Home Blog Page 253

R/W Xamse oo goobjoog ka ahaa goobta uu xilka kula wareegayay Duqa cusub ee Muqdisho 

0

Ra’iisul Wasaare Xamsa “waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.

“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania oo Soomaaliya soo gaartay

0

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska ee dalka Tanzania Dr. Pindi Chana ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania Marwo Pindi Chana ay Muqdisho ku kala saxiixa doonaan heshiis ku saabsan horumarinta iyo iskaashiga dalxiiska labada dalka ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeena iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsantahay la falgelidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinaca amniga, la dagaallanka Argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo gaaray magaalada Baydhabo

0

-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Wasiirka waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Shaati-Gaduud ee Magaalada baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdiqaadir Yuusuf Cabdi Nuur.

Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha.

Xubnaha Wafiga ee la socdo Wasiirka waxaa kamid ah wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalintiisa 3-aad galay

0

hirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa maalintiisa 3-aad galay, kaas oo lagu soo bandhigay warbixinno iyo doodo muhiim u ah dowlad dhiska casriga ah.

Shirweynahan ayaa shalay inta badan xoogga lagu saaray doodo la xiriira ka Fekeridda Dib-u-habeynta Soomaalinimada, Daraasaadka Soomaaliyeed iyo Mustaqbalka Sheekooyinka Wadaagga.

Sidoo kale waxaa iyadana halkaas lagu soo bandhigay doodo ku qotoma Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed iyo doorka Teknoolojiyada Dijitalka ah ee Maamulka, Waxbarashada iyo Ka-qaybgalka Bulshada.

Wasiir hore ee Waxbarashada Puntland ahna Agaasimaha Guud ee Hill Institute, mudane Cali Xaaji Warsame oo hadal jeedin ka sameeyay shirweynaha ayaa ka hadlay mowduuc ku saabsan Muhiimadda Iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Jaamacadaha iyo ganacsiga si loo Hagaajiyo fursadaha ardayda ka Baxda jaamacadaha.

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan

Kulan dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026) oo Muqdisho ka furmay

0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay kulan labo cisho soconaya oo dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026).

Kulanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federal, Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, saamileyda waxbarashada, hay’adaha waxbarashada gaarka loo leeyahay, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya horumarinta Waxbarashada iyo ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka oo ay si rasmi ah u furtay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa waxyaabaha qabsoomay muddadii 2da sano iyo barka ahayd iyo caqabadaha lala kulmay, waxaana ka filayaa in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo waddada u xaaraya in dib-u-qaabeyn lagu sameeyo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada, ulana jaanqaado Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga Madabanaan ee doorashooyinka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaanna Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo kulan la qaadatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Yiwu

0

Danjiraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka shiinaha Dr Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan booqasho iyo is-xog wareysi la yeeletay Ganacstada iyo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

Danjire Hodan ayaa Jaaliyadda Magaalada Yiwu ka dhagaystay Xaalada iyo daruufaha haysto gaar ahaan Ardayda,Ganacsatada Waxay la wadaageen Caqabadaha Ka haysta Sharciyada dal ku galka Shiinaha iyo ku dal ku jooga.

Waxa ayna u ballana qaaday in ay Tabashadooda ay kulamo kala yeelan doonto Hay,adaha ay quseyso waxay jaaliyadda ugu baaqday wadajir iyo isku duubni

Safarkani danjiraha dowladda Soomaaliya ee Shiinaha Hodan Cismaan ayaa qeyb ka ah boqashooyin ay ku mareysay gobolada kala duwan ee dalka shiinaha, Si looga ogaado xaaladaha ganacsatada iyo Guud jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool jamhuuriyadaa shacabka Shiinaha.

Shirka Amniga Qaranka oo warbixin la xiriirta caqabadaha Beeraleyda looga dhageystay Wasiir Maareeye

0

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobadii lagu soo bandhigay shirka Amniga Qaranka ay qeyb ka ahayd caqabado heysta Beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid tahay isbaarooyin sharci darro ah oo lacaga looga qaado.

Mudane Xuseen Macalin la taliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinno muhiim ah looga dhageystay shirka oo lagu casuumay Wasiirka Beeraha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaas oo soo bandhigay xaaladda dhibta ah oo ay ku jiraan beeraleyda Shabeelooyinka, isagoo sidoo kale la wadaagay Golaha Amniga Qaranka sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah.

Lataliyaha ayaa sheegay in Wasiirka uu soo bandhigay saameynta dhaqaale ee wax-soo-saarka dalka ku yeelan karto hadaan xal loo helin caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudane Xuseen Macalin La taliyaha Amniga Qaranka,ayaa tilmaamay in madaxweynaha JFS uu ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Shirweynaha 15-aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo xoogga lagu saarayo Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga

0

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad galay ayaa maanta xoogga lagu soo saari doodo la xiriira hanaanka dowlad dhiska casriga ah iyo Waxbarashada.

Shirka ayaa maanta xoogga lagu soo saari doonaa dood la xiriirta Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, taas oo ay ka qeyb-gali doonaan Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, Dr Maxamed Xuseen Ciise, Dr Saciimo Cabdullaahi, Dr Cabdiqaadir Macallin Nuur, Dr Maxamed Xaaji iyo Sheekh Ibraahim Maxamed kuwaas oo dhammaan ah aqoonyahanno dhanka Diinta Islaamka.

Dhanka kale waxaa isla maanta jiri doono dood kale oo la xiriirta Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeyb qaadan doonaan aqoonyahanno ka socda bahda Waxbarashada dalka iyo kuwa kale oo ka yimid dalka dibadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay Shirkan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.

Shirkan oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.