Home Blog Page 238

Maxkamadda ciidamada oo Xukun Dil Toogasho ah ku fulisay Askari horay Dil u geystay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii ee Sanadkan.

Maxkamad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan Dilka ah kula fulisay Xarardheere,kadib markii maxkamaddu ku heyshay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gorgor uu si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee

Waana fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay Is Dilaan.

Maxkamadd ciidamada qalabka sida ayaa sidaan oo kale horay u fulisay xukunno askar dilal u geeystay shacab iyo ciidan.

 

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in khawaariijta la gaarsiiyay jab xooggan, isagoo tilmaamay in kummanaan ay soo qaadeen lagu khaarajiyay howgallada ka socda dalka.

“Khawaarijta Waxaa meel la kala geeyo la layhay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, waxaa lumey kalsoonidii dhexdooda ahayd oo waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan. Waxaa kaloo xaqiiqo ah tira ku kordheysa in aysan jirin”.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida oo kaashanaayo Shacabkooda ay ku jiraan dagaal lagu difaacaayo Dinteena, dalkeena iyo dadkeena dhiigooda iyo sharafkooda.

“Waxa la bixinaayo waa naf, maal iyo maskax mana jiro wax uu aadane bixin lahaa oo intaas ka qaalisan, xukuumadda dan qaran waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta, la dhameystiro halganka dalkeena lagu gaarsiinaayo amniga iyo horumarka waana taariikh qormeyso oo lagu dhigi doono Iskuulada” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in Jihaadka ka dhanka ah khawaarijta aan loo kala harin oo qof kasta qeybtiisa uu uga qeyb noqdo maal, af iyo adin.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa lumisay degmooyinka iyo deegaanno badan oo 15 wax kabadan ku jiray gacanta cadowga, iyadoo xiligin khawaarijta ku jirto xiligii ugu adkaa marka laga eego koobaha wali ku hareen iyo firxadka ay ku jiraa.

Maxaa laga filan karaa kulanka Qaramada Midoobey ee ka furmaya New York?

0

In ka badan 140 hoggaamiye iyo wakiillo dawladeed oo ka kala socda caalamka ay ku qulqulaya Magaalada New York ee Dalka Mareykanka si ay uga hadlaan kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo furmaya brrito.

Jadwalkaan sannadlaha ah ee ay isugu tagayaan madaxda caalamka waxay fursad u siineysaa in ay soo  bandhigaan mudnaanta sanadka soo socda ee ku aadan in iskaashi laga yeesho arrimaha khuseeya caalamka,gaar ahaan dhinacyada amniga,horumarka iyo isbadalka cimilada.

Doodda guud ee sanadkan waa Dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamiga ah, dardargelinta Ajendaha 2030 ee ku wajahan gaaritaanka nabadda, barwaaqada, horumarka iyo waaritaanka.

Kulanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay si weyn uga dhex muuqdaan arrimo la xiriira xiisadda isbaddalka cimilada iyo dagaalka Ukraine .

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo Safar Shaqo u Aaday Dalka Kenya.

0

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo qibrad wadaag shaqo iyo waayo- aragnimo iswaydaarsi ah kula yeelan doonaan Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Xubnaha Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa inta ay Kenya joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan Guddoonka Golaha Senate-ka,  guddiyada, iyagoo sidoo kale ka qayb geli doonaa fadhiga guud ee Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay waqooyi-galbeed ee kongo

0

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, oo ay sababeen roobab mahiigaan ah,

mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay ka digayaan in khasaaruhu uu sii kororto iyadoo samatabbixiyeyaashu ay kala shaandheynayeen  dhoobo iyo burburka guryaha dumay.

Musiibadan ayaa Axdii ka dhacday agagaarka wabiga Congo ee magaalada Lisal ee gobolka Mongala, sida uu sheegay Matthieu Mole, madaxa ururka bulshada rayidka ah Forces Vives.

Dadka dhintay ayaa ku noolaa guryo laga dhisay buur hoosteeda.

 

Wasiir Axmed Xasan : Inta Madaxweynaha JFS uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta

0

Wasiirk wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo ku sugan Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo shalay lagala wareegay khawaarijta ay ku ammaanay Madaxeynaha jamuuriyadda federaalka Soomaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ka go’naashaha dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Wasiir Axmed Xasan ayaa sheegay in inta uu Madaxweynaha JFS uu xiranyahay tuutaha safka horana u joogo ciribtirka khawaarijta aysan jiri doonin cid dib uga laabaneyso howlgallad dalka looga xoreynayo khawaarijta.

” Inta Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta”,wasiir Axmed Xasan

Wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay la garab taagantahy Shacabka adegyadii bulshada in laga hirgaliya degmada Bacaadweyn diyaarna ay u tahay,Shacabka ayuuna uga baaqay in ay adkeystaan Amniga degaanka oo ay ka difaacdaan khawaarijta.

Hadalkaan ayuu wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ka jeediya Dagmada Bacaadweyn oo si buuxda ay ula wareegeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Koonfurta Gobolka Mudug Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan oo sidoo kale goobta ka hadalay ayaa sheegay in shacabka ay isku tashadeen ayna ka go’antahay inay cadowga iska dulqaadaan.

 

Galmudug oo Kafaalo qaadday Reerihii ay ka shahiideen laba Mujaahid oo ku shahiiday Qaraxii Khawaarijta ee Laas-gacamey.

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xasan oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacameey.
Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubadka naftood hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Tallaabada ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ah ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Tirada Horjoogeyaasha ay dileen Ciidanka Qalabka Sida oo sii kordheysa.

Muqdisho, 15 September 2023: Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta.
Hawlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noha kaas oo ay saarnaayeen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah.
Horjoogeyaasha la xaqiijiyay in lagu dilay hawlgalkaas ayaa kala ah:-
1. Horjooge Salaad Dheere, oo ahaa horjoogaha ugu dambeeya ee lahaa go’aanka waxa ay ugu yeeraan jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.
2. Horjooge Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Khawaarijta ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.
3. Horjooge Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.
4. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa Horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
5. Horjooge Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Khawaarij ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.
6. Horjooge Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Khawaarijta ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha marin habaabinta ah ee Khawaarijta.
7. Horjooge Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Khawaarijta isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, iyada oo horjoogeyaasha Khawaarijta lagu bartilmaameedsanayo goob kasta.

Horjooge 12 sano Khawaarijta u adeegayay oo saaka isi soo dhiibay.

Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah  Khawaarijta ka tirsanaa ayaa saaka isku soo dhiiiibay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

Horjoogahaan oo Khawaarijtu ugu yeerto Malaag UK ayaa u qaabilsanaa daaweynta maleyshiyaadka, waxaana uu ku sheegay sababta uu uga soo baxay inay tahay in khawaariijta meelwalbo ay joogaan cabsida ku saa’ideyso kala shaki badan oo dhexdooda ahna uu soo batay.

Qofkii latuhmo waa la qaarijinaa sidaas darteed ayaan anigoo ka faaideysanaya Cafiska dowladda uga soo baxay ayuu yiri Yuusuf Malaag.

Shaqaalaha shirkadaha waaweyn ee Gawaarida oo sameeyay shaqo joojin dalka Mareykanka.

In ka badan 10,000 oo shaqaale ah oo ka tirsan saddex ka mid ah shirkadaha sameeya baabuurta ee Maraykanka ayaa bilaabay shaqo joojin, sida uu sheegay urur ay ku bohoobeen shaqaalahaasi.

Shaqo jooojintaan ayaa ka  bilaabatay saddex warshadood oo ay leeyihiin General Motors (GM), Ford iyo Stellantis,waxaana jira cabsi laga qabo in carqalad weyn ay ku timaado shirkadaha waaweyn ee xagga warshadaha baabuurta iyo in uu sare u kac ku yimaado iibsadayaasha gawaarida.

Ururka (UAW) ayaa sheegay in shirkaduhu aysan soo bandhigin dalabyo la aqbali karo,ka dib markii qandaraasyada shaqaaluhu ay dhaceen habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

Madaxa ururka Shawn Fain ayaa BBC-da u sheegay in shirkadahaasi hadda ay u taallo sidii ay u xallin lahaayeen khilaafkaasi,isagoo intaa taaciyay in marka la bilaabo daryeelka shaqaalahooda ay wax kasta dhammaan doonaan.

Ururku waxa uu raadinayay in 40% la kordhiyo mushaharka shaqaalaha oo xilligaan gaaraya ku dhawaad 140,000 oo xubnood.

Shuruudaha shaqaalaha waxaa kale oo kamid ah in afar cisho ay shaqeeyaan todobaadkii.