Home Blog Page 241

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo shalay Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Awdheegle ku sugan waxaana uu ku amaanay sida ay geesiyaasha Qaranku cashar ugu dhigeen Khawaarijta diinta ka aradan ee lagu soo qalday weerarkii degmadaas.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daahfuray Mashaariicda Damal Caafimaad iyo COVID-19 Vaccination.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi  Barre ayaa daahfuray maanta Mashaariicda Damal Caafimaad iyo COVID-19 Vaccination.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaano Agaasimayaal, Xubna sare oo ka socday Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, dhaqaatiir daneeyayaashada Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socdah Dowlad goboleedyada iyo bahada Caafimaadka.

Mashaariicdan ayaa loogu talagaley in loogu faa’ideeyo bulsho waynta Soomaaliyeed ee u heelan in ay helaan adeeg Caafimaad, waxaana labadan Mashruuc ay ka mid yihiin mashaariicda waawayn ee sida aadka ah loo sugayey islamarkaana qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka guud ee Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabduaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u haystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Sidoo kale, Generaal Cirro ayaa shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo argagixisada dhiigyo cabka ah.

” Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax hakim darsanina Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ayaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,” ayuu yiri Generaal Cirro.

Dhanka kale, Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Generaal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud ah oo howlgalkan guuleystay ayaa ballan qaaday in mardhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

 

Ciidanka xoogga oo la wareegay Magaalada Ceelgaras ee Gobalka Galguduud

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceelgaras ee Gobalka Galguduud halkaas oo ahayd xudunta Khawaarijta.

Ciidamada qaranka ayaa ka wada Magaaladaas hawlgal sifayn ah.

Khawaarijta ayaa isaga cararay magaalada markii ay hareereeyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka.

Ka saarista khawaarijta ee Ceelgaras ayaa ka dhigan guul wayn oo laga gaaray Dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Taliyaha Xoogga oo sheegay in khawaarijta billaabeen dhameystirka kuwa ka dhaawacmo

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Janeraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlayay ciidamada qeyb ka noqon doona dagaalka Khawaarijta ayaa sheegay in uu dhamaad marayo waqtiga khawaarijta, islamarakana ciidanka looga baahanyahay in inta firxadka ee duurka ku dhuumaaleysanayo ay soo afjaraan.

Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay in dhaawacyada Khawaarijta uga dhaawacmay howlgallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aysan heli karin Isbitaallo la seexiyo taa badalkeeda ay dhameystirayaan kuwa waxyeellada ka soo gaarto.

“Khawaarijtu maanta ma heli karaan isbitaal ay geystaan kooda dhaawacma, waa dhammeystirayaan kaliya”.ayuu yiri Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Taliyaha ciidanka ayaa ugu dambeyn dhammaan ciidanka Xoogga iyo kuwa dadka degaanka ugu baaqay in loo wada istaago sidii la isaga dul qaadi lahaa khawaarijta, isagoona ciidamada u rajeeyay guul.

Taliye ku xigeenk Ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Cabdulaahi Aden xuseen (Ciro ) ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan lana beegsan doono,islamarakanay ka ceshtaan maalkooda iyo caruurtooda intaba.

“Waxaan Shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin”ayuu yiri taliye ku xigeenka

Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa ku jirta xaaladdii ugu adkeyd waqtigan, waxaa la soo sheegayaa in jahwareer ku jiraan ayna aysato labo mid daran dooro oo kala ah in ay cadaaladda isku dhiiban ama iyagoo baxsad ah in goobaha ay ku dhuumanayaan in lagu khaarajiyo.

 

Horjooge baxsad ahaa oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo

Ciidanka amaanka ee ka howgallo dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabe Cumar Maxamed Ismaaciil oo ka tirsanaa khawaarijta, kaas oo damacsanaa si dhuumaalaysi ah in uu uga baxo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka hor ku biiristiisa khawaarijta uu ku sugnaa muqdisho, ahaana macalin dadka wax kubaro Alaadaha fogaan aragga ee (Online Internet).

Horjooge Cumar ayaa sida uu sheegay tababar ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, isagaa iyo in ku dhaw laba Boqol oo ahaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabiyeen, isagoo dowladda ka codsaday in la cafiyo.

Laamaha Amiga dowladda ayaa baaris ku bilaabay horjoogahan argagixisada ka soo tagay sida uu sheegtay, iyadoon taas xaqiijinteeda laga sugaya hay’adaha ku shaqada leh.

Horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab oo baxsad ka ah howgallada xoogan ee ka socda dalka ayaa qaarna isku soo dhiibayaan dowladda,halka qaar kale ay ku dhuumanayaan goobo ay is leeyihiin armaad kaga baxsan kartaan weerarada dhulka iyo cirrka ee Xoogga Dalka.

 

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray ciidamo katirsan xoogga Dalka

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ciidanka Gorgor ee CXDS kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidanka.  Ciidamadan oo ah kuwo qaba tababar dhammeystiran ayaa ku biiri doona hawlgalada ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku dalka kaga ciribtirayaan Khawaarijta AS.

Wasiiru dowlaha ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay kaga go’antahay dhismaha  ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka, Wasiir cabdinur ayaa sidoo kale u mahadceliyay macalimiinta  dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiinta Soomaaliyeed ee  juhdiga ku bixiyay Ciidankan intii uu tababarka socday.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray baraha koontarol ee laga sugo Amniga Caasimadda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa caawa kormeer ku saabsan u kuur galida sugida Amniga Caasimadda ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala Degmooyinka xiga qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mid mid u booqday baraha Koontarool ee laga soogalo dhinaca Bari, asigoona halkaasi warbixino Amniga quseeya kaga dhageystay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday, waxa uuna ku dhiirageliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga dhagarta cadowga.

Ra’isul Wasaare Xamse oo Doha kula kulmary saraakiil katirsan CXD oo tababar uu u socdo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Ciidamada Xoogga Dalka oo khaarijiyay xubno katirsan Khawaarijta

0

Ciidanka qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa jabiyay maleeshiyo ka tirsan khawaarijta oo xalay isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga oo ka warqabay damaca dhagarqabayaasha Khawaarijta ayaa halkaas ku dilay horjoogihii kooxda khawaarijta ee soo weeraray degmada iyo maleeshiyaad kale oo la socday.

Warkan oo faah-faahsan goordhaw kala soco warbaahinta Qaranka