Home Blog Page 27

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo matalayay ururrada bulshada, haweenka hoggaanka iyo hay’adaha amniga ku jira, Waxaana kulanka looga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga, dowlad-dhiska iyo ka qeyb-galka doorashooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay haweenka kaalinta ay ka qaateen nabadeynta, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo xusay in aan la gaari karin dowladnimo waarta iyo nabad joogto ah haddii aan haweenka la siin door muuqda oo go’aan-qaadasho ah.

Haweenkii kulanka ka qaybgalay ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha taageerada joogtada ah ee uu siiyo xuquuqda haweenka, waxayna ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan doorkooda dhanka nabadda, midnimada iyo horumarka qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadaq Abshir Garaad, iyo xubnaha Guddiga, ayaa si diirran u soo dhoweeyay Ku-simaha Madaxweynaha.

Intii uu joogay xarunta, Ku-simaha Madaxweynaha waxaa loo jeediyey warbixin ku saabsan qorshayaasha mustaqbalka ee Guddiga iyo howlaha doorashooyinka ee soo socda, gaar ahaan qabashada doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta oo ay mid yihiin:

– Qeybta Saadka iyo Qalabka Doorashada,

– Xarunta Tababarka Shaqaalaha,

– Qeybta Daabacaadda Kaararka Codbixinta,

– Xarunta Kaydinta Xogta (Data Center-ka).

Guddoomiyaha Guddiga ayaa uga mahadceliyey Ku-simaha Madaxweynaha booqashada iyo dhiirrigelinta uu muujiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in Guddiga ay ka go’an tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhankiisa, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka Guddiga iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalka, isagoo xusay in Baarlamaanka JFS uu si buuxda u garab taagan yahay hirgelinta doorashooyin dimuqraadi ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada dalka ku soo gala khudaarta iyo cuntooyinka dibedda laga keeno.

Xubnaha la magacaabay waxaa ka mid ah:

1. Maxamed Muuse Aadan  Agaasimaha Waaxda Wax-soo-saarka iyo Horumarinta Iskaashatooyinka.

2. Khadar Yaasiin Maxamed  Xubin ka tirsan Waaxda Ganacsiga Wax-soo-saarka Beeraha iyo Maalgashiga.

3. Cabdixamiid Jaamac Xasan  Xafiiska Wasiirka.

Hawl-wadeennadan ayaa lagu amray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habka ay suuqyada dalka ku soo galaan khudaarta iyo cuntooyinka dibadda laga keeno. Ujeedku waa in la helo xog sal u noqon karta qorshe lagu joojinayo soo dejinta aan loo baahnayn, isla markaana loo dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha iyo beeraleyda Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha, laguna yareynayo cuntooyinka tayo darrada ah ee si sharci-darro ah ku soo gala suuqyada dalka.

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi lagu ansixiyay:

– Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026.

– Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka.

– Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.

Shirka waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay geesinimada iyo dadaalka ay u hayaan difaaca dalka iyo xaqiijinta nabadda.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

0

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo howlo shaqo u jooga Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, iyo howlwadeennada safaaradda.

Xoghayaha Guud ayaa ammaanay Danjire Hodan, diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada safaaradda shaqada ay Qaranka u hayaan, taasoo ka tarjumeysa magac sharafta iyo himilada Qaranka Soomaaliyeed, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku dhisayaan kuna xoojinayaan xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Xoghaye Jaabiri ayaa howlwadeennada safaaradda ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan dadaallada ay ku soo jiidanayaan maalgashi iskaashi ballaaran iyo kor u qaadidda sumcadda Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo Munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuusay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh Nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo dalka Jabuuti waxa uu kulamo la yeelandoona Madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo khudbad ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay Shirkii dib u heshiisiinta Carta ku soo bandhigidoona Munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.

“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011  xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.

“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa maanta ka qayb galay xaflad heer sare ah oo lagu maamuusayay sanad-guurada 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabaddan ayaa ka dhacday magaalada Ankara, iyadoo ay kasoo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga, diblomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale.

Intii lagu guda jiray xafladda, Danjire Fatxudiin ayaa si rasmi ah Madaxweynaha dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ugu gudbiyay hambalyada iyo bogaadinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uga mahadceliyay xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo iskaashi ee kala dhexeeya Turkiga, taasoo ah mid salka ku haysa walaaltinimo, taariikh iyo dano guud oo labada shacab wadaagaan.

Ugu dambeyn, xafladda ayaa ku dhammaatay jawi farxadeed iyo is-dhaafsi hambalyo ku aaddan munaasabadda qiimaha leh ee 29-ka Oktoobar maalinta qaranka Turkiga.

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay kulanka wadatashiga labada Hindise Sharciyeed: Xeerka Taxkiimka (Arbitration Law) iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law), kaas oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka socda bahda caddaaladda, khubaro sharci iyo wakiillo ka tirsan kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka garsoorka, laguna dhisayo sharciyo waafaqsan heerarka caalamiga ah si loo xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Wuxuu tilmaamay muhiimadda uu Xeerka Taxkiimka u leeyahay xallinta khilaafaadka ganacsi iyo dhiirrigelinta maalgashi ammaan ah, halka Xeerka Caddeymaha uu yahay laf-dhabarka garsoorka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa adkeeyay in Wasaaraddu ka go’an tahay diyaarinta sharciyo aqooneed, waayo-aragnimo leh oo ku dhisan wadatashi dhab ah, si ay u taageeraan dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dalka.

Soomaaliya iyo Jarmalka oo lala saxiixday heshiis horumarineed oo la gaaraya €75 Milyan   

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan.

Heshiiska waxaa u kala saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C/raxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka, Julia Hanning.

Heshiiska oo socon doona laba sano (2026–2028) ayaa diiradda saaraya waxbarashada, shaqo-abuurka, biyaha, maaraynta biyo-gelinta, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cuntada, isagoo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Labada dhinac ayaa muujiyay adkeynta iskaashiga, waxaana Wasiir Beenebeene uga mahadceliyay Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning sheegtay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer oo saaxiibtinimo ku dhisan.