𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐛𝐚𝐜𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha xafiiska daabacaadda baasaboorrada si loo dardargaliyo hawlaha socda iyo horumarka laga gaaray howlaha adeeg bixinta baasaboorrada.

Intii uu socday kulanka, saraakiisha daabacaadda baasaboorrada ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada xafiiska, caqabadaha haysta iyo guulaha la gaaray bilihii la soo dhaafay. Xafiiska daabacaadda ayaa soo bandhigay sida ay ugu heellan yihiin in ay si waqtiyeysan oo hufan u daboolaan baahiyaha baasaboorrada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaallada Xafiiska iyo shaqaalaha ka shaqeeya iyo sida ay ugu go’an tahay in ay bulshada ugu adeegaan. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta hawlaha maalinlaha ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee baasaboorrada loona hagaajiyo adeegyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...