Home Blog Page 254

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlay adkeynta dardargelinta amniga

0

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka iyo Hey’addaha Amaanka.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Hey’addaha Amniga, asigoona boogaadiyay guulaha laga gaaray Amniga oo ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka in la xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo ka hor imaan kara Amniga Caasimadda.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadida Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, asigoona kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamulada degmooyinka in ay si hufan oo ay kujirto daacadnimo iyo Alla kacabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday islamarkaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka loogu adeegayo.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.

Muqdisho oo lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka

0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Fudooyinka ayaa shalay lagu qatay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta sare ee wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee maamulayaasha Fudooyinka, ganacsato iyo saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Saleeman Sheekh Cumar, Agaasimaha furdooyinka mudane Abukar Sh Ahmed Mursal, Taliyaha Hoggaan Ilaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha Gen. Abdullahi Hassan Bariise , Maamulaha Furada Dekedda Xamar mudane. Osman Adawe , Maamulaha Furadad Garoonka AAIA mudane . Osman Cariif, Guddoomiye Xigeenka Rugta Ganacsiga Xaaji Galaambe iyo masuuliyiintii kale ee munaasibadda ka hadal jeediyay waxa ay isku raaceen in Furdooyinku ay yihiin Isha ugu muhiimsan dhaqaalaha iyo horumarinta Dakhliga Dowladda.

Mudane Saleeman Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee W.Maaliyadda XFS ayaa hambalyo kadib u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Saraakiisha Fudooyinka oo uu sheegay in uu qirsan yahay in ay qabteen howl muhiim ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga, agaasimaha guud ayaa sidoo kale sheegay in casriyeeynta hannaanka dekhli uruurinta ay qeyb lixaad leh ka qaadatay kororka dakhliga gudaha, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya 

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh, ayaa maanta la kulmay Denjiraha Midowga Yurub(EU ) ee Soomaaliya Ambassador Karin Johansson.

Qodobadda ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah; Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Doorashooyinka iyo Arrimo kale.

Kelmaddiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh waxuu ka mahadceliyey kaalinta Midowga Yurub ee dowlad-dhiska isaga oo dhanka kale hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay daadejinta awoodaha iyo jiheynta in shacabka ay doortaan cidii matali laheyd taasi oo wax weyn ka tari doonta dowlad wanaagga, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo 

0

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, si ay u dardargeliyaan hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ka dhacdo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay wafdigaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, iyagoo muujiyay sida ay ugu diyaar garoobeen taageerida iyo hirgelinta doorashada.

Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, oo ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn ay tahay in la dardargeliyo howlaha diyaarinta doorashada ee ka bilowda Baydhabo. “Waxaan halkan u soo gaaray sidii aan dib boorka uga jafi laheyn xafiiska Guddiga Doorashooyinka ee Baydhabo, kaasoo muddo aan shaqeyn, iyo in aan guda galno hannaanka doorashada qof iyo codka ah,” ayuu yiri Yuusuf.

Wafdigani waxay sidoo kale booqan doonaan xarumaha doorasho ee qaar ka mid ah degmooyinka Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay si loo hubiyo in dhammaan diyaar garowga doorashada la dardar geliyo.

R/W ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Arrimaha Bulshada

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda oo looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha Qaranka.

Tababar lagu baranayo habka maamulka garsoorka oo laga daahfuray Muqdisho

0

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hon. Sulayman Mohamed ayaa ka qeyb galay daahfurka Tababar ku saabsan habka Maamulka Garsoorka oo lagu tababarayo Kaaliyeyaal cusub oo ka howl geli doona heerarka kala duwan ee Garsoorka Dalka.

Tababarkan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka tababarka Garsoorka Dalka ayaa mudada uu socdo tababarku waxaa lagu tababari doonaa kaaliyayaasha Hawlaha shaqo ee Garsoorka, heerarka ay Maxkamadaha kala leeyihiin, masuuliyadaha shaqada iyo ilaalinta xogta shaqada, tababarkan ayaa socon doona muddo saddex toddobaad ah.

Kusimaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim ayaa u furay kaaliyaal cusub oo Heer Federaal ah tababarka, isla markaana kula dardaarmay kaaliyayaasha inay ka faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo, masuuliayadna iska saaraan adeegga caddaaladeed ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Safiir Ilyaas oo ka qayb galay kulanka diyaargarowga Shirka tamarta Afrika

0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya Amb Ilyaas Xasan Cali ayaa ka qaybgalay kulanka u diyaar-garowga shirweynaha tamarta ee (Afrika Energy Summit) Kaas oo ka dhici doon Daarasalaam 27-28 bishan,shirkan ayaa waxa ka soo qayb geli doono ilaa 40 Hoggaamiye oo ka socda dalalka Africa iyada oo diiradda lagu saarayo dardargelinta helitaanka tamar ku filan Afrika oo dhan.

Shirkan oo ay marti galisay Dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya ayaa waxa sidoo kale qayb ka ah Bankiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Shir-madaxeedka ayaa fursad u ah dawladaha, hoggaamiyeyaasha qaybaha gaarka ah, la-hawlgalayaasha horumarinta, iyo bulshada rayidka ah si ay u horumariyaan hadafkooda.

In ku dhow oo 300 milyan oo qof ayaa la qorshaynayaa in koronto la siiyo sanadka 2030-ka – oo loo yaqaan Mission 300 – bartilmaameedkan ayey ku dhawaaqeen kooxda Bangiga Horumarinta Afrika iyo kooxda Bangiga Adduunka bishii Abriil 2024.

Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)

0

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah, kuwaasi oo ku qotoma wax wada qabsi, sidaasi awgeed ayay labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, iyadoo kulankaasi labada Madaxweyne ay isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, taasi oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka Waxbarashada heshiisku waxa uu qorayaa in Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif ay kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada Ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabad qalin jabin oo ka dhacday Muqdisho

Aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar bay u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taasi looga miro-dhaliyana waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka wax bartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska kale ee ay kala saxiixdeen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saabsanaa in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed, waxayna Labada Dowladood ka wada hadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari lahaa culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka, iyadoo la xasuusan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan howshaasi, maadaama ay dalkaasi loo aado arrimo la xariira Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo waliba Dalxiiska.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga, iyadoo ay dowladda Masar ay muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Argagixisad, wuxuuna ballan qaaday Madaxweyne Al-Siisi inuu gacan weyn ka qaadan doono ciribtirka kooxda nabad diidka ah.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu horumarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

“Waa maalin kale oo taariikhi ah, muhiimna u ah xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar.Waxaa maanta la saxiixay heshiisyo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh xoojinta iskaashiga labada dal. Labada madaxweyne ayaa qalinka ku wada duugay heshiis muhiim ah oo xiriirka labada dal gaarsiinaya heer iskaashi istiraatiijiyadeed.

Sidoo kale, aniga iyo dhiggeyga dalka Masar ayaa kala saxiixannay labo heshiis oo muhiim ah; midka hore oo ah in dadka wata baasaboorrada diblomaasiga ee labada dal laga dhaafo fiisaha, iyo midka labaad oo lla xiriira labada machad ee tababarka diblomaasiyiinta. Heshiisyadan ayaa mid kastaa dawladnimadeena iyo dadkeena u leeyahay qiimo weyn oo gaar ah”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka arrimha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uusan iman Dalka Masar waxauu safar ku tegay dalka Switzerland, intii uu joogayna magaalada Davos ee Switzerland la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, iyadoo Abaalmarintaasi lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya,isagoo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”. Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Haddaba waa maxay Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika (Africa Leadership Award)? waxaa arrintan sharaxaya Maxamed Muuse Maxamed, “waa abaalmarin ay bixiso Africa House, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta iyo isku xirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo hoggaaminta qaaradda Afrika, waxaana lagu maamuusaa hoggaamiyeyaasha iyo shakhsiyaadka Afrikaanka ah ee ku tallaabsada guulo muuqda oo ku saabsan horumarinta dowladnimada, dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarinta bulshada ee dalalkooda iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarintan sannadka 2025-ka, si loogu aqoonsado dadaalkiisa dhanka:

Dowlad-dhiska iyo Dib u Xoreynta: Hoggaaminta dadaallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

Hirgelinta Qorshaha Deyn-Cafinta Soomaaliya: Soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo ka mira-dhalinta qorshayaasha dhaqaale, taasoo u gogol-xaaraysa in Soomaaliya laga cafiyo deynta caalamiga ah.

Dib u dhiska Ciidamadda: Horumarinta awoodda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka iyo dib u soo celinta kala dambeynta.

Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka: Ka shaqeynta in cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya ay meesha ka baxdo, taas oo fursad noo siineysa in ciidamadeena ay si buuxda aan u qalabeysan karno.

Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC): Hoggaamintiisa ku biirinta Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, taas oo kor u qaadaysa xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee dalka uu la leeyahay dalalka deriska ah”.

Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika waa mid sharaf weyn u leh Soomaaliya iyo hoggaankeeda, maadaama ay muujinayso in dadaallada ay waddo dowladda lagu aqoonsanayo masraxa caalamiga ah.

Haddaba ‘Geesigu waa kan danta dalkiisa iyo dadkiisa ka ganban, cidna uga baqin ee shafka u garaacda’.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta. Sidoo kale, wuxuu amaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.

R/W Xamse” Waxaan dhiseynaa guddiga sare ee Waxbarashada si loo hormariyo tacliinta Sare”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta arday dhammaysay jaamacadda UPeace, ayaa sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee waxbarashada dalka.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Raiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taas looga miro-dhaliyana loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka waxbartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhammaysatay waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen aqoonta, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in ay uga faa’iideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.

Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ee loo asteeyey Waxbarashada Adduunka, taasoo na xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan dadka dunida ay helaan, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u noqdaan kuwo doorkooda ka qaata nabadda, horumarka, iyo midnimada.