Home Blog Page 250

Agaasimaha Guud ee Nadafada iyo Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka ayaa howlgal ka sameeyay qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

0

Agaasimaha Guud ee Nadafada iyo Bilc soo celinta Gobolka Banaadir Maxamed Suudi iyo Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka ee Taraafiko ee uu hogaaminaayay Taliye Kuxigeenka Ciidanka ayaa galabta howlgal ka sameeyay qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho si loogu hortago gawaarida sida sharci darrada loogu dhaqo wadooyinka.

Agaasime Suudi ayaa digniin adag u diray Darawalada wata gawarida Raaxada, asigoona ugu baaqay in gawaaridooda ay geystaan goobaha loogu tala-galay in lagu dhaqo ama ay la kulmi doonaan ganaaxyo.

Ciidamada Ruushka oo duqeymo ka geystay gudaha Suuriyo

0

Xubno ka tirsan kooxaha ka dagaalama gudaha Suuriyo iyo dad rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Ciidamada Ruushku la beegsadeen magaalada Idlib ee waqooyi bari Suuriya, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya.

Ciidamada Ruushka, ayaa duqeeymo la beegsadeen xarun ciidan oo ku taallo waqooyiga magaalada Idlib, kuwaasi oo lagu dilay Sedax xubnood oo ka tirsan Kooxda Taxriiru Al-Shaam iyo Shan qof oo rayid ah.

Kooxda Taxriiru Al-Shaam, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa maamusha degaano dhawr ah oo ka tirsan gobolka Idlib, Xaama iyo Xalab.

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo ku baaqay in labada Gole ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro khawaarijta

0

Guddoomiyaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 6-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sareee BJFS, Senator Saynab ismaaciil Maxamed ayaa Sanatarrada la wadaagtay Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ay toosin, wax ka bedel, siiqayn iyo qaabaynba ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Intaas kadib waxaa la gudagalay doodda iyo aragtida Sanatarrada kulanka maanta soo xaadiray, iyagoo soo bandhigay fikirkooda iyo wax yaabaha ay qabaan sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ay tahay in lagu kordhiyo ama laga tiro, si loo helo sharci is dheeli tiraya.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ugu baaqay labadda Gole Baarlamaan in ka qayb galaan Dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha Khawaarijta ayna ka wada tashadaan labadda Aqal.

Ciidanka Booliiska oo faahfaahin ka bixiyey Weerar naftii halignimo ah oo kooxda Khawaarijtu ka geysatay Degmada Kaxda

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyey Weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu xalay ku qaaday Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhowed Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Weerarkan oo ahaa mid naftii halignimo ah ay iska difaaceen Ciidankii ku sugnaa Saldhiga Booliiska iyo Ciidanka Booliis Militaare oo heegan ku ahaa Saldhiga,sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada laba Askari oo ka mid ah Ciidankii ku jiray gaadhka iyo dhaawaca Saddex Askari oo kale.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in laba qof oo Shacab ahi ku dhaawacmeen Rasaas kooxdka Khawaarijtu ku furtay guryaha ku dhowaa Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda,dhinaca kale na Afhayeenka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Khawaarijtii Weerarka soo qaaday Ciidanku gaarsiiyey khasaare culus oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababbar u furay xubno ka socda Warbaahinta Dowladda

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale ayaa maanta Magaalada Mogadishu Tababbar uga furay in ka badan 20 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta,Taliska Ciidanka Xoogga iyo Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,tababbarkan ayaa socon doona mudo saddex cisho ah.

Tababbarkan ayaa ku saabsan dabagalka xogaha iyo la dagaalanka Wararka kooxaha Khawaarijtu ku faafiyaan Warbaahinta kala duwan,Agaasimaha Guud ayaa xusay in tababbarkan kaalin weyn ka qaadanayo dagaalka Dalka looga xoraynayo kooxaha khawaarijta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka qayb galayaasha tababbarkan kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababbarkan oo muhiim u ah la dagaalanka wararka iyo fikradaha gurracan ee kooxa Khawaarijta ku fidiyaan Baraha Bulshada.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamaqa Qalabka Sida Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Khawarijta Al Shabab ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidanka iyo odayaasha dhaqanka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tinna Intelman oo ay u dhammatey muddo xileedkeeda diblomaasiyadeed ay ku joogtay dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey dardar gelinta amniga magaalada Muqdisho.

6- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Wasiirada Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, soona dhoweeyay ansixinta Istaraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka oo ay hay’adahaasi ku heshiiyeen.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray Golaha Wasiirada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in ay ka qayb qaataan halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

9- Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Muqdisho ka daah furay dib u eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka.

10- Ra’iisal Wasaare Ku Xigeennka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo hay’adaha dowladda iyo shaqaalahooda faray inay af iyo addinba uga qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab.

12- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howlgallada dib-u-xoreynta.

13- Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa daah furay Istaraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Dowlad Goboleedyada Dalka.

14- Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa ku dhawaaqey in 1-da bisha September si rasmi ah loo bilaabi doono tartan suugaaneedka barnaamijka Hirgeli Hibadaada Faneed oo ay dhalinyaro ku tartami doonto.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa soo xiray tababar u socday 106 diblomaasi oo wax ka baranayey Machadka Diplomaasiyada iyo Hab Maamuuska Qaranka.

16- Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Masar, Dr. Ayman Caashuur.

17- Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay madaxa Al Azhar Dr. Axmed Al-Tayeb.

18- Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in 30-ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud.

19- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo sheegay in wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqaynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jiro kooxda Khawaajita Al Shabab.

20- Ciidammada Xoogga Dalka oo degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ka saaray kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

21- Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe oo ay ku dhuumaalaysanayeen khawaarijta Al Shabab.

22- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.

23- Bulshada Degmada Cabudwaaq ee Galmudug oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.

24- Shacabka degaanka Bacaad Weyn ee Koonfuurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

25- Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya Marwo Farowsa Cusmaan Cigaal ayaa Nairobi kula kulantey madaxda sare ee Hay’adda Duulimaadyada Caalamiga ah ee ICAO.

26- Taliyaha Ciidanka Xoogga General Ibraahim Sheekh Muxudiin oo kormeer ku tagay Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

27- Ciidanka Xoogga Dalka oo burburiyay fariisimo Khawaarijta ku lahayd dhulka hawdka ah ee hoostaga Run-Nirgood iyo Galcad.

28- Wasiir Ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah ee dowladda.

29- Xarunta Qaran ee Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah oo xubnaha Khawaarijta ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan.

30- Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka dhacay Galgaduud ku khaarajiyay 5 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

31- Ciidanka xoogga Dalka oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Buqda-Aqable ee gobolka Hiiraan ku dilay 18 ka tirsan Khawaarijta , khasaare ballaaranna u geystya argagixisada.

32- Dibadbax lagu taageerayo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Khawaarijta oo Cadaado ka dhacay.

33- Dibadbax lagu taageerayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta oo ka dhacay Baxdo.

34- Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo ardayda ku biiraysa jaamacadaha ku waajibineysa inay soo qaataan hal sanno oo waxbarasho diyaar garow ah.

35- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Cali Fuuto ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay in ka badan 20 dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

 

Wasiir kuxigeenka XFS oo la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadlayn iskaashiga dhexmara labadda wasaaraddood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Wasiiradda ayaa isku afgartay laga wadasheeqo iskaashi mirro dhal ah dhanka daawadda, tababarrida iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’addaha caafimaadka dalka.

Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdi hogaaminayo oo loogu soo dhoweeyay degaanka Nuur-dugle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi  hogaaminayo oo maanta gaaray degaanka Nuur-dugle ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Madaxweynaha oo ay wehelliyaan wafdi ka koobqan Wasiirro, Xildhibaano Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa u kuurgalayay xaaladaha deegaanka sida amniga iyo baahiya ay qabaan bulshada.

Madaxweynaha ayaa Deegaanka Nuur-dugle ku qabtay Shirka Xasilinta iyo Nabadeynta isagoo dhanka kale kulan  fool ka fool ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  oo uu ka dhageystay baahiyahooda ku qotoma adeegyada assasiga ah ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay bulshada Nuur-dugle sida geesinimada leh ay isaga dulqaadeen khawaarijta ugana shaqeeyeen amniga iyo xasiloonida.

Dhaqdhaqaaqa Marin-Biyoodka Bosfoor oo hakad galay

Dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marin-biyoodka Bospfor ee Turkiga ayaa istaagay saaka oo Arbaca ah, ka dib markii Markab halkaasi maray ay soo wajahday Cilad dhanka mashiinka ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida lagu sheegay warbixintan ay daabacday wakaaladda, markab laga leeyahay dalka Liberia oo lagu magacaabo “Guanyin” oo marayay marin biyoodkan ayay qabsatay cilad xagga matoorka ah, kaasi oo ku jabay Albaabka waqooyi ee marin-biyoodka.

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta kusoo dhigay horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee shalay la wareegay deeganka Cowswayne ayaa soo Bandhigay horjoogayaal ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Foodeey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo Malleeshiyaad kale oo duurgal ahaa.

Horjoogayaasha iyo Malleeshiyaadka ay soo bandhigeen Ciidanka Xoogga iyo kuwa dib u xoreynta ayaa in muddo ah ka shaqeynayay dhibaateynta shacabka Cowswayne.