Home Blog Page 240

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya 

0

Wasiirka Wasaaradda Deegganka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kullan wax-ku-ool ah maanta kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Danjire Sebastian Groth, kaasi oo ka wada hadleen xoojinta Iskaashiga labada dal, xal-u-hellidda Arrimaha Isbadalka Cimilada iyo Deegganka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay taagaridda dowladda Jarmalka ee Soomaaliya in ay xoojiso dhinacyada u adkeysiga, La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo maareynta Deegganka.

Shirka waxaa kaloo ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo xubno kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka kula hadlay dhiggiisa Ukraine

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka diplomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Labada wasiir, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee ay ka wada leeyihiin. Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada diblomaasiyadda, tacliinta, iyo arrimaha amniga ee labada dal.

Dhiirrigelinta Iskaashiga Caalamiga ah Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan la xiriirka Ukraine iyo dalalka kale ee dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga siyaasadeed iyo diplomaasiyadeed ee labada dal uu ka qayb qaadan karo horumarka iyo xasilloonida gobolka iyo guud ahaan dunia.

 

Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka oo Maalintiisa Labaad ka socda Muqdisho 

0

Shir Sanadeedka 7-aad ee Garsoorka Dalka, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkaan cinwaankiisu yahay “Casriyeynta Garsoorka waa Xoojinta Caddaaladda”. Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb galaya garsoorayaal, Mas’uuliyiin ka socda dowladda, iyo khubaro caalami ah oo ka shaqeynaya horumarinta garsoorka iyo dhiirrigelinta caddaaladda.

Shirweynahan ayaa diiradda saaraya lagu saarayaa casriyeynta nidaamka garsoorka ee Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa madaxbannaanida garsoorka, taageerada garsoorayaasha, iyo horumarka laga sameeyay garsoorka dalka. Waxaa sidoo kale si gaar ah looga hadlay qorshayaasha iyo tallaabooyinka la qaadi doono si loo hubiyo in garsoorka Soomaaliya uu noqdo mid cadaalad iyo hufnaan leh.

Shirka waxaa ka qeyb galaya garsoorayaal sare, hay’adaha garsoorka, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo masuuliyiin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la filayaa in la isla galo xalalka iyo qorshayaasha ay dowladda Soomaaliyeed ka sameysay sidii loo xoojin lahaa nidaamka garsoorka iyo dhiirrigelinta caddaaladda ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo soo Gaba-gabeeyey Shirka SHIIP oo ka socday Nairobi

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa magaalada Nairobi kusoo gaba-gabeeyey shirka Guddiga Hagista mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (Somali Horn of Africa Infrastructure Intregration Project) SHIIP.

Shirka oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Maamul Goboleedyada, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hawl wadeenada mashruuca SHIIP.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa si qoto dheer looga dooday waxyaabihii u qabsoomay mashruuca sanadkii hore, Qorshaha sanadkan cusub iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa guud ahaan hawlaha shaqo ee mashruucaan ku saabsan daraasadaynta iyo naqshadaynta jidadka kaas oo qayb ka ah mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo soo xiray shirka ayaa bogaadiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen madaxda iyo hawl wadeenada mashruuca isku-xirka kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (SHIIP).

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo Kulan la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan rasmi ah la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Ciraaq, Mudane Qasim Al-Araji. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinaca amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka iyo tababarada ciidamada, iyadoo la adkeynayo iskaashiga lagu xoojinayo nabadgelyada gobolka. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq taageerada iyo khibradaha ay u soo bandhigeen Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac.

Dhankiisa, Mudane Qasim Al-Araji ayaa ballan qaaday in Ciraaq ay ka go’an tahay inay taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada, tababarada, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada. Wuxuu sidoo kale amaanay dedaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan amniga iyo nabadeynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirweynahan 7aad ee Garsoorka dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.

“Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan Garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay Dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda Hay’adaha Garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdiga Sanduuqa Horumarinta Sucuudi Carabiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, waxa ayna ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi ah gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabbilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS, iyada oo danjire Souef uu xusay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.

Ciidanka Boliiska oo gacanta kusoo dhigay Gaari laga soo buuxiyey Walxaha Qarxa

0

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ayaa gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho.

Walxaha qarxa ayaa lagu soo farsameeyay sameecadaha cod baahiyaasha, waxaana ay dhagarqabayaashu ku talagaleen in ay farsameysan ugu gudbiyaan ciidamada si ay ugu sameeyaan weerar.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahooda ayaa ku guuldareystay, maadaama ciidanka Boliiska ay si aad ah ugu diyaar garoobeen ka hortagga farsamooyinka cusub,oo ay Khawaariijtu adeegsanayaan. Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah, ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa, taasoo ka hortagtay fal-dambiyeed weyn oo ka dhici lahaa caasimadda.

Ciidanka Boliiska, ayaa sheegeen in gaariga iyo walxaha qarxa ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku biiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kusoo biiray madasha Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka, oo ka furmay magaalada Muqdisho. Shirweynahan ayaa looga hadlay horumarka garsoorka, sida loo xoojin karo madaxbannaanida garsoorka, iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan garsoorayaasha iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.

Shirweynaha Garsoorka 7-aad, ayaa waxaa ka qeyb galaya, garsoorayaal, hay’adaha garsoorka, iyo Mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah. Ujeedada ugu weyn ee shirweynahan ayaa ah xoojinta garsoorka Soomaaliya, dhiirrigelinta isla xisaabtanka, iyo kordhinta kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha iyo horumarka laga sameeyay garsoorka Soomaaliya,tan iyo markii uu xilka qabtay. Waxa uu soo hadal qaaday muhimadda ay leedahay in la xoojiyo madaxbannaanida garsoorka iyo in la taageero garsoorayaasha si ay ugu shaqeeyaan si cadaalad ah oo waafaqsan sharciga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo taageerada iyo tababarka garsoorayaasha, isaga oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in garsoorka dalka uu noqdo mid madax-bannaan oo ka madax bannaan faragelinta siyaasadeed iyo cadaadis kasta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay hay’adaha caalamiga ah ee taageerada siiya garsoorka Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga uu yahay mid muhiim ah si loo gaaro hormar waara oo dhinaca garsoorka ah. Sidoo kale, wuxuu ku booriyay garsoorayaasha inay ku dadaalaan sidii loo ilaalin lahaa cadaaladda iyo hufnaanta nidaamka garsoorka.