Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta. Sidoo kale, wuxuu amaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...