid damaca gurraca ee itoobiyay,iyadoo dibadbaxyo waaweyn oo arrintaa looga soo horjeedo ay ka dhaceen gudaha dalka iyo dibadda.