Horjoogayaal muhiim u ahaa khawaarijta oo lagu xasuuqay degaanka ceel Cali axmed

Date:

Faah Faahinta Horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta looga dilay Gobolka Shabeelada Dhexe

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey lagu laayey dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeallaha Dhexe.

Horjoogayaasha Khawaarijta looga laayey Shabeellaha Dhexe waxaa ugu horeeya Horjooge Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) oo magaciisa afgarashada uu ahaa BAGAAX waxaana uu ahaa Horjoogaha dagaal gelinta Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab isaga oo horey u hogaamiyey weerarro cadawga lagu naafeeyey oo ka kala dhacay Cowsaweyne, Ceel Cali Axmed iyo deegaanno kale , qaarijintiisana waxa ay jab xooggan ku tahay Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo waayahanba naf la caari ahaa.

Horjoogayaasha kale ee Khawaarijta looga dilay saacadihii ugu dambeeyey gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah Horjooge Daahir Buuxsade oo ka mid ah Horjoogayaasha dagaal geliya Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo horey carruur badan oo Soomaaliyeed oo aan qaan gaarin dabka ugu shubay balse Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo af jareen Khamiistii.

Horjoogayaasha kala ah:- Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam oo dhammaantood ahaa Horjoogayaal saameyn ku dhex leh Khawaarijta Al-Shabaab marka ay joogto dagaallada ayaa lagu soo af jaray gobolka Shabeelada Dhexe ayadoo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ifka ka qariyeen dhibaatadii iyo gummaadkii ay shacabka Soomaaliyeed u geysan jireen.

Qaarijinta Horjoogayaashaan sar sare ee ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ah naafeyn aad u xooggan oo loo geystay cadawga umadda Soomaaliyeed ayadoo tirada Maleeshiyada iyo Horjoogayaasha laga dilay Khawaarijta Al-Shabaab ay aad u sii korortay .

Halkan ka akhri xogta horjoogeyaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...