Shirweynaha wacyigelinta Doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 

Date:

Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka qeyb galay munaasabad balaaran oo ujeed keeda aheyd u diyaar garowga dooraashoyinka qof iyo codka ah ee la filaayo in uu ka qabsoomo dalka iyo sida dadka reer Muqdisho ay baahida ugu qabaan in codkooda kusoo doortaan maamul aan lasoo magacaabin.

Munaasabadaan oo ay Soo agaasintay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa goob joog ka ahaa boqolaal dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay ahmiyada uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u lee dahay qabsoomida doorashada qof iyo codka, oo ah mida ay ku horumareen wadamada Caalamka ee horumaray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay fulinta siyaasadiisa la xariirta doorashada golaha deegaanka iyo sidii dadka reer Muqdisho ay dooran lahaayeen masuulkii ay u arkaan in masiir kooda ay ku aamini karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...