Home Blog Page 26

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn ah Ka sameeyay Deegaanka Ay-buuteey, Jowhera awdheegle, Aseenda buube iyo Deegaanada dhaca Bariga Gobalka Shabellaha hoose

Ciidamada ayaa intii howlgalada ey ku jireen waxay baaritaano Ka sameeyen Xafadaha qaar waxay si gaar ah u bartilmaameydsadeen goobaha la tuhmayo iney gabaad Ka dhigan kaaraan Kooxaha Argagixisada ah

Ciidamada ayaa intii howlgalada ku jireen waxay Sido kale burburiyeen fariisimo gabaad u ahaa Kooxaha Argagixisada ah

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu Ciribtirayo Khawaarijta

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha (MoU) Shirkadda Somali Ship Register Limited mudane Çağdaş Oykun Saltaș heshiis kaas oo lagu dhisayo diiwaanka maraakiibta Soomaaliyeed, si maraakiibtu u qaataan Calanka Soomaaliya, taaso ah tallaabo weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay horumarinta iyo casriyeynta arrimaha baddeenna.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xusay in heshiiskani abuuri doono fursado cusub oo dhinaca maalgashiga ah, shaqo abuurka iyo kor u qaadida sumcadda calanka Soomaaliyeed, annagoo ka faa’iideysanayna khibradda saaxiibo kale.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in tani tahay tallaabo kale oo istiraatiiji ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ku xoojineyso maamulka iyo sumcadda Soomaaliya, si ay uga mid noqoto dalalka ku tartama howlaha maraakiibta ee caalamka.

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Bay, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku beegsadaan ciidanka Xoogga.

Dagaalka ayaa khawaarijta looga dilay 21 maleeshiyo, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira wadada Baydhabo – Muqdisho.

Wixii faahfaahin intaas dheer dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey Madasha Bani’aadanimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA).

Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta xaaladaha abaaraha ee saameeyey dalka, iyada oo ay madasha goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka socday hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay waqti badan gelisay wax ka qabashada abaaraha, isla markaana la sameeyay dadaallo badan oo qaarkood guuleysteen.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, ayaa sheegay in xukuumaddu sii dardargelin doonto ka hortagga abaaraha soo noqnoqda ee dalka, isla markaana ay jiraan qorshayaal ay dowladdu waddo.

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta taliska Ciidanka Asluubta, gaar ahaan Xabsiga Dhexe ee magaalada Mogadishu.

Xilka waxaa ku wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta, General Cilmi Waasuge Colow, oo wakiil ka ahaa taliyihii hore ee ciidanka.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyay taliyaha cusub, iyagoo uga mahadceliyay taliyihii hore shaqadii uu soo qabtay intii uu xilka hayay.

S/gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib-u-habeyn iyo horumar guud si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.

Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka.

Maareeyaha Guud oo ka hadlay daahfurka “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.”

Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan ee horumarinta amniga dhijitaalka ah.

Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin:

* CompTIA Security+

* Certified Incident Handler – EC Council

* Cloud Security Essentials – GIAC

* ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor

* Certified Information Security Manager (CISM) ISACA

* Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2

Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay hay’adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma.

Sidoo kale Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration).

Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka.

Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga Saaybarka iyo shaqaalaha dowladda ee xirfad sare leh.

Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

0

Liiska horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

Muddo toban bilood ah oo la soo dhaafay, Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, waxay fuliyeen howlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayay horjoogeyaasha iyo xubnaha muhiimka ah ee kooxda Khawaarijta. Howlgalladan oo isugu jiray duqeymo iyo weerarro dhulka ah ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray burburinta hoggaanka sare, xarumaha istaraatiijiga ah, iyo shabakadaha dhaqaale ee kooxda.

Natiijada howlgaladan, waxaa lagu dilay tiro horjoogeyaal sare ah oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka weerarrada, qorsheynta falalka argagixiso, iyo marin-habaabinta dhalinyarada. Dilka hoggaamiyeyaashan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda, isla markaana hoos u dhigay awooddooda abaabul iyo fulin.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka hadlay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu si diirran u soo dhaweeyay madaxda iyo martida ka qeyb galeysa shirka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga gudbo habka kaliya ee ka jawaabista deg-degga ah, loona gudbo qorsheyaal waara oo diiradda saaraya ka hortagga musiibooyinka iyo dhisidda adkaysiga bulshada.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay weli la daalaa dhacayso dhibaatooyin soo noqnoqda sida abaaraha iyo fatahaadaha, kuwaas oo si weyn u saameeya nolosha shacabka, isla markaana malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari iyo nafaqo darro.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in dowladdu mudnaan gaar ah siinayso:

Xoojinta isku-duwidda hay’adaha Ka hortagga musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin

Horumarinta nidaamyada digniinta degdegga ah Adkeynta iskaashiga bah-wadaagta

Shirkan muhiimka ah waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, safiirrada, deeq-bixiyeyaasha, NGO-yada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, bulshada rayidka, jaamacadaha, qurbajoogta iyo khubaro leh aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan arrimaha abaaraha iyo gargaarka bini’aadannimo.

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa magaalada Malabo uga qaybgalay Shir-madaxeedka 11-aad ee Hoggaamiyeyaasha iyo Madaxda Dawladaha ee Ururka Dalalka Afrika, Karibiyaanka, iyo Baasifigga (OACPS).

Wasiirka oo matalayay dowladda Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu diiradda ku saaray qorshayaasha hortebinta u leh Qaranka. Waxa uu si gaar ah u iftiimiyey ahmiyadda ay Soomaaliya siineyso iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta ka qaybgalka fagaarayaasha caalamiga ah si loo kobciyo fursadaha horumarineed ee dalka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaan waxa uu kulan doceedyo sidoo kale la yeeshay dhiggiisa dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka, isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada badan leh. Kulamadan ayaa qayb ka ahaa dedaallada ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso xulufooyinka caalamiga ah.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqayso dhammaan dalalka xubnaha ka ah OACPS si loo xaqiijiyo aragtida fog ee ururka, taas oo ku dhisan nabad, barwaaqo, iyo iskaashi dhab ah oo dhex mara Waddamada ku yaalla saddexda Qaaradood.

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

0

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu si cad u cadeynayaa in uusan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshada.

Golaha Shacabka wuxuu ku shaqeeyaa hannaan sharci ah oo cad, mana jirto wax tallaabo ah oo la qaaday oo la xiriirta mooshin ka dhan ah Madaxweynaha JFS.