Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis-ababa oo uu ka socda shirka 38-aad ee Midowga Afrika kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay antonio guterres.

Madaxweynaha iyo antonio guterres ayaa ka wada hadlay horumarka ka socda Soomaaliya, dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah, howlgalka AUSSOM iyo doorka muhiimka ah Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga, xasillinta iyo horumarka.

Sidoo kale, waxay isweydaarsadeen aragtiyo la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, isagoo qiray taageerada joogtada ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...