Home Blog Page 279

Isbedelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka

0

Axmed Nuur Cusmaan oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha Cimilada iyo deegaanka ayaa si qoto dheer kaga hadlay isbeddelka Cimilada oo dunida maanta meel kasta aad loo hadalhayo lana arkay saameyntiisa.

Aqooyahan Axmed Nuur Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa marka hore sharaxaad ka bixiyay isbeddelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka.

”Isbeddelka Cimiladu, waa isbbedel ku dhacay Oogada dhulka ama hawada dhulka ku dahaaran taas oo saameyn ku yeelatay heer-kulka hawadaas kor u kacdo, taas oo sabab u ah isticmaalka shidaalka iyo xaalufinta dhirta iyo warshadaha qiiqa ay ku sii daayaan hawada,” ayuu yiri Aqoonyahan Axmed Nuur Cusmaan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in markii ugu horeysay seynisyahanadu ay ogaadeen in adduunka meel khatar ah ku socdo marka loo eego isbeddelka Cimilada, islamarkaana ay go’aansadeen in ay la hadlaan dadka go’aannada masiiriga ah gaara si loo yareeyo qiiqa ay sii daayaan warshadaha, taas oo wasaqeyneysa hawada.

”Waxaa markii ugu horeysay dhibaatadan ogaaday seynisyahanada, seynisyahanada markii ay ogaadeen, iyagoo meel kala duwan jooga ayay waxay ogaadeen in adduunka meel khatar ah ku socdo, markii isku yimaadeen oo ay iswareysteen waxaa u soo baxday in ay dadka la hadlaan gaar ahaan dadka go’aannada masiiriga ah gaara dadka siyaasiyiinta ah iyo dad maalqabeenada ah ee warshadaha leh in ay arrintaan u sheegaan oo ay yiraahdaan in arrintaan wax laga qabtaa oo qiiqaan hawada lagu sii deynayo la yareeyo,”.

Ugu dambeyn, aqooyahan Axmed Nuur Cusmaan, ayaa kula taliyay Dowladda federaalka in ay ku dadaasho hoos u dhigidda Carbon dioxide-ka iyo in ay xoogga saarto siyaasadda lagula dagaallamayo waxyaabaha keenna isbeddelka Cimilida, wuxuu dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed baaq u jeeediyay, maaddaama ay yihiin dadka ugu badan ee dhibaato ka soo gaareyso isbeddelka Cimilada.

” Dowladda waxaan kula talinayaa in ay aad ugu dadaasho waxyaabaha ku saabsan sida loola dagaallamayo hoos u dhigidda Kaar-boon Dhaay-ogsaydka ( Carbon-dioxide), si isbbedelka cimilada looga hortago in ay xoogga saarto in siyaasadda la qoro ka dibna xoogga la saaro, shacabka waxaan kula talinayaa in dhibaatada isbeddelka cimilada dadka ugu badan dhibaatada soo gaareyso in ay iyagu yihiin, waana la arkay waana la taabtay,”.

Shirar badan oo loo hadlayo isbeddelka cimilada iyo sidii wax looga qaban lahaa ayaa lagu qabtay meelo badan oo caalamka ah, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo wax ku ool ah oo lagu yareyn karo waxyaabaha sababa isbedelka cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka.

Mareykanka ayaa duqeymo ka geystay goobo xiriir la leh Iran oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen 85 bartilmaameed oo Kataib Hezbollah ah oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq, si ay uga aargoostaan ​​dagaalyahannada “Iran ee xiriirka la leh”kuwaas oo saddex askari oo Mareykan ah ku dilay weerar ay dhawaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen dalka Urdun.

Weerarada Mareykanka waxaa cambaareeyay mas’uuliyiinta Ciraaq; Tehran wali si rasmi ah ugamay hadlin, sida uu sheegay wariyaha Aljazeera ee caasimada Iran.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo militari Israel ka dib markii wasiirka difaaca Israa’iil uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah, oo ah aag mar lagu tilmaamay “aag nabdoon”.

UNICEF waxa ay sheegtay in ilaa 17,000 oo caruur ah oo ku nool Gaza ay yihiin kuwa aan lala socon ama laga soocay qoysaskooda intii ay socdeen dagaalada.

Ugu yaraan 27,131 qof ayaa lagu dilay 66,287 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

 

 

Madax ka tirsan DFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka

0

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusaayey daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen madax ka socotay bangiyada Cisbitaalada iyo culuma’udiin kale, waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji, Wasiirka Dhallinyarada Maxamed Cabdi Barre iyo Senetor Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Kuwaas oo xusay muhiimadda adeegga ceymiska uu u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaadan karo daryeelka dadka danyarta ah.

Madaxa Adeegga caymiska Caafimaadka Baraka Kaaliye Care Sakariya Ibraahim iyo Shugri C/qaadir Jilacooe ayaa fahfaahiyay waxqabadka hey’addaan ,iyagoo sheegay in adeeg ceymiska caafimaadka uu yahay mid aad u qiimo jaban,dadkuna ay iibsan karaan, iyagoo xubin ka noqonaya Baraka Kaaliye Care.

Kenya:Qarax gaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca boqolaal kale

0

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Magaalada Nirobi, 222 kalena waxaa soo gaaray dhaawac ,kadib markii Gaari xamuul ah oo siday gaas  uu ku qarxay degmada Embakasi ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Mr Mwaura ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay warshad gaas ,kadibna dabka uu ku fiday bakhaar lagu sameeyo dharka iyo dunta ka iyo sidoo kale guryo dabaqyo ah.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay in dadka dhaawacmay ay  ku jira ugu yaraan 25 carruur ah, sida uu sheegay wargeyska Standard.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay la adkeeyay, isla markaana la sameeyay xarun talis oo gacan ka geysata isku xirka howlaha samata bixinta.

Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa ku waxyeeloobay dabkaasi ,waxaana dadla lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howlgalka samatabbixinta.

Kulanka golaha shacabaka oo looga hadlay hindise sharciyeedka xuquuqda naafada iyo arrimo kale

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Dhaarinta Wasiiradda cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.

2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cuseb ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda hawlaha guud XFS.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Horjoogeyaal lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan.

Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu soo afjaray nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa uruurinta Baadda shacabka Soomaaliyeed.
Hoos ka aqriso Magacyada Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka oo ay NISA shaacisay.

Mareykanka oo ku celiyey sida ay uga go’antahay ilaalinta madax banaanida Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka oo aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

“Waxaan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeena wadajirka ah kaas oo ay ku jirto kaalinta Ethiopia ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaalanka Khawaarijta.” Ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xogheeyaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha afrika

Dowladda maraykanka ayaa sheegtay sidoo kale inay taageersantahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ROMA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA TALYAANIGA IYO AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

– Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.

– Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.

– Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO FURAY SHIRKA GARSOORKA DALKA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u furay Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka.
Shirka oo lagu soo bandhigayey kaalinta garsoorka ee maamul wanaaga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa masuuliyiintii goobta ka hadlay waxay soo jeediyeen in horumarka baaxada leh ee uu ku talaabsanayo garsoorka dalka lagu fidiyo bulshada dhexdeeda si loo kasbado kalsoonida bulshada.
Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in cadaaladdu muhiimad gaar ah ay u leedahay bulshada iyo horumarka dalka, waxaana uu tilmaamay in garsoorka dalka uu sanadihii u dambeeyay sameynaayay is-bedel, isagoona xusay in la xoojiyo la dagaallanka musuq-maasuqa, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si gaar ah ugu shaqeyn doono shuruucda garsoorka quseysa.

Guddiga haweenka aqalka sare oo Rwanda u safray

Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar aqoon is-waydaarsi ah ugu ambabaxay dalka Ruwanda.
Xubnaha Guddiga Haweenka oo ay hoggaaminayso hab-dhowraha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali ayaa inta ay Ruwanda joogaan waxaa ay kulamo isugu jira aqoon is-waydaarsi, qibrad wadaag iyo booqasho ku tegi doonaan goobaha muhiimka ah ee dalkaas.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Sanatar Cabdi Xakiin Macalin Axmed iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, iyagoo ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dardaaran iyo talo siin ay la wadaageen.