Home Blog Page 241

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

0

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ee DFS Mudane Sheikh Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in uu xooga saari doono Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa hogaanka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada ku amaanay sida ay u tayeeyeen baasaboorka Soomaaliga, iyo dadaalada lagu horumarinaayo baasaboorka, isagoo sidoo kale xusay in baasaboorka Soomaaliga tayadiisa ay tahay mas’uuliyad wadareed saaran ummada Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in Baasaboorka dalkeena uu soo maray marxalado kala duwan, hasa-ahaatee maanta uu joogaa meel aad u fiican.

 

 

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Kuwait kula kulmay Isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD Dr. Ahmed Amdihun.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Falanqaynta Cimilada iyo Digniinaha ee (ICPAC), si loo ballaariyo wada shaqeynta hay’adaha gobolka ee ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka, Labada mas’uul ayaa isku afgartay in IGAD ay fududeyso is-dhaafsiga xogta la xiriirta musiibooyinka isaga gudba xuduudaha dalalka gobolka.

Labada dhinac ayaa isku raacay sidoo kale in la qabto shir gaar ah oo ay yeelanayaan hay’adaha Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ay IGAD fududeyn doonto, Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii labada dal ay si dhow uga wada shaqeyn lahaayeen yareynta khataraha musiibooyinka iyo horumarinta digniinaha hore ee halis wadareedka.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, asagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.

 

Israel iyo Hamas oo isweydaarsaday maxaabiis

0

Maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la sii daayay ka dib markii Xamaas ay wareejisay saddex nin oo Israa’iili ah oo ku xirnaa Gaza.

Tiro badan oo maxaabiis Falastiin ah ayaa la soo daayey,waxaana lagu wadaa in maanta galinka dambe la dhameystiro sii deynta 369 ruux.

hey’adda Laanqeyrta Cas ayaa deegaanka Khan Younis ku kala wareejisay maxaabiistaasi labada dhinac ah,waxaana xaaladda 3 da maxaabiis oo kala ah Alexander Trufanov, Sagui Dekel-Chen iyo Yair Horn la sheegay in ay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale,Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajood aan toos ahayn ay la galayaan Israel toddobaadka soo socda ,kaas oo noqon doona wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Gaza.

Howlgallo dhanka cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Khawaarijta Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad

0

Howlgallo culus oo dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Sheebaab-Calmiskaad ee buuralayda gobolka Bari, halkaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta Daacish.

“Waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Boqaal ka tirsan Khawaarijta Daacish ayaa lagu dilay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal Ajaaniib ah.

 

Hamas oo sii deysay 3 maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 369 ruux

0

Xamaas ayaa deegaanka Khan-Yonis ku sii daayey saddex maxaabiis oo Israel ah oo lagu kala magacaabo Alexander Trufanov, Sagui Dekel-Chen iyo Yair Horn.

,Xamaas ayaa maxaabiistaasi ku wareejisay hey’adda Laanqeyrta Cas,waxaana raggaasi la geyn doona Qaza si ay ula wareegaan ciidamada Israa’iil ee ku sugan halkaasi.

Israel ayaa la filayaa in maanta gelinka dambe ay sii deyso 369 falastiiniyiin ah oo ay hayeen muddo badan.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajood aan toos ahayn ay la galayaan Israel toddobaadka soo socda ,kaas oo noqon doona wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Gaza.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kuwait, Dr. Cabdullaahi M. Sheekh Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas ee Kuwait, Md. Khaled Mohammed Al-Mughmas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA uu warbixin ka siiyay Madaxa Ururka Bisha Cas xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u xusay walaaca laga qabo abaar ka dhalata roob-yaraantii xilliga Deyrta 2024 iyo odoroska muujinaya in roobabka Gu’ga ee 2025 ay ka yaraadaan inta la filayo. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la helo gurmad degdeg ah si looga hortago saameynta ay keeni karaan duruufahaas.

Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kala hadlay Ururka Bisha Cas ee Kuwait sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu hirgelinayo mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo qorshayaal lagu xoojinayo ka soo kabashada masiibooyinka. Waxaa la isla falanqeeyay muhiimadda ay leedahay qodista ceelal, dhismaha waro biyaha lagu keydiyo, iyo xal u helidda barakacayaasha ku baahsan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn; Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Ururka Bisha Cas ee Kuwait doorkooda firfircoon ee ay ka qaataan taageerada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajo ka muujiyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adda SoDMA iyo Ururka Bisha Cas ee Kuwait.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Muslimka 

0

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Muslimka, oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Jeddah ee Boqortooyadda Sacuudiga.

Wasiir Faarax ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee xarumaha dhaqanka ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay kaalin weyn ka qaataan taabbagelinta nabadda iyo ilaalinta hiddaha, dhaqanka, iyo ilbaxnimada hodanka ah ee dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in xarumahaan ay si weyn uga shaqeeyaan ilaalinta aqoonsiga dhaqameed ee Qaranka iyo kor-u-qaadidda isfahanka bulshada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada xoojinta dhaqanka dunida Islaamka, isagoo taageeray yoolka istiraatijiyadeed ee ISESCO ee ku aaddan xoojinta midnimada dhaqanka dalalka xubnaha ka ah, gaar ahaan taageeridda xarumahooda dhaqanka iyo horumarinta farshaxanka.

Mudane Faarax ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in la aas-aaso hannaan iskaashi tacliimeed iyo cilmi-baaris u dhexeeya jaamacadaha iyo macadyada dhaqanka ee dalalka Islaamka, si loo xoojiyo aqoonta iyo waaya-aragnimada dhaqanka.

Madaxweynaha JFS oo ka qeygalaya meertada 38aad ee shir-madaxeedka Africa 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkan oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.

Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Waftiga Madaxweynaha ee ku wehelinayey safarkan shaqo ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Agaasimaha Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.