Home Blog Page 210

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa is-xogwaraysi guud ayaa guddoomiyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga joogtada ah isku xirka wada shaqaynta dhexdooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda ayna dardar geliyaan waajibaadka loo xilsaaray.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid,ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Labada Masul ayaa kawada hadlay dardargalinta Mashaaricda Qatar ay ka waddo Galmudug gaar ahaan arrimaha Waxbarashada,Caafimadka ,biyaha iyo Korontada iyo Tayaynta Lamaha Amniga Galmudug.

 

Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta ka qeyb galay Odoyaasha dhaqan ka, Haweenka, Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aalo la xariira hanaanka miisaniyadda Qaranka ee 2025 ka.

Shirka oo furmay shalay waxaa maanta kusoo biiray Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Biixi Iiman Cige iyo wasiiru Dowlaha Wasaaradda

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden oo ka horyimid damaca gurracan ee itoobiya

0

-Xildhibaan Qaali Cali Shire oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeyb kamid ah ddhulkeenna,iyadoo ay goob joog ahayeen xubnaha jaaliyaada soomaaliyeed ee ku nool dalka

Sweden.

Qaar kamid ah jaaliyadda soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u taaganyihiin difaaca qarnimada ummadda soomaaliyeed,madaxda dowladda ayay ku bogaadiyeen go’aanada ay adag ay ka qaateen damac iyo xadgudubka itoobiya ee madax bannaanida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

Xildhibaan Qaali Cali shire ayaa sheegtay in dhammaan dadka soomaaliyeed meel walba ay jogaan looga baahanyahay in ay u midoobaan sida ay isaga difaaci la hayeen cadawga meel walba uu joogo.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga oo gaaray Sh/Dhexe

0

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin, oo uu wehliyo Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa gaaray gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sarakiisha la socday ayaa kulama la qaatay Saraakiil ka tirsan xoogga Dalka ee ku sugan Sh/dhexe,waxana Kulanka looga hadlay sidii Khawaarijta looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin dalka, waxaana Taliyaha Ciidanka XDS uu amray saraakiishaan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha naf la caariga ah ee khawaarijta

Muwaaddin Soomaaliyeed oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Bariga Afrika

0

-G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Military-ga Afrika ee u qaabbilsan gobolka Bariga Afrika.

Korneyl Axmed ayaa ku guuleystay codeynta doorasho oo ka dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

G/Sare Axmed Jiinow ayaa sharciga Ciidamada ku dhex jira in ka badan 15 sano, wuxuu ka mid yahay ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sidoo kale waa la-taliyaha dhanka sharciga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya HE Dr. Ali Haji Adam ayaa shir guddoomiyey Kulan muhiim ah oo dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuumta Caafimaadka iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka oo ahaa mid muhim ah ayaa diiradda lagu saaray soo dhaweynta iyo horumarinta Barnaamijka Layliga Caafimaadka ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka, si loo hubiyo tayada iyo waxtarka barnaamijkan.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa Layliga Caafimaadka ee Ardayda dhameysatay waxbarashada Caafimaadka, iyada oo la xaqiijinayo in tayada barnaamijkan la waafajiyo heerarka caalamiga ah, waxaana lagu heshiiyay in la taageero oo la horumariyo barnaamijka Layliga, si Ardaydu u helaan tababar tayo leh oo dhammaystiran, sidoo kalena waxaa lagu balamay in wada tashiyada la joogteeyo si loo hubiyo in barnaamijku ku socdo sidii loogu talagalay, isla markaana la xalliyo caqabadaha jira.

Gabagabadii, kulankan ayaa kusoo idlaaday luul, iyada oo la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Jaamacadaha iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana la isla qaatay in shirarka noocan oo kale ah la badiyo si loo sii wado horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Shir looga hadlayo horumarinta Miisaaniyada dalka oo Mogadishu ka furmay

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa goordhowed Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maaalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta miisaaniyadda iyo Illaha dhaqaalaha iyo waxsoosaarka dalka.

shirkaan ayaa waxa ka qayb galaya xubno ka socda dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

64 sano ka dib, Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha (WARBIXIN)

0

Wadankii ugu horreeyay ee ay wax wada qabsadaan Shiinaha iyo dalalka ku yaal qaaradda Afrika ayaa ahaa Dalka Marooko, sanadka markuu ahaa 1947-kii ayuu bilowday wax wada qabsigooda, wadanka xiga ayaa lagu sheegaa inuu yahay Soomaaliya, Xiriirka Dibolomaasiyadeed iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa la sheegaa inuu soo bilowday 1960-meeyadii, xilligaasi waxii ka dambeeyay, waxa uu Dalka Shiinaha Dadka uu Wadanka Soomaaliya ka fuliyay Mashaariic waaweyn oo aad qiimo ugu lahaa Dadka Soomaaliyeed oo lagu xasuusto xiriirka wax wada qabsi ee labada Dal iyo labada Shucuub, waxaana ka mid ahaa Garoomada ku yaala Tuulada Ispoortiga oo uu ku jirto Garoonka Kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho, Golaha Murtida iyo Madadaalada ee loo yaqaan Tiyaatarka Qaranka, Waddooyin uu ka mid yahay jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Baydhabo, mashruucii biya xireenka Faanoole, Isbitaalka Banaadir iyo kuwa kale, Dowladda Shiinaha ayaa haatanna dooneysa inay Soomaaliya kaga qeybqaadato dib u soo kabashadeeda.

“Soomaaliya waa dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyadoo labada dal ay mar walba is garab taagnaa waqtiyada adag, 64 sano ka dib, saaxiibtinimadani aad bay uga sii xoog badan tahay sidii hore oo waxay xambaarsan tahay macno dheeraad ah”, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ahna Afhayeenka Wasaaradda Hua Chunying ayaa sidaan ku qeexday xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu wanaagsan taariikhda, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado caddaaladda, sinnaanta, iyo iskaashiga dhinacyada Warshadaha, Beeraha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo xoogga la saarayo samaha bulshada iyo horumarinta deegaanka, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay toban hindise oo iskaashi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kor u qaadista Waxbarashada iyo Tignoolajiyada, taageeridda haqab-beelka cuntada, iyo horumarinta tamarta cagaaran, waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda, isagoo ugu dambeyn ballan qaaday in Shiinuhu uu bixin doono taageero maaliyadeed oo dhan 360 bilyan Yuan, si loogu fuliyo qorshayaashan seddexda sano ee soo socota.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga, iyadoo uu Shir doceedkaasi uu ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah, wuxuuna ujeedadiisu aheyd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha, si loo gaaro koror dhaqaale.

Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.

Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka, iyadoo Shir doceedkaasi uu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood, si loo horumariyo.

Madaxweyne Shiinaha Xi Bien ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 Milyan oo Yuan oo ah lacagta Shiinaha, taasi oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya, taasi oo ka timid kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jin ping, Madaxtooyada Beijing., waxayna labada Madaxweyne isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer aad u sarreeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada Shacab, wuxuuna ,adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhaxeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada, wuxuuna Madaxweyne Xi Jin uu ku dhawaaqay deeq dhan 200 Milyan oo Yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Dhinaca arrimaha Gobolka Geeska Afrika ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ay kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, kuwaasoo ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, waxayna si gaar ah diiradda ugu saareen xoojinta ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro Argagixisada iyo sare u qaadidda danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in la taageero dadaallada lagu xasilinayo gobolka, isagoo tilmaamay in caqabadaha sii kordhaya ee ka jira ay sii xoojinayaan baahida loo qabo iskaashi dhexmara wadamada gobolka.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Aqalka Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey George Conwey

0

Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay Wehliyaan Wasiiro, La-Taliyaal iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa Aqalka Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey George Conwey oo ah ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arimaha Biniadanimada iyo Xiriirka

Kulan qaatay Saacado ayaa Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Madaxda Dowladda Koonfur Galbeed kaga wada hadlay Arimaha Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed Taageerida Ciidamada Qeybahooda kala Duwan iyo wax ka qabashada Arimaha Bini’adanimada.