Home Blog Page 251

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Koowaad oo Su’aalo laga wadiyay xaaladda guud ee Dalka

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay qabtay kulan furan oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay ku tallaabsatay Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen saxafiyiinta, ayaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka wuxuu faahfaahiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo hirgelinta doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod.

Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku guuleysatay hirgelinta barnaamijyo badan oo la xiriira arrimaha bulshada iyo kuwa muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in guulahaasi ay la jaanqaadi karaan dalalka caalamka.

Wasiirku waxa uu sidoo kale qiray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka barnaamijyada muhiimka ah ee loogu talagalay shacabka, isagoo hoosta ka xariiqay in si dhow loo xaqiijin doono hirgelinta doorasho madax-bannaan oo qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan Casho Sharaf ah loogu sameeyay Dalka Russia

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka,Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay kulan casho sharaf iyo sagootin ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ilaalinta Madaniga, Xaaladaha Deg-degga ah iyo Arrimaha La Tacaalidda Musiibooyinka ee dowladda Russia, Mudane Kurynin Roman Viktorovich, iyo Guddoomiyaha Gobolka Arkhangelsk, Mudane Alexey Alsufev.

Mudane Maxamuud Macallin, oo kulanka khudbad ka jeediyay, ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta diirran ee loo muujiyay, martigalinta heerkeedu sarreeyo, iyo sagootinta qiimaha leh. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda wada-shaqeynta labada dal ee ku saabsan howlaha bini’aadannimada, taageerada farsamada iyo maareynta musiibooyinka.

Wasiir Kurynin Roman Viktorovich iyo Guddoomiyaha Alexey Alsufev ayaa muujiyay sida dowladda Russia uga go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan kaalmada bani’aadannimo, farsamo iyo agab, si loo taageero mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee dalka ka socda.

Madaxweyne JFS oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjirayaal cusub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan

2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin

3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand

4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania

5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal

6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda

7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria

8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan,

Wasiirka Waxbarashada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska 

0

Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u joogo Soomaaliya, Danjire Mike Nithavrianakis iyo wafdi ka socday. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee labada dowladood, iyadoo si gaar ah loo xoogi dayay horumarinta waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Danjire Mike Nithavrianakis, ayaa si gaar ah diiradda u saaray tayaynta iyo sare-u qaadista tacliinta sare, isagoo ka hadlay sidii ay labada dal iska kaashan lahaayeen sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa heerarka ugu sarreeya ee waxbarashada iyo xirfadaha la xiriira. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku sheegay kulanka in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka waxbarashada ee la leh Ingiriiska, isla markaana ay ka go’an tahay in la hormariyo tacliinta sare ee dalka si loo daboolo baahida shaqo ee suuqyada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in la abuuro barnaamijyo cusub oo loogu talagalay tayeynta manhajyada, tababarka macallimiinta, iyo sidii loo heli lahaa fursado dheeraad ah oo caawiya kor u qaadista tayada waxbarashada ee Soomaaliya. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale soo bandhigay qorsheyaasha mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashada, isagoo muujiyay inay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxbarashada ee muhiimka ah si loo helo mustaqbalka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim u ah wada-shaqeynta labada dal ee ku aaddan horumarinta iyo tayaynta nidaamka waxbarashada Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada oo meel-mariiyeen Qaraar looga hortagayo khataraha Baraha bulshada

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka maareynta Isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internerka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda UNOPS

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hay’adda UNOPS, Hydra Nova, iyo madaxda xafiiska Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Mashruuca Nagaad, kaas oo lagu horumarinayo kaabayaasha Muqdisho.

Kulankaas, hay’adda UNOPS, Hydra Nova, iyo Agaasimaha howlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku saabsan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa biya-mareenada Muqdisho. Waxa kale oo la soo bandhigay qorsheyaasha dhameystirka naqshadda biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages), oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystirayo, iyo qorshaha lagu dhisayo waddooyin cusub oo laami ah, heshiisyada dhismihiisana bartamaha bisha February la saxiixi doono.

Mudane Maxamed Axmed Amiir, Duqa Muqdisho, ayaa si xooggan ugu nuux-nuuxsaday muhiimada ay leedahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka biyo-maalinta ee soo wajaha Muqdisho xilliga roobaadka. Waxa uu sidoo kale faray madaxda howlaha guud iyo hay’adaha ku lugta leh in si degdeg ah loo bilaabo dhisamaha biya-mareennada magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in mashruucan uu muhiim u yahay sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha biyaha ee caasimadda iyo sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha lagama maarmaanka u ah horumarinta magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay Buugga tacsida Marxuum Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay gogosha tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.Guddoomiyaha ayaa dhamaan ehelka, qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee muhiimka u ahaa nabadda iyo horumarka dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in geerida marxuumka ay tahay mid naxdin leh, isla markaana ay ummadda Soomaaliyeed ka maqantahay hoggaamiye dhaqameed mudan in la xuso, kaas oo ku suntanaa jacaylka dalkiisa iyo u-dadaalka dib-u-heshiisiinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, isagoo muujiyay tacsiyadiisa iyo salaamihiisa qoyska marxuumka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in geeridiisa ay ka dhigan tahay lumin weyn oo ku timaaday dhaqanka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ducada u diray marxuumka, isaga oo Ilaah uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka Dhallinyarada Galmudug oo soo dhaweeyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Galmudug, Mudane Abdiwahaab Sheikh Abukar Nur, ayaa Xafiiska Xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka oo uu hoggaaminayo Mudane Cabdullaahi Salaad Yarow, iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Avv.

Axmed Cabdiraxman Aaden, Sahro Diriye Muuse, iyo xubno ka tirsan labada gole ee Xukuumadda Galmudug. Waxaa sidoo kale guddiga la wehliyay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha dhallinyarada ee Dhuusamareeb iyo shaqaalaha dowladda.

Soo dhoweynta kadib, wasiirka ayaa ka warbixiyay farxadiisa ku aaddan in guddiga uu soo gaaro Caasimadda Galmudug si ay u kormeeraan goobaha lagu qaban doono doorashada qof iyo codka ee dalka oo dhan. Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ay ka go’an tahay la shaqeynta guddiga iyo taabagalinta qabsoomidda doorashada, iyadoo xarunta Wasaaradda ay noqon doonto qeyb muhiim ah oo ka mid ah goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradda iyo dhallinyaradu ay kaalin weyn ka qaadan doonaan hirgelinta doorashada.

Kadib, Mudane Axmed Salaad Yabarow, madaxa guddiga ee qeybta Galmudug, ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wasiirka, isagoo sheegay in guddiga ay ku faraxsanyihiin diyaaradda Wasaaradda iyo in ay wada shaqeyn dhow ku dhisi doonaan si loo hirgeliyo doorashada. Waxuu hoosta ka xariiqay in ahmiyadda ugu weyn ee guddiga ay siin doonaan wada-shaqeynta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, si loo xaqiijiyo in doorashadu dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Kadib, Mudane Axmed Salaad Yabarow, madaxa guddiga ee qeybta Galmudug, ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wasiirka, isagoo sheegay in guddiga ay ku faraxsanyihiin diyaaradda Wasaaradda iyo in ay wada shaqeyn dhow ku dhisi doonaan si loo hirgeliyo doorashada. Waxuu hoosta ka xariiqay in ahmiyadda ugu weyn ee guddiga ay siin doonaan wada-shaqeynta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, si loo xaqiijiyo in doorashadu dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC), isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

Guddoomiyaha SoDMA oo Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Russia

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Russia, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ilaalada Madaniga, Xaaladaha Deg-degga ah, iyo Arrimaha la Tacaalidda Musiibooyinka ee dowladda Russia, Md. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya iyo jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in labada dhinac ay yeeshaan wadashaqayn dhow, si Hay’adda SoDMA looga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro iyo qalabeyn.

Wasiir Roman Viktorovich ayaa ballan-qaaday in dowladda Russia ay ka shaqeyn doonto in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya si loo xakameeyo saameynta abaaraha, waxaana Guddoomiyaha SoDMA uu ka mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Russia.