Home Blog Page 208

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA, Dr. Mary Otieno.

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah, waxaana labada dhinac ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Hay’adda UNFPA. Hay’adda UNFPA ayaa muddo dheer la shaqeynaysay Wasaaradda, iyada oo taageero ka siisa dhinacyada la xiriira horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa uga mahadceliyay UNFPA doorka ay ku leedahay taageerada dhallinyarada, isagoona ku booriyay inay sii balaariyaan talaabooyinka ku aadan horumarinta dhallinyarada, waxaana uu muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta hay’adda iyo Wasaaradda.

Dhankeeda, Dr. Mary Otieno ayaa bogaadisay dadaalka Wasiirka cusub iyo sida uu ugu heelan yahay awoodsiinta dhallinyarada iyo Isboortiga, iyada oo ballan qaaday in UNFPA ay sii wadayso taageerada ay siiso Wasaaradda.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud oo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hawlaha ciyaarahaba.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga, asigoona booqday dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee lagu daweynayo Isbitaalka Xooga.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, asigoona sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada baahiyaha ka jira Isbitaalka, si ay adeeg hufan u helaan ciidamada waxyeelada kasoo gaara dagaalka lagula jiro cadowga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Isbitaalka Xooga dalka ka fulinaaya Nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha garab istaaga iyo taageerida Ciidamada iyo Isbitaalka, waxaana ka mahadceliyay Maamulka Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliya.

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

0

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere kasocda diiwaan-galinta Codbixiyaasha,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka Xamarweyne Shibis iyo Boondheere ayaa soo dhaweyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Mid ka mid ah odayaasha degmada Shibis oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri sidaan “56 Sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diwaangalinta Cod bixinta waa ii farxad”

Ilaa hadda waxaa howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha golaha deegaanka Magaalada Muqdisho waxay mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐂𝐚𝐫𝐮𝐮𝐫 𝐦𝐚𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐥𝐚’ 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐠𝐚𝐚𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐪𝐚𝐥𝐤𝐨𝐨𝐝

0

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal la’aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.

Soo dhawaynta Wasiirka waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Abdijaliil, Madaxa ENT Wasaaradda iyo xubno ka socdey IRVD, arrinta ayaa aheyd tallaabo muhiim ah ay waadey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taasoo looga gargaarayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka iyo adeegga Caafimaadka.

Carruurtan, oo da’doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa qaliim Caafimaad loogu sameeyey dalka dibadiisa, taasoo imaatey ka dib dadaal dheer oo ay bixisey Wasaaradda Caafimaadka oo garabsaneysa Hey’adda King Salmaan oo kaalin mug leh ka qaadatey qabsoomidda howshan heerka Qaran ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa arrintan ku tilmaamey natiijo horudhac u ah tallaabooyin kale oo fursado Caafimaad lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaadka, Wasiirka ayaana u mahadceliyey Hey’adda King Salmaan door muhiim ah ka qaadatey howshan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xal u helidda baahiyaha bulshada gaar ahaan kuwa aadka u nugul sida Caruurta Haweenka iyo waayeelka si loo xaqiijiyo yoolka guud ee Wasaaradda kaasoo ah Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goobkasta iyo goorkasta dalka.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Mongolia oo Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Gudbisay

0

Safiirka aan degganeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbisay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Mudane Ts. Ankhbayar.

Soomaaliya iyo Mongolia waxay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen 28-kii Febraayo 1971, waxaana muddo ka badan 50 sano naga dhaxeeyay xiriir saaxiibtinimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam, wada-shaqeyn iyo aragti mideysan oo ku aaddan nabadda iyo horumarka caalamka.

Mongolia waa dal leh taariikh iyo dhaqan hodan ah, door muuqda na kaga jira arrimaha diblomaasiyadda caalamiga ah. Soomaaliya iyo Mongolia waxay si joogto ah uga wada shaqeeyaan arrimaha muhiimka ah ee caalamiga ah ee ay isku aragti ka yihiin iyada oo loo marayo madalaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Danjire Hodan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay bilowga waajibaadkeeda cusub, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah, iyo in la ballaariyo fursadaha wada shaqeynta gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Dowladda Mongolia ayay uga mahadcelisay soo dhoweynta diirran iyo taageerada hagar la’aanta ah ee la siiyay.

 

 

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga Nayroobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa Dar-dar galinta, Kordhinta iyo Balaarinta Mashruuca Nagaad (SURP II) iyo Mashaariicda kale ee dib u dhiska ah ee uu maal galinayo Bangiga Aduunku.

Kulankan ayaaa hor dhac u ah kulamo kale oo loogaga wada xaajoon doono hawlaha ku aaddan mashruuca NAGAAD iyo Sidii loo gaarsiin lahaa degaanada kale ee aan hore looga hir galin mashruucan.

Shirka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu ballan qaadey in Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka go’an tahay dib u dhiska dalka iyo in maamul goboleedayada dalka kajira si isku mid ah ay uga faa’iidaysan doonaan deeqaha caalamku uu ugu deeqo dalkeenna.

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa waxaa maanta ka billaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cusmaan Muriidi Cali oo warbahinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Xamarweyne in ay yimaadaan goobaha isdiiwaangelinta.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomali oo isna goobta diiwaan-galinta codbixiyaasha degmadiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu rabo kii ugu dambeeyay ee magacaabis ku yimaado dagmada Shibis una helaan shacabkiisa inay soo doortaan qofka ay rabaan.

“Waxaan rabaa in aan noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee degmada ku yimaada magacaabis.” ayuu yiri Guddoomiyaha dagmada Shibis Cali Soomaali.

Maama Sahra oo kamid aheyd dadkii la diiwaangeliyay maanta ayaa dareenkeedq ku cabirtay sidan “Immisa sano ayaan sugeynay in aan codkeenna aan ku ciil baxno, saaka waan ku faraxsanahay in aan iska diiwaangeliyay D/Xamarweyne.”

Mid ka mid ah odayaasha degmada Shibis oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri sidaan “56 Sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diwaangalinta Cod bixinta waa ii farxad”

Mid ka mid ah dadkii iska diiwaan-galiyey ee dagmada Xamarwayne ayaa sidoo kale yiri” waxaan diyaar u ahay inaa codkayga ku ciil baxo, isagoo ku bogaadiyey madaxda Qaranka fursad siinta shacabka Soomaaliyeed”.

Ilaa hadda waxaa howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha golaha deegaanka Magaalada Muqdisho waxay mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha oo lagu qabtay Jaamacadda Caalamiga ah ee Luqadaha Shisheeye ee Beijing (BFSU). Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer caalami ah, oo uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Shiinaha, Mudane Wu Yan.

Safiir Hodan waxay muujisay farxaddeeda ku aaddan in jaamacadda BFSU lagu barto afka Soomaaliga, taasoo ay arday Shiinees ah si firfircoon u bartaan. Waxay sidoo kale sheegtay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay qorsheynayaan in ay bilaabaan barnaamijyo lagu barto afka Shiinaha, si loo xoojiyo is-fahamka iyo iskaashiga labada shacab.

“Barashada luqaduhu waa jid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir qoto dheer iyo saaxiibtinimo waarta,” ayay tiri Safiir Hodan.

Afka Shiinaha ayaa si xawli ah ugu fidaya caalamka, iyadoo in ka badan 75 waddan ay si rasmi ah ugu dareen manhajkooda waxbarasho . Sidoo kale, waxaa jira in ka badan 500 Confucius Institutes oo ka howlgala in ka badan 100 waddan, kuwaasoo kaalin weyn ka qaata barashada luqadda iyo dhaqanka Shiinaha .

 

 

 

 

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

0

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyey weerar khawaarijta ay ku soo qaadeen fariisimo ciidanka ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, iyadoo la toogtay kooxdii weerarka soo qaadayo, waxaana socda howlgallo lagu sii baacsanaya firxadkii Khawaarijta Daacish.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, iyagoo khaarajiyay khawaarijta ku dhuumalaysanaysay deegaanka Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii ay kuu dhuumalaysanayee.

Kooxda Daacish ayaa waxaa ku socday howlgallo culus oo nafiifin ah, waxaana laga saaray inta badan goobahii ay kuu dhuumalaysanayeen, iyagoo halkaas laguu dilay horjoogayaal ajaaniib ah iyo maleeshiyaad tiro beel ah kuwaas oo ay maydadkooda soo bandhigeen Ciidanka Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland.

 

 

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

0

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood u siiyay inay markii ugu horeeysay noloshooda yeeshaan ama helaan dareen maqal ah.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo ka hadlay kulankii lagu daahfuray daaweynta carruurta ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo madaxdeeda kaalmada ay u fidiyeen caruurta Soomaaliyeed.

“Anigoo oo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan oo 15 carruur Soomaaliyeed ah u xirtay qalab elektaroonik ah oo u sahlaya caruurtaas inay markii u horeeysay yeeshaan dareen maqal. Qaliinkaan ayaa wax ka badali doonaa noloshooda.” Ayuu yiri Danjire Jabril

Waxa uu intaas ku daray “In la siiyo hibada maqalka caruurtaan, waa iyada oo la beddelay habka ay u nool yihiin. Waxa u furmaya albaabo horay uga xirnaa. Qalabkaan ma siinayo caruurtaan maqal kaliya, laakiin waxa uu siinayaa aqoonsiga, fursado cusub, iyo hami cusub oo ku dheehan Sharaf”.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ayaan barnaamijkan la’aanteed, aan rajo ka qabin in carruurtoodu helaan dareen maqal. Qalabka caruurta lagu xiray jirkooda ayaa ah mid casri ah noocii ugu danbeeyay kuna fadhiya qiimo aad qaali u ah.

Safiirka ayaa yiri, “Waxa aan si gaara ugu mahadcelineynaa Dr. Aqueel bin Jam’aab Al-Ghamdi, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Qorsheynta iyo Horumarinta iyo H.E. Mudane Khalid A. AlSalman, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Kenya kuwaas oo fududeeyay taageeradan waqtigeeda ku habboonayd”