Home Blog Page 26

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

0

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

Xubnahan isa soo dhiibay ayaa kooxda Khawaarijta uga qaabbilsanaa dhinaca jabhadaha, waxaana ay ka sheekeeyeen sida ay nabadiidku u caadeysteen boobka hantida shacabka, carruurta yar yar ee ay xoogga kaga hayaan waalidiintooda, iyo beenta ay ka faafiyaan diinteena suuban.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda Suudaan, gaar ahaan colaadaha iyo rabshadaha ka socda magaalada El Fasher oo gargaarka bani’aadannimo si weyn looga xaddiday, iyo sidoo kale walaacyada la xiriira xuquuqda aadanaha. Labada mas’uul waxay sidoo kale isdhaafsadeen warbixinno ku saabsan xaaladaha bani’aadannimo, amniga iyo siyaasadda ee dalkaas, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta shacabka iyo hubinta in gargaarku gaaro dadka u baahan.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa muujiyay taageerada Soomaaliya ee midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Suudaan, isaga oo xusay in xal nabadeed oo siyaasadeed uu muhiim u yahay xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta oo dalkaasi ka hirgasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Isbitaal cusub oo ballaaran, kaas oo laga hirgelinayo degmada Garasbaaleey.

Isbitaalkan oo noqonaya mid adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah bixiya, waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qatar Charity. Qorshuhu wuxuu yahay in isbitaalku u adeego bulshada deegaanka iyo dadka barakacayaasha ah ee halkaas ku nool.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka lagu qalabeyn doono dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ah caafimaadka, oo ay ku jiraan qalab casri ah, daawooyin, iyo dhaqaatiir tayo leh, si bulshada loogu helo adeeg caafimaad oo dhammeystiran.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qaybgalka doorashooyinka bishan lagu wado inay dhacaan, isagoo adkeeyay muhiimadda sugidda amniga, bixinta canshuuraha, iyo ka qaybqaadashada howlaha bulshada si doorashadu u qabsoonto si nabad ah oo hufan.

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaarsiiyay deegaanka Warane oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ololahaan ayaa qeyb ka ah dadaallada dalka looga hirgelinayo diiwaangelin guud oo ku wajahan doorashada qof iyo cod, waxaana Guddigu sheegay in ujeeddadu tahay in bulshada deegaanka Warane iyo nawaaxigiisa ay helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan si ay uga qeybqaataan doorashooyinka soo socda.

Bulshada deegaanka Warane ayaa soo dhoweysay gaarsiinta adeeggan, iyagoo tilmaamay in ay muhiim u tahay ka-qaybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah, ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda inay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dr. Muungaab oo shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka, ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhisay waddooyinka. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay kordhinayso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka, maadaama biyo-mareennada magaalada ay xirmaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si ay uga qaybqaataan u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka. Waxa uu ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u magacaabay Dr. Xasan Cadaay Cali Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle.

Dr. Xasan Cadaay ayaa hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Danqaran, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay howlaha caafimaadka iyo xiriirka hay’adaha dowladda. Sidoo kale, waxa uu sanadkii 2021 u tartamay kursiga Senatorka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo hannaanka maamul iyo wada-shaqeynta dowladaha hoose, iyadoo lagu wado inuu hormuud ka noqdo dadaallada lagu dhisayo dowladnimo daahfuran iyo adeegyo bulshada u dhow.

Maamulka Hirshabeelle ayaa hore u sheegtay in ay dardargelin doonto dib-u-habaynta maamulka gudaha iyo xoojinta xiriirka dowladaha hoose, taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee kor u qaadista hufnaanta iyo maamul wanaagga.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed oo marti ku ahaa Barnaamujka ka baxa warbaahinta qaranka ee kulanka toddobaadka ayaa ka hadlay xiriirka saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Yemen.

Safiirka ayaa xusay in xiriir qota dheer leeyihiin labadda dowladdood xiriirkaas oo ku dhisan iskaashiga dhinacyada ganacsiga,Amniga iyo diblomaasiyadda,safiirka ayaa ka waramay xaallada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Safiirka ayaa xusay in dalka Yemen ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed iyo Jaaliyad Soomaaliyeed xaalladooduna tahay mid wanaagsan ka safiir ahaan na uu booqday xeryaha qaxootiga sidoo kalena la kulmay guddiyadda ay leeyihiin isagoo ka dhegaystay cabashooyinka ay qabaan.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Yemen u balan qaaday in ay wax qabanayso cabashada qaxootiga Soomaaliyeed “Cabashada qaxootiga Soomaaliyeed waxaan kala hadlay mas’uuliyiinta dowladda Yaman, oo ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas.”ayuu yiri safiirka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halista musiibooyinka iyo ka hortagga halis wadareedka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha ku shaqada leh maareynta musiibooyinka iyo horumarinta magaalooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirrada howlaha guud ee dowlad-goboleedyada, xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, iyo maayarada magaalooyinka caasimadaha dowlad-goboleedyada ee uu ka shaqeeyo mashruuca NAGAAD, oo ah mashruuc lagu horumarinayo magaalooyinka, iyo mashruuca SCRP oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd digniino horudhac ah oo ka hortag ah musiibooyinka dabiiciga ah, ka hor inta aanay dhicin. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adeegsankaro teknoolojiyadda casriga ah ee fududeysa helitaanka iyo gudbinta macluumaadka la xiriira halis wadareedyada.

Intii uu socday shirka, Hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay hanaanka ay u maareyso helitaanka iyo gudbinta xogta digniinaha musiibooyinka, iyadoo la xoojiyay muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah si loo yareeyo halista musiibooyinka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in hay’addu ay mar walba ka go’an tahay inay hubiso in bulshada Soomaaliyeed ay hesho digniino horudhac ah, si loo badbaadiyo naf iyo maal ka hor inta aan musiibooyinka dhicin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka, kaddib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya ee Carta ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha Qaran ee dowlad dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka Dastuurka, dardar galinta nidaamka axsaabta badan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.

Dhankooda, Madaxdii hore ee Qaranka ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, iyaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax ku ool, waxayna hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga mahadceliyey dadaalka, taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uu u muujiyey muddada uu hayo hoggaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Billaddan ay tahay mid astaan u ah walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay xusayaan miro-dhalkii Shirweynihii Nabadda ee Carta.