Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome  | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay shirka Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika, African Land Forces Summit 2026.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiso Maraykanka, islamarkaana sanad walba la isugu keeno taliyeyaasha ciidamada dhulka ee qaaradda Afrika iyo bahwadaagtooda caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, horumarinta awoodaha ciidamada, iyo la tacaalidda caqabadaha amni ee wadajirka ah.

Sanadkan, doodda shirka ayaa si gaar ah u dul istaagtay doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo sida ay u beddelayaan qaabka hawlgallada militari iyo qorsheynta istaraatiijiga ah.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa intii uu shirka socday si guud uga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-dubaridka hawlgallada iyo horumarinta nidaamyada wadaagga macluumaadka, si loo xaqiijiyo waxtarka iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, taliyaha ayaa khudbadiisa ku muujiyay doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan drones-ka, iyo saamaynta ay ku leeyihiin qaab-dhismeedka hawlgallada militari ee maanta, gaar ahaan hawlgallada CXDS ee ku aaddan la dagaallanka argagaxisada.

Gen. Sahal ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida joogtada ah ee loo qabo horumarinta awoodaha ciidanka, tababar xirfadeed oo joogto ah, iyo xoojinta iskaashiga heer qaran iyo heer caalami.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta shacabka iyo in howlgalada lagu fuliyo si waafaqsan sharciyada iyo anshaxa dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...