Wasiirka Maaliyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Washington

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Gu’ga 𝐒𝐩𝐫𝐢𝐧𝐠𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠𝐬𝟐𝟎𝟐𝟓 ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheyntaj Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hey’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.

Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daaranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...