Home Blog Page 248

Agaasimaha Guud ee HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Sweden 

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Danjire Joachim Waern.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga tacsiyeeyay safiirka dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday dugsi ku yaalla Sweden, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, isagoo muujiyay dareen-wadaagga ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda la leedahay dowladda iyo shacabka Sweden.

Danjire Joachim Waern ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud tacsida iyo soo dhaweynta diirran, isagoo hoosta ka xariiqay sida Dowladda Sweden uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda , isaga oo caddeeyay in Sweden ay sii wadayso dadaallada ay ku taageerayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay xuska maalinta Caalamiga ah ee Kansarka  

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay xuska maalinta Kansarka adduunka.

Munaasabaddan oo uu furey Agaasimaha Waaxada Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Mukhtaar Shube, waxaana kasoo qeyb galey agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafikaadka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala Soomaaliya, wakiilo ka socdey Isbitaalada dalka, Dhakhaatiir, aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Yoolka maalintan ayaa ahaa in la dhiirri geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan noocyada badan, waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado, ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanad kasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan, dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin inta badan daryeel Caafimaad.

Goobta ayaa lagu soo bandhigey warbixinno ka looga hadlayey heerka xanuunkan iyo saameynta uu ku leeyahay bulshadeena iyadoo warbixinnadu ay barbar socdeen farriimo wacyi gelin ah oo ka qeyb qaadanaya ka hortagga iyo yareynta xanuunkan dunida oo dhami la daalaadhaceyso.

Khubarada iyo mas’uuliintii kasoo qeyb gashey munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Kansarka waxay ka wada dhawaajiyeen in si dhow ay bulshada ula socoto farriimaha ka imaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, iyadoo la raacayo tilmaamaha si loo badbaadiyo bulshadeenna.

Guddi Joogtada ah ee Aqalka Sare oo meelmariyay Ajandayaasha Golaha 

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo Golaha, metelaadda Shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib dood iyo falanqayn dheer kadib la meel mariyay ajandaha Golaha iyo qorshe hawleedka Guddiyada ee kalfadhiga lixaad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya.

Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta 

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil. Asad Abdirasaaq Maxamed, ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda kor u qaadaya wax-soosaarka beeraleyda Carabta.

Intii uu shirka ku jiray, Wasiir Asad wuxuu kulamo doceedyo la yeeshay Wasiirada Beeraha ee Masar iyo Ciraaq. Wuxuu Wasiir Asad kala hadlay Wasiirka Beeraha Masar xoojinta xiriirka labada Wasaaradood, si kor loogu qaado aqoonta iyo khibradda beeraleyda Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu kala hadlay Wasiirka Beeraha ee Ciraaq dib-u-soo celinta mashruucii hore ee Iraq-Som ee horumarinta beeraha.

Dhanka kale, Wasiir Asad iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar. Kulamadaasi waxaa ka qayb qaatay Wasiir ku xigeenka iyo khubarada madaxda u ah xarumaha cilmi-baarista beeraha ee dalka Masar. Intaas waxaa dheer, Wasiir Asad wuxuu kala hadlay Wasiirka Ganacsiga ee Masar sidii dib loogu dhisi lahaa SILOS si loo horumariyo beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo dhanka xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Masar ka wada hadlay arrimo muhiim ah.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay doorka iskaashi oo ay Bulshada iyo Maamulka Degmada Wadajir ku dhisayaan waddadaan oo muhiim u ah isku socodka Bulshada, asigoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doonno dhismahaan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimeyaal, Ganacsato, Odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho 

0

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iyo taageeridda adeegga cadaaladda ee dalka. Shirweynahan oo ay ka qeyb galeen xeer ilaaliyeyaasha ka kala socda dhammaan Soomaaliya, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hannaanka garsoorka iyo sidii loo hubin lahaa in cadaaladda ay si siman ugu fushato dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Inta lagu guda jiro shirweynaha, waxaa la falanqeyn doonaa arrimaha la xiriira tababarada xeer ilaaliyeyaasha, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha hay’adaha garsoorka. Waxaa sidoo kale la isla gartay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka hay’adaha garsoorka iyo bulshadaba, loona dhisi lahaa nidaam casri ah oo shaqeynaya oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo cadaalad.

Shirweynahan ayaa sidoo kale lagu taageerayaa dadaallada lagu hagaajinayo nidaamka caddaaladda ee dalka, iyadoo la raadinayo xalal waara oo lagu dardar gelinayo howsha garsoorka, loogana shaqeynayo sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta sharciga.

Qodobada laga hadlayo ayaa si toos ah u saameynaya bulshada guud ahaan, maadaama garsoorka iyo nidaamka caddaaladda ay qeyb muhiim ah ka yihiin horumarka iyo nabadda dalka. Shirweynahan ayaa muhiim u ah in la soo bandhigo horumarka laga sameeyay nidaamka garsoorka iyo in la baadho caqabadaha jira si loo helo xalal waara oo ku habboon baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Garsoorka Masar

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada, isdhaafsiga khibradaha, iyo casriyeynta garsoorka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.

Guddoomiye Baashe ayaa xusay in Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xidhiidh qotodheer, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta nidaamka garsoorka labada dhinac, iyagoo si joogto ah isku dhaafsandoona tababarada iyo khibradaha.

Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ee kulanka ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha badan ee loo sameeyay, waxayna muujiyay inay diyaar u yihiin inay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.

Madaxweynaha JFS oo Saxiixay Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo horey ay u ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerkani wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista jawi shaqo oo cadaalad ah, iyadoo uu ku saleysan yahay mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ka leeyihiin goobaha shaqada, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa sharcigan, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay. Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dowlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday, iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.

Maareeyaha guud ee Hay’adda NIRA oo qaabilay qaabilay Madaxa Hay’adda IOM

0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Nidaamka Aqoonsiga iyo Rasiidhinta (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa maanta Xarunta NIRA ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM-Somalia, Mudane Manuel M. Pereira. Kulanka ayaa looga hadlay sidii labada hay’adood ay isaga kaashan lahaayeen aqoonsi-siinta barakacayaasha gudaha iyo dadka dibadda ka soo laabta (returnees).

Hirgelinta nidaam aqoonsi oo mideysan ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in si sahlan loo aqoonsado dadka ka faa’idaysta gargaarka bini’aadantinimo, iyo in xaqiiqda gargaarku gaaro dadka ugu baahan ee xaqa u leh. Aqoonsi-siinta waxaa sidoo kale lagu xaqiijinayaa in barnaamijyada bini’aadantinimo ay ku fuliyaan qaab cadaalad ah oo dhamaan dadka ay ka faa’iideystaan.

Sidaa darteed, wada-shaqeyntan ayaa qayb weyn ka qaadaneysa sidii loo dhamaystiri lahaa nidaamka aqoonsiga ee dalka, taas oo kaalin weyn ka ciyaari doonta nidaamka maamulka iyo ilaalinta xuquuqda dadka ugu nugul ee dalka.

Wasiirka shaqada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Waddani ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa wafdi ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Sii-hayaha Safiirka, Mudane Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa muhaajiriinta socdaalka dibadda ah si loogu abuuro barnaamijyo shaqo iyo xirfado ay ku shaqeystaan iyo in sare loogu qaado arrimaha la xiriira ilaalinta bulshada nugul (Social Protection).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.