Home Blog Page 240

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Talyaaniga u joogo Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargalinta mashaariicda ay dowladda talyaaniga uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caasimadda gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.

Duqa Muqdisho oo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ku wareejiyay dhismaha Casa Italia

0

Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo banneeyo dhismaha Casa Italia ee degmada Xamar Weyne

Safiirka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay soo celinta dhismaha Casa Italia, wuxuuna sheegay in tani ay ka tarjumayso sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa Italia ayaa tan iyo burburkii wuxuu gacanta ugu jiray muwaaddiniin Soomaaliyeed, halkaas oo ay ku yaalleen goobo ganacsi oo kala duwan.

 

Wasiir Al-Caddaala: 48-dii Saac ee lasoo dhaafay 17 howlgal ayaa Galmudug ka dhacay waxaana ku dhintay in ka badan 120 khawaarij ah

0

Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa jiidda hore kula hadlay ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Caddaala oo furimaha dagaalka kula hadlay Ciidanka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dhammaan mas’uuliyiinta,saraakiisha,  ganacsatada , siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaanka.

Wasiir Al-Caddaala ayaa kula dardaarmay Ciidanka in aysan hilmaamin hadafkii ay guryahooda ugu soo tageen iyo waxa ay u dagaallamayaan, wuxuuna ku boorriyay in aysan soo noqon illaamaa ay ka xaqiijiyaan wixii ay usoo baxeen.

Wuxuu sheegay Wasiirku in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay 17 howlgal oo lagu baacsanaya khawaarijtu ay ka dhaceen Galmudug, kana dhimatay in ka badan 120 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Senetor, Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer”  oo ka mid ah Xildhibaannada ku sugan furimaha dagaalka ayaa ku boorriyay Ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta in ay deegaannadooda ku celiyaan dadkii ay soo bara kiciyeen khawaarijta ee bannaanada ku dhibaataysan.

 

Xil Cabdi Maalik oo Jaaliyadda reer Hiiraan ee London ku boorriyay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

0

Xildhibaan Cabdi Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ayaa kulan looga hadlayay  dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Shirkii ka dhacay magaalada Maxaas looga hadlay dardar gelinta dagaalka lagu sifeynayo khawaarijta, isagoo xusay in dadka reer Hiiraan ay sii wadi doonaan dagaalka argagixisada lagula jiro, wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda reer London in ay doorkooda ka qaataan.

Xildhibaan Cabdi Maalik ayaa Jaaliyadda u sheegay in haddii uu dagaalku fashilmo ay khawaarijtu saari doonto cadaadiska ugu badan maaddaama dagaalka lagula jiro ay iyagu hormuud u yihiin, sidaas daraadeedna aan loo kala harin cirib tirka argagixisada.

“Dagaalkan aan u midowno, sababtoo ah dagaalku hadduu fashilmo dadka reer Hiiraan waxaa loo dhigi doonaa cashar aysan weligood illaawin, Soomaalida kalana lagu tusayo haddii aad nala dagaashaan ama aad na ceebeysaan inaadan jirayn”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada London ee dalka Ingiriiska , Cabdul qaadir Axmed kheyr, ayaa Jaaliyadda ku boorriyay in ay garab istaagaan Xildhibaan Cabdi Maalik oo ah nin har iyo habeen u taagnaa la dagaallanka khawaarijta, halgankana kaalin libaax ka qaatay.

 

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Afar sano kadib safarkii ugu horreeyay ku tagaya Ruushka

Wakaaladda wararka Ruushka ayaa maanta oo Talaada ah sheegtay in tareenkii siday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, uu gaaray dalka Ruushka, halkaas oo lagu wado in uu kula kulmo madaxweyne Vladimir Putin.

Wakaaladda oo soo xiganaysa mid ka mid ah wariyayaasheeda ku sugan Bariga Ruushka, ayaa sheegtay in halkaasi uu gaaray tareenkii uu la socday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Sidokale, Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu yiri: “Wasaaradda Difaaca Qaranka waxay ogaatay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu galay gudaha Ruushka subaxnimadii hore ee saakay isagoo isticmaalaya tareen gaar ah”.

Safarka Kim Jong, uu ku tagay Ruushka, ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu muddo Afar sano ah ku tago meel ka baxsan dalkiisa.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegay in ay u baahanyahiin caddeymo dheeraad ah si cadaaladda loo gaaro

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maalmahii lasoo dhaafay ku mashquulsaneed dhageysiga dacwada loo haysto muwaadiniin uu xafiiska xeer ilaaliyada Qaranka kusoo eedeeyay howllo Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, ayaa sheegtay si loo helo Caddaalad loo baahanyahay caddeymo deeri ah oo ku saabsan kiisaska muwaadiniintan la soo eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, mudane Saalax Cali Maxamuud (Dabaan), oo sidokale ah Garsooraha guddiga dacwadda Musuq-maasuqa, ayaa fadhigii Maxmada ka sheegay in maxkamadda ay u baahatay caddeymo dheeraad ah si cadaaladda loo gaaro.

 

Maraykanka oo Iiraan u fasaxay Lacago ka xayirnaa

Dawladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabo uu ku doonaya in lagu sii daayo muwaadin u dhashay Maraykanka kuwaas oo ku xiran dowladda Iiraan.

Xukuumadda Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iiraan loo fasaxo lacag dhana $6 billion oo kaga xannibneed dalka Koonfurta Kuuriyada, Lacagtaasi oo la xannibay ka dib markii uu Maraykanku cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay dalka Iiraan.

Xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka Antony Blinken, ayaa toddobaadkii hore saxiixay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iiraan, ay ku heshiiyeen arrintan is dhaafiga ah.

 

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo maanta laga xoreeyey Al-Shabaab oo muddo badan bulshada ku dhibaateyneysay.

Masuuliyiinta ayaa Bogaadiyay Ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca Shacabka ee Cadowga ka xoreeyey deegaano Badan oo dhaca Bariga Galgaduud waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Shacabka Ceel-garas laga dulqaaday Cadowgii muddo dhibaateynayay.

guddoomiye sheekh aadan madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guud ee golaha shacabka bjfs.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya, soo jeedin mooshin ku taariikhaysan 29-08-2023 ee ku saabsan Gen. Sheegoow. Sidoo kale 16 Xildhibaan ayaa soo gudbiyay mooshin ku saabsan wax ka bedel sharciga akhrinta sadexaad maraya iyaga oo dalbaday in qodobo qaar wax ka bedel lagu sameeyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa akhriyay mooshinka ku saabsan Jeneral Sheegoow, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka faray in Ku-simaha Xoghayaha Guud uu ku wareejiyo Huddiga Amniga si ay baaritaan usoo sameeyan warbixintoodana Golaha kusoo celiyaan.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga kusoo daraan soo jeedinta xildhibaanada ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya islamarkaana maalinta Arbacada la horkeeno fadhiga Golaha Shacabka.

Guddiga gargaarka arrimaha xabsiga dhaxe ee xamar ee golaha shacabka  oo la kulmey gudoomiyaha gobalka Banaadir

0

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan la-yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho kulanka waxaa shir Gudoominayay. Guddoomiyaha Guddiga Xil Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika)

Intaasi kadib waxaa Goobta Su’aalo Oraaheed la-xariira Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar lagu weydiyaya Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho dowrkooda kaga aadan Xaalada Xabsiga iyo waxyaaabaha ay ka qaban karaan.

Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay Guud ahaan Su’aalihii ay weydiiyeen Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Waxuu sidoo kale sheegay markii uu booqodo kadib Xabsiga Dhexe ee Xamar uu Warbixin Buuxda kula soo laaban doona Guddiga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil.Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga Mahadceliyay. Guddoomiyaha Gobolka sida wanaagsan ee uu usoo ajiibay u yeeristiisa asagoona uga mahaceliyay qaabkii wanaagsaneyd ee uu uga waramay inta uu kala socdoa Xaalada ka jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddoomiye Xil Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku booriyay Shaqada wanaagsan iyo Masuuliyadda culus ee uu hayo Qaranka Soomaaliyeed Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Waxuuna sheegay inuu ka rajeynayo in warbixin dhameystiran uu Guddiga kula soo laabto kadib marka uu Booqdo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar.