Home Blog Page 249

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo beeniyay in Itoobiya loo ogolaaday marinka Badda Cas

0

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo goor dhoweyd Qoraal soo saaray ku sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Itoobiya la siiyay Marin Badeed.

“Waxaan si cad u beeninayaa wararka sheegaya in Itoobiya loo ogolaaday inay gaarto Badda cas. Sheegashooyinkan aan waa kuwo aan Sal iyo Raad lahayn oo aan lahayn wax wax aasaas ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sii raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta daah-furtaanta arrimaha Qaran.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo kormeer shaqo ku tagay dhowr Wasaaradood 

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo oo lagu xoojinayo adeegga ay bulshada u hayaan ku tagey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka uga warbixiyay dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga gudaha iyo dibedda, fududeynta maalgashiga, iyo taageerada warshadaha yar-yar iyo kuwa dhexe si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa ku bogaadiyay dhammaan hey’adaha uu booqday shaqada ballaaran ee ay bulshada u hayaan, isaga oo adkeeyay in loo baahan yahay isku-dubbarid iyo wada-shaqayn dheeraad ah, si loo gaaro himilooyinka Qaran.

Wasiirka shaqada XFS oo Shirka Wadatashi ah kusoo gabagabeeyay Baydhabo 

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xiray magaalada Baydhabo shir wadatashi ahaa oo u dhaxeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha shaqada dowlad-goboleedyada dalka,  kaasoo diiradda lagu saaray mashaariicda daryeelka bulshada. Shirku wuxuu socday muddo labo maalmood ah.

Intii uu shirka socday, waxa laga wada xaajooday xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradaha shaqada ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal. Waxa kale oo laga hadlay dejinta qorshe howleedka sanadka 2025, dardargelinta adeegyada daryeelka bulshada, iyo sidii loo taaba-gelin lahaa hannaanka casriyeynta dowladnimada iyadoo la waafajinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan ayaa bogaadiyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi wanaagsan oo dhexmara dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo adeegyo waxtar leh oo bulshada ka faa’iida. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha sanadka 2025 uu yahay midka lagu dardargelinayo dadaallada lagu horumarinayo daryeelka bulshada iyo dowlad-wanaagga.

Taliyaha CBS oo xafiiskiisa ku qaabbilay Saraakiil soo qaatay heerka labaad ee Waxbarashada 

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay , waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.

Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo horumarinta Caasimadda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib u dhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan Dhismaha waddooyinka, Xal u helida maareynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi ku jirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka

0

Gudigga maadaxa banaan  ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo  kulan wadatashi ah la yeeshay Haweenka Soomaaliyeed,ayaa diirrada lagu saaray sidii Haweenku qeyb weyn uga qaadan lahayeen wacyi gelinta Doorashada tooska ah ee qof iyo cod  ee dalka ka dhici doonta.

Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha, ayaa  Haweenka ay la kulmeen ka dhegaystay talooyin ay u soo jeediyeen, iyaga oo balan qaaday in markasta u baahanyihiin talooyinka Haween weynaha Soomaaliyeed

Gudigga maadaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa dhankooda balan qaaday in ay joogtayn donaan kulamada noocan oo kale markasta ay la tashan donaan Haweenka Soomaaliyeed si loo sii anba qaado in ay dalka ka dhacdo Doorasho dad weyne.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS oo furay shirka Wadatashiga Qarnijirka 2060

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta muqdisho ka furay Shirka Wadatashiga Hiigsiga Qarnijirka 2060ka laanta Wax soosaarka Dalka (Productive Sector)

Shirka ayaa ujedkiisu yahay in la isla meel dhigo Istiraatijiyadda waxsoosaarka dalka ee Hiigsiga Qarnijirka 2060ka,waxaana ka qeyb galayo dhammaan Wasaaradaha ka shaqeeya Horumarka Dhaqaalaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Bulshada Rayidka, Akaadeemiyadda iyo dhamaan qaybaha bulshada.

Wasiir Xasan Eelay” Wadatashiga loo fadhiyo awgeed waxaa rajeynayaa in sanado ama 100 sano kadib uu dalkeenu gaaro Horumar wiilka hadda dhashay isagoo 30 jir ah ayuu qeybtiisa ka qaadan doonaa Horumarka Hiigsiga 2060-ka”.

Shirkaan oo ujeedkiisu yahay in la isla meel dhigo Istiraatijiyadda wax soosaarka dalka ee Hiigsiga Qarnijirka 2060ka.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo la kulmay culumaa’udiinka Soomaaliyeed

0

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, iyagoo kala hadlay doorka kaga aaddan arrimaha doorashooyinka .

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd latashiga Culummada iyo dhageysiga talooyinkooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka dalka ee qof iyo cod

Culumaa’udiinka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo in awoodda dib loogu soo celiyo shacabka si ay ula xisaabtamaan mas’uulka ay doortaan, waxayna uga mahadceliyeen dowladda federaalka dadaalka ay gelineyso in dalkan doorasho qof iyo cod ah ka

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda XFS oo Adis-ababa kula kulmay dhiggiisa Itoobiya

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

Intii uu socday kulanka, labada Wasiir waxay markale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.

Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin kale mustaqbalka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.

Hay’adda duulista rayidka oo baaritaan ku haysa diyaarad shalay lagu afduubay Kismaayo

0

Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in fal xadgudub ki ah sharciyada duulista rayidka oo shalay ka dhacay Kismaayo uu maanta keenay in diyaaradihii aadi jiray Kismaayo ay ku dhiira waayaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay inay baaritaan ku hayso falkaas.