Home Blog Page 237

Howlgallada ka socda Jubbaland oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

0

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaannada Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta, deegaanno badanna laga xoreeyay.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada yar yar ee ay qaldeen Khawaarijta in ay ka faa’ideystaan fursadda iskuna soo dhiibaan Dowladdooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku jiraan oo ah mid aan sax ahayn.

” Waxaan rabnaa Khawaarijta fursad bey haystaan maanta ay kaga faa’ideysan karaan dhallinyarada yar yar ee la qalday in ay deegaankooda iyo dalkoodii dib ugu soo laabtaan, waxaan leeyahay shacabka Jubbaland ha loo diyaargaroowbo nimankan waqtigooda wuu dhammaday waqti yar baa u haray,” ayuu yiri taliye Aar.

Sidoo kale, taliyaha ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah ay ciidamada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka Khawaarijta nabadda iyo horumarka u diidan ummaddeenna.

“Ciidamada Jubbaland waxay soo hoyiyeen guulo la taaban karo habeen iyo maalinna waxaa loo taagan yahay in cadowgaas dalka laga saaro,”.

Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiisha Jubbaland oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay deegaannada fara ku tiriska ah ee ay Khawaarijta kaga harsan yihiin Jubbooyinka, waxaana howlgalladaas laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Khawaarijta ayaa howlgalladaas ku waayay tiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal muddo 15-sanno ka badan shacabka ku dhibaateyn jiray deegaannadaas gaartay gacanta ciidamada qaranka iyo kuwa geesiyaasha Jubbaland.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka Xarardheere

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faarax Fiidow oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka degmada Xarardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka degmada Xarardheere, sida qaybaha Hooyada iyo dhallaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta maareynta Qaaxada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo sidoo kale warbixinno ka dhagaystay maamulka Isbitaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka degmada Xarardheere iyo sidoo kale waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan degmada Xarardheere, iyagoo uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelinta Isbitaalka.

 

Duqa Muqdisho: Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamada Difaaca Shacabka kula hadlay Deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Duqa Muqdisho oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u jooga dar-dargelinta Howlgallada Sifeynta Khawaarijta, ayaa shacabka Nuur-Dugle iyo Ciidamada Difaaca ku amaanay sida ay u garab istaageen Ciidamada Qaranka iyo doorka ay ka qaateen in ay iska dulqaadaan Kooxaha Khawaarijta.

“Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco, sidoo kale waxaa la idin ka rabaa in Ciidamada Qaranka iyo Shacabka kale lagu garab siiyo sidii haraadiga Khawaarijta loogu sifeyn lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolka iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xusay in deegaanada laga sifeeyay Cadowga Khawaarijta sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaarsiin doonno adeegyadda aasaasiga, si bulshada ay u helaan Caafimaad, Waxbarasho iyo adeegyada kale ee Muhiimka ah.

Hay’adda SoDMA oo Dowladda Qatar kala wareegtay Gargaar mucaawino ah

0

Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareegayey waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray.

Xubno ka mid ah Booliska Asarbayjaan oo qarax Miino lagu dilay

Dowladda Azerbaijan ayaa maanta sheegtay in Afar kamid ah Ciidamada Boolis iyo laba qof oo rayid ah lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Azerbaijan, ayaa mas’uuliyadda Qaraxan ku eedaysay gooni u goosadka Armenia, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Laamaha amaanka Asarbayjaan ayaa sheegay in afartan askari ay geeriyoodeen kadib markii Baabuurkii ay wateen uu qabsaday qaraxday miino, xilli ay ku sii socdeen magaalo u dhaw Nagorno-Karabakh.

Wasiirka shaqada XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla salem alnuaimi .

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaallada ay Wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha  bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan sido kalena ballan qaaday xoojinta xiriirka.

 

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kormeeray kumaandooska Gorgor iyo danab

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tagay kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, lana joogo waqtigii si buuxdo dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta, waxayna kula dardarmeen inay sii labo jibaaraan howlahooda shaqo ee ah Xoreynta dalka.

Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha Shiinaha

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha iyo teknoloojiyadda Shiinaha (Yangling Agricultural High-tech Fair (CAF) oo lagu qabtay gobolka Shaanxi.

Bandhigan oo soconaya muddo afar maalin ah (Sebtembar 19 ilaa 23) ayaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurnimada sayniska ee kobcinta iyo horumarinta tayada Beeraha.

Waxaana Bandhigan uu ujeedkiisu yahay in lagu soo bandhigo horumarka dhanka Beeraha iyo kobcinta iskaashiga khubarada iyo hogaamiyayaasha warshadaha.

Danjiraha Soomaalliya ee Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane  oo ka qeyb galay madashan ayaa hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliy ka go’an tahay xoojinta xiriirka Shiinaha iyo horumarinta beeraha Geeska Afrika.

CAF 2023 waxay bixisaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan horumarinta Beeraha casriga ah iyo hal-abuurka tiknoolajiyada ee kor u qaadi kara sugnaanta cuntada iyo kicinta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

 

Shiinaha oo diyaarado dagaal u diray Taiwan

Shiinaha ayaa Taiwan u diray 103 ka mida diyaaradohooda dagaalka, labadii maalin ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Taiwan.

Taiwan ayaa Bayaan ay soo saaratay shalay ugu baaqday Shiinaha inuu joojiyo tallaabooyinka keeni karo xasillooni darro iyo xaalad dagaal, iyagoo intaas ku dartay in ugu yaraan 40 ka mida diyaaradaha dagaalka ee Shiinuhu ay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taiwan, kaasoo ay sheegeen inay daliil u tahay daandaansiga Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha, hase ahaatee arrintaas waxaa in muddo ah ka biyo diidsan Taiwan, oo isku tilmaantay Dowlad Madax banaan.

 

Ra’iisul Wasaare Xamza oo la kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar

0

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa galabta ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.