Home Blog Page 210

Xeerka Guddiga Isku-duwidda Musiibooyinka oo la Ansixiyey

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday dowlad gobolleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo ururrada bulshada rayidka. Kulankan ayaa lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).

Dr. Axmed ayaa muujiyay muhiimadda wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah. Wuxuu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’adaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.

Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka, oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka. Guddigan wuxuu kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad-sameeyga ah.

Shir ku saabsan dardargelinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho 

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saraakiisha amniga caasimadda, oo ay ka mid yihiin Booliiska, NISA, iyo Booliisiya Militariga.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumini, iyo Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Cabdifatax Shaaweye, ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka amniga ee caasimadda iyo qorshayaasha lagu sugayo amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa saraakiisha qeybaha kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugidda, iyo Booliisiya Militariga ku booriyay adkeynta amniga iyo xoojinta wada shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada lagu kor-qaadayo amniga guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka jaamacadda Carabta 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Shirkan ayaa si gaar ah diirradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin.

Mudane Xamsa waxa uu xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.

Waxaa kale oo khudbaddiisa uu uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, oo uu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha aan nahay taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo bini’aaninada, isagoo ugu baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado.

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

0

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay GSH 248 kadib doorasho saaka ka dhacday maagalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo xubinnimadii golaha shacabka ku waayay qabashada xilka agaasime ku xigeenka hay’adda NISA ee xilligaa.

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah geysay degaannada Nuur-dugle iyo Aqab-duco.

Dadka la gaarsiiyay ayaa ah shacab danyar ah oo ay saameeyeen dagaallada ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda qaybo ka mid ah Hirshabeelle.

Hay’adda SoDMA ayaa horay deeq kala duwan u gaarsiisay degaanno badan oo laga saaray kooxda khawaarijta iyo goobo kale oo ay ka jiraan xaalado bini’aadannimo.

𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐡𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐅𝐒

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay Hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, kaas oo ah hindise muhiim ah oo loogu talagalay in lagu adkeeyo nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka ka codsaday in Hindise sharciyeedka ay meel mariyaan maaddaama uu muhiim u yahay xakamaynta iyo tayaynta daawada dalka taas oo qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa xoogga isugu geysay sidii loo heli lahaa sharci lagu xakameynayo daawada soo gasha dalka waxayna helitaanka dharciga daawada uu horseedi doonaa in bulshadu hesho daawo waxtar leh.

Sharciga tayada daawada ayaa sidoo kale meesha ka saaraya saamayntab xun ee ay bulshada ku yeelatay dawooyinka sida xun loo isticmaalo iyo hubinta daawada waxyeellada xambaasan.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

0

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐈𝐥𝐲𝐚𝐚𝐬 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐮𝐛𝐚𝐤𝐚𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐅𝐚𝐰𝐳𝐢.

Kulanka ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada sharci-dejinta iyo cadaaladda.

Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay hirgelinta heshiisyadii hore si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada.

Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dedaallada lagu horumarinayo xiriirka labada dal, taas oo gacan ka geysan doonta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

0

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ay xalay ugu ambabxeen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay halkaasi kaga qaybgalayaan shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo looga hadlayo dib u dhiska Gaza.

Tartameyaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dharkeynleey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Dharkeynleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynleey waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaq iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Baay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday dalka Masar

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.