๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฆ๐—–โ€”๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐˜‚๐—บ๐—ผ ๐˜„๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜†๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎโ€

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Raโ€™iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

โ€œWaxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeedโ€, Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAYโ€™ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...