Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay howlaha Doorashooyinka Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Guddiga Doorashooyinka uu ku guuleystay inuu horumar ballaaran ka sameeyo diyaar-garowga doorashooyinka Soomaaliya, taas oo si gaar ah diiradda loogu saarayo doorashooyinka golaha deegaanka ee loo qorsheeyay inay dhacaan bisha Juun ee sanadkaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in safaro shaqo ay ku soo galeen deegaanada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaana uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si buuxda u diyaar u yihiin qabsoomidda hannaanka doorashada ee qof iyo codka ah. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in qorshayaasha doorashada ay si dhow ula socdaan dhammaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka iyo sidii loogu guulaysan lahaa hannaanka doorashada ee nabad ah iyo cadaalad ah.

“Doorashooyinka golaha deegaanka ee sanadka 2025 ayaa loo qorsheeyay in ay dhacaan iyadoo la tixgelinayo hab-sami u socodka, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in doorashada laga qabto koonfurta iyo bartamaha dalka, iyadoo Guddiga Doorashooyinka uu si hufan uga shaqeynayo sidii doorashadu u noqon lahayd mid nabad ah, lagu kalsoonaan karo, oo la isku halleyn karo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay si buuxda uga qeybqaataan qorsheynta iyo fulinta doorashooyinka, isla markaana ay ka taageeraan Guddiga Doorashooyinka sidii doorashadu u noqoto mid ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...