Home Blog Page 253

Magaalada Cabudwaaq oo ku biirey howgalka ka dhan ah khawaariijta ee ka socdo galmudug

0

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka khawaarijta looga xoraynayo guud ahaan dalka si gaar ah deegaanada galmudug.

Bulshada maanta banaanka la timid hubkooda iyo gadiidkooda ayaa ka mid ah beelaha dega waqooyiga gobolka gaduud iyaga oo muujiyey dareenkooda ku aadan in ay qayb ka noqnayaa beelaha dowladda ku gacan siinaya ka guulaysiga khawaarijta.

Masuliyiintii la hadashay mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay bulshada degta degmada cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay jabinta khawaarijta.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo loga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga waddada isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlgalkan oo ay wadajir u hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ibraahim Barre, taliyaha ururka 64-aad iyo abaanduulaha ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Danab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada ku xeeran degmada Wala-weyne ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye Barre iyo saraakiisha ciidan ee horkacayay howlgalka ayaa xog-wareystay shacabka ku dhaqan Tuulooyinka ay ciidanku gaareen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faafin ka bixiyay bartilmeedka howlgalka, wuxuuna guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in howlgalkan uu daaran yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

” Howlgal lagu baacsanayo nimankan nabad-diidka ah, ummadda Soomaaliyeed dhibaato weyn ku hayaan, baaqa ay soo keediyeen madaxda qaranka iyo kuwa heer Dowlad gobolleed ee ku aadan in Khawaarijta lala dagaallamo lagana xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin qaasatan Kooonfur Galbeed, anagana waxaan diyaar u nahay reer Shabeellaha hoose inaan xoreyntaas qeybta ugu weyn ka qaadanno,” ayuu yiri guddoomiye Barre.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ka socday howlgallo ka dhanka Khawaarijta, kuwaas oo lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo Bulshada gobolkaas muddo badan dhibaato ku hayay.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa fikirka marka uu dhamaado kan Militeriga”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka qeybgalay dood su’aalo waydiin ah ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in sidoo kale fikir ahaan loola dagaalami doono.

“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa Fikirka, marka uu dhamaado kan Militeriga, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka wajiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayey howlgalka wajiga 1Aad Ee khawaarijta dalka ayaa ka dhacay degmada Baxdo

0

Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayey howlgalka wajiga 1Aad Ee khawaarijta dalka looga xoraynayo ayaa maanta ka dhacay degmada Baxdo ee gobolka galgaduud, waxaana ka qayb galay maamulka iyo dadweyne ka kala yimid Magaalooyinka Cadaado, godinlabe, Maarsa-mage, dhuumodle, dhagtuur ,ka xandho, cadakibir iyo Magaaloyin kale oo katirsan Galgaduud.

W/wabarshada oo go`aan kasoo saartey sanad dugsiyeedka 2023/2024

0

Wasaaradda Waxbarashada waxay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, waa inay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada e asaasiga ah, waa inuu ka mid noqdaa Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Faahfaainta xogtaasi fadlan ka eeg go’aanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada.

 

In ka badan 60 muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen badda u dhow xeebta Cape Verde

In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen  kadib markii dooni ay la socdeen  muhaajiriin laga helay xeebaha Cape Verde’ ee galbeedka Afrika.

Soddon iyo siddeed qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo la arkayay muuqaallo muujinaya dadkaas oo lagu caawinayo xeebta, qaarkoodna ay saaran yihiin sariiro, jasiiradda Sal.

Ku dhawaad ​​dhammaan dadkii la socday doonta, oo badda ku jirtay  muddo bil ka ah  badan, ayaa loo maleynayaa  inay ka yimaadeen Senegal.,Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado socdaalka si looga hortago khasaaro kale oo nafeed.

Markabka ayaa markii ugu horreysay la arkay Isniintii, sida ay booliisku u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in doonida ay degtay balse markii dambe ayaa la cadeeyay in la helay iyadoo sii socota.

Doonta nooca alwaax ah ayaa lagu arkay  meel 320km  u jirta Sal, oo ka tirsan Cape Verde, iyadoo ay la socotay dooni kaluumaysi oo Isbaanish ah, taasoo dabadeed u wargalisay  maamulka, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka badbaaday waxaa ku jira afar carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 16 jir, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Doonta ayaa ka soo baxday tuulada Fasse Boye ee dalka Senegal 10-kii bishii Luulyo iyadoo ay saarnaayeen 101 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Senegal Talaadadii, iyadoo kasoo xiganaysa dadka  badbaaday.

 

.

Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

0

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel Mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo maray aqrintiisi sadexaad.

Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo cod gacan taag ah la geliyay ayaa waxaa ka aamusay 4 xildhibaan, waxaa diiday 3 xubnood, waxaana oggololaatay 135 sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BFS, Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo maanta guddoominayay kulanka golaha shacabka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige ayaa golaha Shacabka uga mahad celiyey ansixinta Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna sheegay in hindisahani uu tiir weyn u yahay Wasaaradda Maaliyadda.

 

Madaxda Galbeedka Afrika oo 17-18-ka bishaan ka wadahadlaya xiisadda Niger

Madaxda militariga ee ka socda ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu wadaa in 17-18-ka bishaan ay kulan ku yeeshaan dalka Ghana,si looga hadlo suurtagalnimada faragelin militari oo lagu fuliyo  Niger.

Kulanka la qorsheeyay in uu dhoco maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee soo socda ayaa yimid, ka dib markii madaxda ururka ay todobaadkii hore ansixiyeen in dalka Niger loo diro xoog heegan ah si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ee Niger iyo madaxweynaha dalkaasi oo la eryay.

Qabsoomidda kulankaan ayaa markii hore loogu talagalay in sabtidii la soo dhaafay uu ka dhoco Accra balse waxaa dib loo dhigay todobaadkaan iyadoo ECOWAS ay wadeen dadaallo ay kula xaajoonayaan militariga uu hogaamiyo Abdourahmane Tchiani ee.

Madaxda Mileteriga Niger ayaa horay u diiday codsiha hoggaaamiyaasha Galbeedka Afrika oo ah dib u soo celinta madaxweyne bazoom iyo dastuurkii Niger,waxayna xireen hawada dalkaasi .

Dalalka reer Galbeedka ,gaar ahaan wadanka Faransiiska ayaa dadsaal ugu jira soo celinta Madaxweyne Mohamed Bazoum oo la doortay  20210kii,taasoo ka dhigan in uu yahay madaxweynihii uhu horeeyay oo si nabad ah xilka ula wareega tan iyo markii Niger ay xornimadeeda ka qaadatay Faransiiska 1960-kii.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1-Hawlgalada milateri ee dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo si habsami ah uga socda gobollada dhexe ee dalka, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo hoyeen guulo hor leh.

2-Beelaha ku dhaqan gobollada dhexe oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ballanqaadey inay si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, mar uu Madaxweynaha beelahaasi kula kulmey magaalada Dhuusamareeb.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing ee Soomaaliya qorshaha xasilinta deegaannada la xoreeyay.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku adkeeyay shacabka Galmudug inay gacan weyn ka geystaan dhameystirka haraadiga Khawaarijta ee gobollada dhexe ku sugan, mar uu ka hadlayey xafladda sannad guurada 17aad ee aasaaska Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb.

5-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jarey laanta cusub ee Banguga Dhexe ee Soomaaliya ee magaalada Dhuusamareeb.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Wasiirada Galmudug kula dardaarmey dardar gelinta dagaalka ka dhanka khawaarijta.

7-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la dardaarmey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya hawlgalada lagu xoreynayo degmooyinka Galhareeri iyo Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran la Dagaalanka Fikirka Xag Jirka ah eeTubsan.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley xaflad lagu soo bandhigayey sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaatey gudashada Xajka ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Xajka.

10- Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galey kulan waxbarasho, sheegayna in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xgeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Muqdisho laga dhisayo.

12-Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

13-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.

14-Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay inta badan saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jirtay ee inta u dhaxaysa gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

15-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa Degmada Galcad ee Galgaduud ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Ciidanka Kumaandooska Danab oo deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

17-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Buulo Fulaay ee Gobalka Bay ku dilay 23 maliishiyaad oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

18-Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Muqdisho  ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo watay  gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa

19- Madaxweynaha Hirshabelle Mudane  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle.

20-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku saabsan abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

21- Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin Khawaarijta in ay ka fogaadaan meelaha ay gabbaadka ka dhiganayaan cadowga.

22-Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka dhacay ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku aaddan xoojinta iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

23- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrimo la xiriira ceymiska xoolaha dalka.

24-Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga duulista hawada ee labada dal.

25-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha Kaluumeysiga ee Dowlad Goboleedyada dalka.

26-Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa hortagay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka si su’aalo loo weydiiyo.

27-Laba Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay iidanka dowladda ee ku sugan Diinsoor.

28-Ciidanka Booliska ee Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay eedeysane dil u geystey ganacsade caan ah.

29-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa magaalada Dhuusamareb ka furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Galmudug..

30-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad musuqmaasuq oo loo heysto saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda.

31-Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 10-sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo dhagar kale ku qaraabanayay.