Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed 

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed munaasabadda 21-ka Novembar awgeed oo ah maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku asteenysan maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel walba oo ay Soomaali joogta laga xuso.

Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintaan. Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Guddoomiye Xasan Abshirow ayaa sheegay in macallinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay,isla markaana yahay baraha iyo hagaha ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka, maantana ay tahay maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si macallimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan kobcinta waxbarashada Dalka.

“Macalimiinta Soomaaliyeed ayaa muujiyay dhabar- adeyg iyo dulqaat muddadii dhowr iyo labaatanka sano ahaa ee uu dalka burbursanaa, iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macallimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiirin laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan, waxaa qatar gali lahaa mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeeed, hormarka maanta dalka ka jirana lama gaari laheyn” Ayuu yiri Guddoomiye Xasan Abshirow.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya aay xoogga saareysa shaqa-gelinta macallimiinta iyo sare u qaadida arrimaha waxbarashada dalka, ayadoo laba sano gudahood Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliaya diiwaangeliyeen lix kun (6,000) oo macallin, kuwaa oo hada ka howlgala dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...