Cali Guudlaawe” Olole weyn ayaa u galeynaa in ay Jowhar noqoto caasimad wax walba u dhan yihiin

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta caasimada Jowhar waxaana lagu gorfeeyay bilicda, dib u soo celinta kaabayaasha dhaqaallaha, dib u dhiska, isku-xirka shacabka iyo Dowladda iyo sidii loogu wacyigelin lahaa Dowlad-wanaaga.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiinta kuwaas oo ku aadan shaqooyinka ay iminka hayaan iyo caqabadaha jiro.

“Olole weyn ayaan u qaadeynaa Jowhar waa lagama maarmaan inay noqoto caasimad ay wax walba u dhan yihiin, toddobaadyada soo socda isbeddel weyn oo amniga, bilicda, dhismaha, Waddooyinka iyo Adeegyada Bulshada ayaad ku arki doontaan haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Jowhar in la hirgeliyo qoddobadii shirka lagu gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...