Wasiirka Isgaarsiinta oo daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP,

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Xildhibaan 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya, kaddib go’aanka Wasiirka ee haa in shirarka mashruuca lagu qabto gudaha dalka halka markii hore dibadda looga qaban jiray.

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalmood ah, ayaa waxaa kaqeyb galay wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, wafdi ka socda dowladda, iyo Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU).

Furitaanka shirkan ayaa lagu lafaguray Qorshaha Sanadlaha ah ee Mashruuca (AWP), iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dedejiyo hirgelinta mashruuca, maadaama sanadkan uu saldhig u yahay guusha mustaqbalka ee mashruuca.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢, ayaa ka hadlay doorka hoggaamineed ee Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU), isaga oo xusay in iskaashi, isla xisaabtan, iyo hufnaan ay lagama maarmaan u yihiin guusha mashruuca. Wasiirku waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada ay quseyso mashruuca inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii yoolalka muhiimka ah loo gaari lahaa, loona xaqiijin lahaa in mashruucu uu si waxtar leh u gaaro bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha iyo ka-faa’iideystayaasha mashruuca inay muujiyaan dadaal wadajir ah si loo xaqiijiyo horumar waara, loona dhiso kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah mustaqbalka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa calaamad u ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknolojiyada, si loo gaaro horumar dhab ah oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...