Home Blog Page 249

Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Guddiyada arrimaha dibadda ee labada Gole ee Baarlamaanka

0

Kulan wadajir ah oo ay maanta xarunta Aqalka Sare ku yeesheen Guddiyada arrimaha dibadda ee labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho, kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada Guddi ee Baarlamaanka, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in labada guddi ay shaqooyinka qaar wadajir u qabtaan, si waajibaadkooda Dastuuriga u gutaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo akhrinta labaad mariyay sharciga howlgabnimada shaqalaaha

0

Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 21-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, kaas oo muhiim u ah dhammaan shaqada howlwadeennada dowladda. Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday akhrinta labaad, ayaa fadhiga Golaha ka jeediyay tallooyin iyo muhiimada uu leeyahay sharcigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka maanta ayaa Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha shacabka faray in soo-jeedinta iyo talooyinka Xildhibaanada kusoo daraan isla-markaana kuso celiyaan Golaha.

 

  

Wakaaladda Murtida iyo wacyigelinta Qaranka oo qabanaysa tartan Suugaaneed qayb ka ah la dagaalanka Khawaarijta

0

Maamulka Wakaaladda Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Guddiga Garsoorka Tartan Suugaaneedka Tilmaamaha Khawaarijta waxay ku wargelinayaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Suugaanta iyo Farshaxanka (Arts) in 01/09/2023 uu billaabanayo Tartanka wuxuuna socon doonaa muddo bil ah.

Hadaba suugaanyahan kasta oo doonaya inuu ka qayb galo waa u furan yahay tartanka meel kasta oo uu ka joogo.

Wixii faah-faahin ah kala xariiri Tell: +252615579153

Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jambaluul

0

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada hoose ku burburiyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas.

Sidoo kale waxaa ay burburiyeen goob ay lacagaha baadda ah uga qaadayeen dadka  shacabka oo ay ku baaran jireen argagixisada.

Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday gacanta ku dhigay ilaa 5 Mooto oo Khawaarijta u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka iyo jid gooyada ay ku baadayeen dadka.

Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe

0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow),Faysal Cabdulaahi Warsame,Maxamed Xasan Cumar.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.

Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Xukunka Xaasaskii Khawaarijta ee la qabtay iyagoo Gaari qaraxyo ku sida.

Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan.

Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday

Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

 

W/Q Ahmed Ali Kaahiye

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali” Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

0

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qayb galay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Khawaajirta ee u garwadeenka ka yahay Madaxweynah JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana u sheegay in dagaalkaan looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug Argagixisada u yahay mid horseedidoona horumar iyo xasiilooni nabadeed oo ay helaan goboladda dhexe  ee dalka si loo sii anba qaado xoojinta ciribtirayo qaybah yar ee ay ku dhumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay ididiilo fiican in madaxweyne Xasan Sheekh u horseed u noqodo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta  oo u ka dhabeeyay in u waddanka ka ciribtirayo,runtii waa hoggaamiye dagaal,dad badan ayaa islahaa toban barri ka dib ma joogi doono oo madaxweynaha dib ayuu ugu soo laaban doona madaxtooyada,balse waxaa u caddeyay in u la yimid adkeysi oo u dagaalka meel fiican gaarsiyay oo usan ka soo tagin,run ahaantii reer Galmudug waxay u tahay fursad in deeggaannadooda lag xoreyo Khawaarijta.

Ciidanka  markii uu hoggaamiyahoodu uu horsocdo,la cunayo,lana cabayo dhiirigelin ayey u tahay khawaarijna waa jabkooda”

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wasiirka u siiyay Barnaamijka Raadraac oo uga hadlayay ifafaalah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa,Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Wagner Prigozhin oo la sheegay in uu ku dhintay shil diyaaradeed

Madaxa ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Yevgeny Prigozhin iyo sagaal kale oo rakaab ah ayaa la sheegay inay dhinteen, kadib markii diyaarad khaas ah oo ay la socdeen ay ku burburtay waqooyiga Moscow.

Mas’uuliyiinta ayaa baaraya sababta shilkaasi,iyadoo laba bilood kahor ay ciidamada uu hoggaamiyo Prigozh ay sameeyeen gadood,isla markaana ay qaadeen dagaal socday muddo gaaban oo ka dhan ah hoggaanka militariga Ruushka.

Kaaliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in shilka diyaaradeed uu ahaa calaamad iyo digniin ka timid Putin oo ku socota madaxda Ruushka ka hor doorashooyinka 2024.

Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi diyaaradeed iyo cidda ka dambeysa,hasa yeeshe waxaa walaac laga muujinayaa ama ay su’aalo ka imaan karaan mustaqbalka waxa ay ku dambeyn karaan kumanaanka dagaalyahanada Wagner ee la geeyay Afrika, Belarus iyo meelo kale.

madaxweyne xasan sheekh oo haweenka soomaaliyeed ku bogaadiyey doorkooda dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.

Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo.

Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyi galinta Bulshada ee Madaxtooyada qaranka.