Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...