Home Blog Page 238

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Badqabka Kalluunka oo ka furmaya magaalada Muqdisho.

0

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Tayada iyo Kormeerka Badqabka Kalluunka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya wasiirro, xildhibaanno, xubno ka socda bahda kaluumeysiga, iyo wakiillo ka socda hayโ€™ado caalami ah. Ujeedada shirka ayaa ah in la dhiso guddi si rasmi ah u kormeera tayada kalluunka, badqabka cunistiisa iyo horumarinta habraacyada hubinta tayada kalluumeysiga Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo qorshayaal lagu horumarinayo warshadaha kalluumeysiga, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta tayada iyo badqabka kalluunka, si loo hubiyo in uu u qalmo suuqyada gudaha iyo dibadda.

Wasiirka Shaqada oo faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur oo dowladda la gashay Sacuudiga

0

-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan,oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur loogu sameynayo dhallinyarada ee dowladda dhawaan la gashay sacuudiga.

Wasiirka shaqada ayaa sheegay

Shaqooyinkaasi aya ka faaโ€™ideysan doonaan dhallinyarada leh xirfadaha kale duwan iyo kuwa aan la hayn intaba si shaqa loogu abuur dhallinyarada Soomaaliyeed.

โ€œShaqooyinka sacuudiga heshiiska aynu kula soo galnay waxay isku jiraan dhallinyarada xirfadaha shaqada leh iyo kuwa aan xirfadda lahaynโ€.

Waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciya Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada in heshiiskan uu soo maray habraacyadii loogu tala galay,dhallinyaradana la rabo in ay aaminaan.

โ€œHeshiiska dhinaca shaqada ee aan la galnay dowladda Sucuudiga waxaan rabnaa in dhallinyaradu aaminaan, maxaa yeelay waxa uu soo maray habraacyadii loogu tala galayโ€. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan

Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada Sucaad Cabdullaahi Macallin ayaa sheegtay in shaqooyinkaasi loo marayn doono hab raac sax ah.

โ€œDhallinyarada Sacuudiga ka shaqeyntooda wax musuq maasuq ah ma jiri doono, Waxaa lagu qaadanayaa oo ay marayaan hab raac sax ahโ€Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sanadkii lasoo dhaafay

0

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa bogaadiyay kororka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa una xusay in labadii sano lasoo dhaafay uu xafiiska Hantidhowrka uu door firfircoon ka qaatay kororkaas muuqda islamarkaana ay jirtay isla xisaabtanka iyo dabagalka ay sal u ahaayeen in dakhliga dowladda soo gala si toos ah loogu xareeyo meelaha ku habboon,

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale,oo ka hadlayay Munaasabadii daahfurka miisaaniyadda ee 2025 ayaa dhiirrageliyay tallaabooyinka cusub ee la qaadayo,isagoo sheegay in adeegyada lagu sameeyay fatashka ama dabagalka laga arki karo natiijada kasoo baxday dabagalkaas, kororka dakhliga iyo howshii ka socotay xafiisyadaas ama hayโ€™adahaas.

โ€œDakhliga gudaha in uu isbaddelay ma ahayn wax iska dhacay ee waa wax ku yimid dedaal la sameeyay, sidii loo tallaabsaday 2024 ayaa la rabaa in 2025 loosoo kordhiyoโ€ayuu yiri Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud JFS.

Xamaas iyo Israaโ€™iil oo maxaabiis isdhaafsaday

0

Saddex kamid ah maxaabiis Israaโ€™iiliyiin ah ayaa laga sii daayay Gaza, iyadoo lagu wareejiyay ciidamada Israaโ€™iill, taasi oo ah wajiga ugu horeeyay ee xabbad-joojin Ururka Xamaas iyo Israel ay dhawaan gaareen labada dhinac.

Maxaabiistan la siidaayay ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, kuwaas oo gacanta Xamaas galay 7-dii October 2023, kadib weerarkii loogu magacdaray Duufaanul Aqsaa ee ay kaa qaadeen Ururka Xamaas.

Muuqaallo ay baahisay Aljazeera ayaa laga arkayay muuqaalkii ugu horeeyay isdhaafsiga la heystayaasha labada dhinac, kuwaas oo isla xalay gaaray dhulka ay haystato Israel ee Falastiin, waxaana ka muuqatay wajiyadooda farxad muujineysa helidda xorriyadooda.

Dhanka kale Xukuumadda Israaโ€™iil ayaa uun saacado kadib siideynta Xamaas, waxay iyana dhankooda ka siidaayeen maxaabiista Falastiiniyiinta ah, kuwaa oo gaaraya ilaa 90 qof oo muddo ku jiray jeelalka Israaโ€™iil.

Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii labada dhinac ee kala ah Xamaas iyo Xukuumadda Israaโ€™iil ansixiyeen heshiiska labada dhinac, waxaana heshiiska dhanka Israaโ€™iil diiday 3 wasiir oo kali ah taas oo aan hor istaagi karin fulintiisa.

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Xamaas iyo Israaโ€™iil , kaas oo ay dhex dhexaadiyeen Qatar, Masar iyo Mareykanka.

Wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista ayaa lagu wadaa in uu dhaco Sabtida soo socoto, markaas oo la filayo in la sii daayo 33 ka mid ah la maxaabiista Israaโ€™iil, , halka Israaโ€™iil โ€™il ay xabsiyadeeda kasii deyn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaana socon doono muddo 42 maalin ah.

Madaxweynaha JFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS. Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku.

Heshiiskii xabbad-joojinta Israel iyo Hamas oo dhaqangalay

0

Heshiis xabbad-joojin ah oo ay ku heshiiyeen Israaโ€™iil iyo Xamaas ayaa dhaqan galay kaddib markii uu kuy yimid dib u dhac โ€‹โ€‹saddex saacadood ah oo ay sababeen waxa lagu sheegay arrimo farsamo.

Israaโ€™iil ayaa xaqiijisay in ay heshay magacyada saddexda maxbuus ee la sii dayn doono maalinta ugu horreysa ee dhaqangelinta heshiiska.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in dagaalka la joojiyo iyo in la sii daayo saddex maxaabiis oo Israel ah iyo illaa 95 maxaabiis falastiiniyiin ah maalinta ugu horreysay heshiiska.

Dhaqangalka heshiiska ayaa yimid xilli Xamas ay fuliyeen dalab ka yinid Natanyahu oo la xiriiray in la soo bandhigo liiska magacyada ee maxaabiista la sii deynayo.

Inkasta oo uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta haddana saacadihii hore ee maanta ciidamada Israel ayaa weeraray Gaza,iyagoo halkaasi ku dilay 19 Falastiiniyiin ah.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO TABABAR U SOO XIRAY DUFCADII 2-AAD EE DARAAWIISHTA MAAMULKAAS.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u soo xiray tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonaya Booliiska Hirshabeelle.

Munaasabadda tababarka lagusoo gabogabeynayey waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 oo askari ee maanta tababarka loosoo afmeeray in ay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kulan la qaadatay ururrada Bulshada Rayidka

0

-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya.

Kulankan oo isugu jiray isbarasho iyo Wadatashi waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mudane Maxamed Cismaan Naastaro iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Maxamed Bashiir Cumar iyo xubno kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Xubnaha u hadlay ururrada Bulshada Rayidka ah ee kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey marti qaadka loo fidiyey iyo in lala tashanayo waxaana ay soo dhaweeyeen magacaabista Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaga oo ballan qaaday iney Wasaaradda si hagar laโ€™aan ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeedisay ayaa xubnaha ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah uga mahad celisay soo dhaweyntooda iyo tallooyinkooda waxaana ay warbixin ka siisay howlaha horyaala Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan xoojinta dhowrista Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo in Haweenka lagu dhiiri geliyo islamarkaana lagu gacan siiyo shaqooyinka muhiimka ah ee Dalka oo ay ugu horeeyaan xilalka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo iney dalka ka dhacaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi la yeelaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo kulankii kan ka horeeyey la qaadatay Haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu taagerayo doorashooyin qof iyo ah oo muqdisho lagu qabtay

0

Munaasabad lagu taagerayo doorashooyin qof iyo cod ah oo uu soo qaban qaabiyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga XFS mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa lagu qabtay magaalada Muqdhigo.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay masโ€™uuliyiin ka mid ah labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir , ururrada bulshada iyo boqolaal shacab ah oo taageersan in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamin doonto mustaqbalka dhaw.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS , mudan Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-caddaala) ayaa sheegay muhiimadda ay dalka u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed codkooda in ay ku ciil baxaan.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐˜…-๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Raโ€™iisul wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan heyโ€™addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan heyโ€™addaha caddaaladda dalka.

โ€œHirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis laโ€™aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeedโ€. Ayuu yiri raโ€™iisul wasaaraha.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan heyโ€™addaha caddaaladda dalka.