Home Blog Page 252

Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgalay shirka Suuqa Shaqada Caalamiga ah ee Sacuudiga

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa ka qeybgalay shirka suuqa shaqada ee caalamiga ah (Global Lobor Market Conference), kaasi oo ka dhacaya dalka Boqortooyada Sacuudiga. Shirkan ayaa looga hadlayaa laguna soo bandhigi doonaa xalal cusub oo lagu xalinaayo caqabadaha waaweyn ee ka jira suuqyada shaqada adduunka.

Shirkaan oo socon doono muddo labo maalmood ah waxaa goob joog ka ah 6,000 oo qof, kuwaasoo ka kala yimid in ka badan 100 dal oo ay ku jiraan wasiirro, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaasha ururrada caalamiga ah, madaxda ganacsiga, aqoonyahannada, iyo wakiillada shaqada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa kusoo bandhigey shirka heerka uu marayo suuqa shaqada ee Soomaaliya, isagoo iftiimiyey caqabadaha jira iyo tallaabooyinka loogu gudbi karo. Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagey madaxda shirka in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu wacyigeliyo fursadaha ka jira suuqa shaqada, iyada oo la horumarinayo xirfadaha loogu baahida badan yahay suuqyada shaqada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad oo Daah-furay Xarunta Qatar Airways ee Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa sheegay in duullimaadyada casriga ah ee dalka ku xiraya dunida inteeda kale ay muhiimad weyn u leeyihiin isu socodka, horumarka dalka, iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

Mudane Cabdisalaan ayaa ka qeybgalay daah-furka xarun cusub oo ay shirkadda duullimaadyada ee Qatar Airways ka hirgelisay Muqdisho, isaga oo sheegay in shirkadda Qatar Airways ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay Soomaaliya ugu furi lahayd xarumo caalami ah, taasoo fursad u ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sidoo kale xusay in xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar uu suurta-galiyey mashaariic badan oo kaabayaasha dhaqaalaha ah, sida dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka, xarumo caafimaad, iyo maalgashiyo kala duwan, iyada oo duullimaadyada casriga ahi qayb weyn ka qaadanayaan isku xirka Soomaaliya iyo adduunka.

Mudane Cabdisalaan ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey taageerada Qatar ee Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay inay tahay mid muhiim u ah horumarinta dalka iyo dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania 

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia), Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqday dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Dar-es-Salaam, halkaas oo dayactir xooggan uu ka socdo.

Danjire Ilyaas, oo ah hormuudka dayactirka safaaradda, ayaa Wasiir Fiqi iyo wafdigiisa warbixin dhammaystiran ka siiyey baaxadda dayactirka iyo isbeddelada cusub ee la sameynayo, kuwaas oo ka dhigaya safaaradda meel ku habboon adeegyada ay bixiso. Wasiir Fiqi ayaa muujiyey bogaadintiisa ku aaddan dadaalka geesinimada leh ee uu Safiirka hormuudka ka yahay, isagoo ku tilmaamay arrintan tallaabo muhiim ah oo kor u qaadi doonta muuqaalka iyo maqaamka safaaradda, taasoo sii adkayn doonta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Wasiir Fiqi wuxuu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku dhaqan Tanzania in ay ka qayb qaataan dhismaha safaaradda, taas oo ah goob loogu adeegayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona xoojinayo xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday Daarasalaam

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kula saxiixday seddex heshiis Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba John Aidan Mwaluko, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa.

Heshiisyada saxiixa lagu duugay ayaa kala ahaa iskaashiga bedqabka iyo nabad-gelyada, is-dhaafsiga maxaabiista xukuman iyo Is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca horumarinta afafka Sawaaxiliga iyo dhaqanka.

Munaasabadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasime ku xigeenka madaxtooyada (Villa Somalia), Mudane Maxamed Amiin Cismaan.

Heshiisyadani ayaa xoojinaya xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya, gaar ahaan isdhaafsiga maxaabiista ayadoo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalka Tanzania, kuwaasoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso in ay la soo wareegto, dibna dalka hooyo ugu soo celiso.

Waxaa xusid mudan in Af Sawaaxiliga oo ka mid ah afafka rasmiga ah ee Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, kuna hadlaan inta badan dowladaha ku habaysan ururkaasi ayaa la isla gartay horumarinteeda.

Waxay ahayd 19 December, 2024 markii Caasimadda Muqdisho labada dal wasiirro kala matalayey ay kala saxiixdeen afar heshiis oo muhiim ah oo isugu jirey; iskaashiga siyaasadeed ee labada dal, Gaashaandhigga, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

Madaxweynaha JFS oo kulan doceedyo la qaatay Madaxda Shirka Tamarta Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgalay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha Bulshada Bariga Afrika.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan, taasoo muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ghana Mudane John Dramani Mahama, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Mudane Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Qaabilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Talyaaniga 

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta qaabbilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Carabinieri ee dowladda Talyaaniga, oo uu hoggaaminayo Colonel Fabio Coppolino.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sidoo kale looga hadlay taageerada Talyaaniga ee tababarrada, farsamada, iyo agabka ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay booqashada wafdigan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga.

Colonel Fabio Coppolino, hoggaamiyaha wafdiga ka socda Talyaaniga, ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada Talyaaniga ee Soomaaliya, iyagoo diiradda saaraya tababarka iyo qalabaynta ciidanka boliiska, si loo xoojiyo amniga gudaha ee dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa qorshayaasha iskaashiga ee mustaqbalka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada amniga ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Qaabilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Talyaaniga 

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta qaabbilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Carabinieri ee dowladda Talyaaniga, oo uu hoggaaminayo Colonel Fabio Coppolino.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sidoo kale looga hadlay taageerada Talyaaniga ee tababarrada, farsamada, iyo agabka ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay booqashada wafdigan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga.

Colonel Fabio Coppolino, hoggaamiyaha wafdiga ka socda Talyaaniga, ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada Talyaaniga ee Soomaaliya, iyagoo diiradda saaraya tababarka iyo qalabaynta ciidanka boliiska, si loo xoojiyo amniga gudaha ee dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa qorshayaasha iskaashiga ee mustaqbalka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada amniga ee dalka.

Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in laga dhaafay Cashuuraha Adeegyada Caafimaadka  

0

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in laga dhaafay cashuuraha iibka adeegyada caafimaadka ee laga bixiyo cusbitaalada iyo rugaha caafimaadka ee dalka. Go’aankan ayaa ka dambeeyay shirar kala duwan oo muddo socday oo ay yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo ururada dhaqaatiirta iyo cusbitaalada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo sidoo kale ah ku-simaha Wasiirka Maaliyadda, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay la yeesheen dhaqaatiirta iyo ururada caafimaadka, isagoo tilmaamay in is-afgarad buuxa laga gaarey hannaanka cashuuraha iyo habraaca looga baahan yahay cusbitaalada.

Dhaqaatiirta iyo ururada caafimaadka ayaa xaqiijiyay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda, iyagoo ku tilmaamay in tallaabadan ay muhiim u tahay horumarka iyo adeegga caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi ugu tagay Qoyska Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ka dib geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay madasha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu kaalin muhiim ah ka qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo muujiyey jacaylkiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo dib-u-kabashada ummadda Soomaaliyeed.

“Ugaas Cabdi-Daahir wuxuu kamid ahaa tiirarka dhaqanka ee dhidibada u taagay dowlad-dhiska Soomaaliya. Wuxuu ahaa hogaamiye ka shaqeeyey sidii ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo tacsi u diraya ehelka marxuumka.

Mudane Xamsa, ayaa sidoo kale Alle uga baryey inuu marxuumka ka waraabiyo naxariistiisa Janno, wuxuuna ka codsaday samir iyo iimaan oo uu siiyo qoyska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha HSJ XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM)

0

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel M. Pereira, iyo Ku-xigeenkiisa Ptestage Murima.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood ee dhinacyada socdaalka, iyo sidii loo dardargelin lahaa barnaamijyada lagu horumarinayo kaabayaasha adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, si bulshadda Soomaaliyeed uga faa’iideysato.

Agaasimaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa Hay’adda IOM iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ugu mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta Hay’adda Socdaalka iyo kobcinta awoodda shaqaalaha.