Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka

Date:

-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda 10-aad ee wadajirka ah waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeennada labada aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindisaha sharciyeedka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkan ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya dhawaanahan waday ka doodista Xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda, taas oo muhiim u ah in dalka ay ka dhacdco doorsho qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...