Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb qaatay kulanka tacsida ee loogu duceynayay Marxuum Siilaanyo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb qaatay kulan tacsiyeed oo loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay shaqsiyadda marxuumka, isaga oo ku tilmaamay qof dulqaad badan, kaalin weynna ka qaatay horumarka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka iyo hogaaminta marxuumka ay mudan yihiin in lagu daydo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, dadka reer Somaliland, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad ay tacsi u dhigeen, una duceeyeen madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray: “Qofka wanaagiisa waxaa la eegaa marka uu dhinto iyo inta qof ee janaasadiisa soo raacdo, oo u tacsiyadeysa,”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorashooyinka ka dhacay Somaliland, isaga oo sheegay inay muujinayaan biseyl siyaasadeed, isla markaana rajeynaya in doorashooyin la mid ah laga qabto meel kasta oo ay Soomaali joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...