Home Blog Page 279

Mucaaradka Syria oo ku dhawaaqay in Dimishiq ay ka xorowday Bashaar Al-Assad

0

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq,isla markaana madaxweyne Bashaar Al-Asadna uu u baxsaday meel aan la garaneyn.

Taliyaha Hayat Tahrir al-Sham, Abu Mohammed al-Julani, ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dawliga ah ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta si rasmi ah looga wareejinaayo xilalkaasi.

hadaladaan ayaa imaanaya saacado kadib markii kooxaha mucaaradka ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ay weerar culus ku qaadeen,waxaana warku intaa ku daray in ciidamada mucaaradka amar lagu siiyay in ay ilaalaiyaan xarumaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegga dadweynaha iyo kuwa dowladda.

Xaaladda Magaalada caasimadda ah waxay ku soo noqotay sidii caadiga aheyd,waxaana jira dad badan oo mucaaradka ay ka sii daayeen xabsida.

Qatar, Saudi Arabia, Jordan, Masar, Iraq, Iran, Turkey iyo Russia ayaa goor hore oo xalay ah soo saaray bayaan wadajir ah, iyagoo ku tilmaamay xiisadda Suuriya inay tahay horumar halis ah ,waxayna ku baaqeen in xal siyaasadeed la gaaro.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar heerkiisu sareyo Turkiga ugu soo xirtay Askar katirsan ciidanka X.D.S

0

Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda ee Golaha Shacabka

0

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka oo xal ka gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

 

Xildhibaanka oo askariga ka raali geliyay falkii gacan qaadka ahaa oo uu kula kacay ayaa dhankiisa aqbalay raali gelinta Xildhibaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay soo afjerida dhacdadaasi iyo in ugu dambeyn xal laga gaaro.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cajiib oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga , Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo sidoo kale Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Ra’iisul wasaare Xamsa “Caddaaladdu nolosha waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan”.

0

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caddaaladdu ay laf-dhabar u tahay nolosha bulshada, haddii aan si wadajir ah looga shaqeynna aan la gaari karin wax horumar ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la helo xeerar iyo sharciyo dhammeystiran oo hagaya hannaanka caddaaladda dalka, si ay bulshadu u helaan garsoor loo wada siman yahay.

“Caddaaladdu nolosha waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, amni ahaan iyo hoggaan ahaan intaba, waa arrin muhiim ah, waxa ayna la xiriirtaa xuquuqda iyo runta oo la caddeeyo, iyada oo aan dadka loo kala sarrey siineyn midab, qabiil iyo awood midna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uga mahadceliyey Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka ka shaqeynta istaraatiijiyadda Qaran, ayaa kula dardaarmay bahda garsoorka dalka in ay si siman ugu adeeggaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara eex iyo ku takrifal awooddeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo isla Xisaabtan.”

Istaraatiijiyaddu waxey salka ku heysaa mabda’a cadaaladda muwaadinka ay u adeegayso uu aasaas ka yahay, iyadoo u hiilineysa shacabka qaybihiisa nugul sida haweenka, carruurta, waxeyna si cad u qeexaysaa waddada loo marayo dhismaha hannaan cadaaladeed isku dhafan, la jaan-qaadaya nidaamka federaalka, kuna saleysan qiyamka, dhaqanka iyo diinta suuban, isla markaana tixgelinaya duruufaha iyo baahiyaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay waajahayaan.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo daah furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

0

-Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay marti-gelineyso.

Madashaan waxaa ku kulmay Masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Masuuliyiin sare, khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

Latashiyada soo-Jeedinta Waxkabadelka Dastuurka oo la gaarsiiyay Soomaalida kunool Qurbaha

0

Latashiyada Soo-Jeedinta Waxkabadelka Dastuurka ayaa loo dhaa-dhiciyay Soomaalida kunool Qurbaha, Iyadoo shalay Lugta koowaad ee Shirarka Qurbajoogta lagu qabtay Caasimadda Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Muwaadiniinta Soomalaiyeed ee ku nool dalkaasi Kenya gaar ahaan Caasimaddiisa Nairobi ayaa Waxaa Daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xassan Macallim Maxamuud ( Hassan Sheikhali ).

Waxaana Sidoo kale Shirka ka qayb galay Madax Sarre oo katirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS & Hay’adaha uxil saaran Dastuurka , Qorshaha ayaa ah in Laballaariyo Latashiyada Dastuurka Lana gaarsiiyo Waddamo badan oo dunida ah Si Fursad loo siiyo Tallooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kunool Dalalkaasi.

Madaxweynah JFS: Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Masjidka Madaxtooyada shalay salaaddii Jimcaha kaddib ayaa ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo marwalba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhamayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo kamid ah maamulkaas ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

“Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, isagoo tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka in goobo dalka kamid ah la yiraahdo ma imaan kartiin inaysan sax aheyn.

Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedeysay iska horkeen beelaha ka waddo gobolka Gedo

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee Dowladda Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaas deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo.

Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ku saabsanaa la dagaalanka maalgelinta argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtey magaalada Arusha.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Arusha qaar ka mid ah madaxda Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u diray qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yusuf Gaagaab.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabey Marwo Hani Cabdi Gaas inay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee naafada, isagoo xusay muhiimadda ay dowladda siineyso daryeelka iyo xaqiijinta xuquuqda dadka naafada ah.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socday Magaalada Muqdisho.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa nasiib darro ku tilmaamey in maamulka Jubbaland uu isku dayayo hurinta colaado iyo weeraro lagu beegsado Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatey waxbarashada heerka labaad ee takhasuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha.

13-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

14-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

15-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay 40 xubnood oo ka socday xafiisyada xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladda Federaalka.

16-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga ka Hortagga Lacag Dhaqista iyo La-dagaalanka Maalgalinta Argagixisada oo lagu qabtay Muqdishu.

17-Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa magaalada Belgrade kaga qeybgaley kulamo la xiriira arrimaha amniga iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

18-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda TIS Plus.

19-Kulan dadweyne oo looga hadlayey dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

20-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis dowladda Faransiska ay ugu cafineyso Soomaaliya deyn qiimaheedu gaareyso 145.6 milyan oo doolaar ah.

21-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed yaa ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee COP16, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Riyad.

22-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka qeybgaley xafladda daahfurka Xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta ee dhibaatooynka ka dhaca badaha Soomaaliya.

23-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa doortay hoggaankiisa iyadoo Cabdikariim Axmed Xasan noqonayo guddoomiye, halka Saadaq Abshir Garaad uu ka noqonayo ku xigeen.

24-Ciidamada Qalabka Sida ayaa dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.

25-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh (Fartaag), ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Swizerland u fadhiya Soomaaliya, Mirko Giuliette, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga  dhinacyada kala duwan ee labada dal.

26-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Ciidamada Badda ay si rasmi ah ula wareegeen amniga biyaha iyo dekedaha Soomaaliya.

27-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxibadda caalamka loogana hadlayay iskaashiga arrimaha amniga.

28-Shir Cilmiyeedkii 1aad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

29-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay in ka badan 160 qof oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Libya.