Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Date:

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa ka qayb galay munaasabad casho sharafeed diblomaasiyadeed ah oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Caalamiga ah ee Jaamacadda Daystar (International Students Association).

Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qaybgaleen arday iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha bulshooyinka caalamiga ah.

Xoghayasha 1aad, Mudane Abdullahi Mohamed Siyat iyo Mardiya abdi Mohamed ayaa si gaar ah u amaanay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Daystar, isagoo bogaadiyay dadaalkooda waxbarasho iyo ka qaybgalka firfircoon ee ay ku leeyihiin hawlaha ardayda. Wuxuuna tilmaamay in ardaydu ay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka faa’iideystay fursaddaas si uu u dhiirrigeliyo ardayda Soomaaliyeed, kuna boorriyay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada, kana shaqeeyaan horumarinta naftooda iyo dalkooda.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan oo ay ka muuqatay is-faham, is-ixtiraam iyo xiriir wanaag u dhexeeya ardayda iyo martida kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...