Home Blog Page 286

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi in mudda ah ka shaqeynaayay idaacaddii BBC-da laanteed afka Soomaaliga, isaga oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa magaalada Hargeysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu wariye Cabdirisaaq Xaaji, door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta afka- Soomaaliga, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada, isaga oo tilmaamay in uu ahaa tiir isku xira guud ahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraadabada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Rugcaddaa saxaafadeed Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa”. Ayuu yiri, Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ugu bishaareeyo, qoyskii, qaraabada, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle ka siiyo.

Xisbullah oo Israel la beegsatay tiro aad u badan oo gantaallo ah

0

Khasaarooyin isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen caasimadda Tel Aviv iyo deegaanno kale, kadib markii Xisbullah ay Israel ku tuurtay 340 gantaal.

Hezbollah ayaa sheegtay in 340 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsatay gudaha Israa’iil oo ay ku jirto caasimadda, sida laga soo xigtay wararka laga helayo ciidamada Israel.

khasaarooyin ba’an ayaa lagu waramayaa in ay soo gaartay Magaalada Tel Aviv,waxaana la soo gudbiyay dhaawacal 11 qof ,halka illaa hadda aan la ogeyn tirada dhimashada rasmiga ah.

Weerarrada cirka Israa’iil ee caasimadda Lubnaan ayaa sii socda, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada Lubnaan ay joojisay dugsiyada Beirut ilaa laga gaarayo bisha Janaayo ee soo socota.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro cusub ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, maalin kaddib weerar ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 12 shaqaale caafimaad oo uu ku jiray agaasimaha xarunta la go’doomiyay.

Illaa hadda dadka Gaza waxaa soo gaaray dhimashada 44,211 iyo dhaawaca 104,567,halka Israel ay Lubnaan ka geysteen dhimashada 3,754 iyo dhaawaca 15,626.

Dowaladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar

0

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso Dowladda Madagascar.

Wasiirka ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in dowaldda ay halkaa u direyso masuuliyiin si loo xaqiijiya xaladda muwaadiniitaa soomaaliyeed iyo halka ay kasoo baxeen,lana hubin doono in dhammaan dadkaa ay wayeeladu gaartay ay yihiin soomaali.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa intaa sii raaciyay hadalkiisa in dowladda ay sameeyn doonto baaritaanno.madama wax tahriibintu ay tahay fal dambiyeed iyo cida ku lugta leh,dhalinyarada soomaaliyeed ayuu kaga digay in galan safaradaa sharci darada ah ay naftooda qatarta ku galinayaan.

Xoogga Dalka oo shacabka ku garab siinaya siidii looga hortagi la haa fatahaadaha wabiga Shabeelle

0

Ururka 294 aad guutada 29 aad daljir qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magalada Beladweyn ayaa iyagoo kashanaya maamulka gobalka Hiiraan waxa ay shacbaka ku garab siinayaan siidii looga hortagi la,haa fatahaad uu wabiga Shabelle ka geeysto magaalada Baladweyn.

Askar iyo saraakiil intuba waxa ay si iskumid ah ugu qeeyb qaadanayaan kahortagida fatahaada wabiga waxana ay caratuur dhigayaan goobaha laga cabsi qabo inuu karkaarada jabsado wabiga shabelle.

Taliye xigeenka Ururka 294 aad guutada daljir ee qeybta 27 aad ee ciidanka XDS

Laba xidiglle muuse maxamed cadow (shaarib) ayaa hoggaaminayo askarta iyo saraakiisha shacabkooda ka caawinayo in laga hortago fatahaada wabiga Shabeele.

 

 

Wasiir Fiqi oo dib u furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa shalay si rasmi ah dib ugu furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano kaddib dagaalkii sokeeye. Talaabadan muhiimka ah waxay caddeyneysaa sida Wasaaraddu uga go’an tahay ilaalinta dhaxalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee maamulka xogaha taariikhiga ah.

Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah, ahna Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Saciid Jaamac Mire, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka hoggaaminta uu ku soo nooleeyay kaydkan casriga ah, kaas oo hadda loogu talagalay in si ammaan ah loogu kaydiyo dukumentiyada muhiimka ah ee dowladeed. Danjire Dr. Maxamed Ibraahim Cawaale (Charles), Agaasimaha Waaxda Xasuus-dhowrka, ayaa xusay in xaruntan ay tahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo taariikhda Soomaaliya loona adeegsan karo cilmi-baaris iyo horumarinta diblomaasiyadda.

Dib-u-furitaanka Xarunta Kaydka Wasaaradda waa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo howlaha arrimaha dibadda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xogaha taariikhiga ah iyo abuurista jawi ku saleysan cilmi-baaris iyo xog-ogaalnimo. Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Wasaaradda ee ku saleysan horumarinta diblomaasiyadda iyo ilaalinta dhaxalka qaranka si loo gaaro mustaqbal waara.

In kabadan 28 Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madakaskar

0

-Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay doonyo siday in kabadan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali oo ku qalibmay wadanka Madakaskar.

Mudane Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa labo ay saarnayeen dad gaarayo 70-qof, waxaa ku dhintay in kabadan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeyn,Kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay wadanka Madakaskar.

Safiir Warfaa ayaa intaas hadalkiisa ku daray in safaardda ay waddo qorsha ah in dadkaa inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa,isagoo sheegay in si dhaw loola socon doono dadka qaba dhaawacayda ee hadda gacanta ku heyso dowladda Madakaskar

Ugu dambeynta Safiirka ayaa waxa uu tacsi u diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaalo lagu ogaanayo halka laga soo kaxeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

Soomaaliya oo Ku Biirtay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ka Dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Soomaaliya ku biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC) iyo heshiisyadiisa kale.

Talaabadan taariikhiga ah waxay xoojineysaa dadaalka Soomaaliya ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo ammaanka caalamiga ah.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin , iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashi Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Talaabadan muhiimka ah waxay muujineysa horumarka weyn oo ee laga gaaray dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada nabadda iyo xasilloonida adduunka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay sii wadaysaa dadaalka lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee maamulka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga xooggan ee ay la leedahay beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii saaka ka dhacay Hotel Agan

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii saakay ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo ee ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo goor-dhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa falkaasi ku tilmaamey mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah ee deegaanada Jubaland.

Wasiirka Amniga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday Weerarka uu geystay Madaxweynaha Wakhtigiisa dhamaaday ee Axmed Madoobe,wasiirka ayaa sidoo kale Weerarkan ku tilmaamay mid Argagixiso” marka koowaad waxaan u tacsiyeynayaa dadkii ku naf waayay falkii Argagixisada ahaa ee uu saaka Weerarka ku qaaday Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Axmed Madoobe dadkii deganaa Hotel Agan ee magaalada Kismaanyo,weerarkaas wuxuu ahaa mid arxan darro ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka

0

-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda 10-aad ee wadajirka ah waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeennada labada aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindisaha sharciyeedka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkan ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya dhawaanahan waday ka doodista Xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda, taas oo muhiim u ah in dalka ay ka dhacdco doorsho qof iyo cod ah.

Fatahaada Webiga Shabeelle oo sababay khasaare

0

Webiga Shabeelle ayaa sameeyey fatahaad deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,webiga ayaa ku fatahay dhul beereed balaadhan waxa sidoo kale biyuhu galeen qaybo ka mid ah guryaba shacabka deganaayeen.

Deegaanada Qooqane,Deefow iyo Lafoole ayaa ka mid ah deegaanada sida weyn fatahaadu u saamaysay.

Nuur Maxamed Cabdi oo ka mid ah Beeralayda deegaanka Qooqane ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay khasaaraha sida Biyuhu waxyeelo u gaadhsiiyeen beeralayda” Biyuhu waxay galeen Beero badan wax ay u reebteen na ma lahan oo dallagii way tirtireen,tuulada lafoole Biyaha way go’adoomiyeen oo cid u gasha ma lahan” ayuu yiri Nuur oo ka mid ah Beeralayda Deegaanka Qooqane.