Home Blog Page 196

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya 

0

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya, Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU. Taliye, Ranson Lolmodooni MBS, OGW-SAIG ayaa Xarunta GSU ee magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyay Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta GSU, ayaa kulan gaara la qaatay taliyaha ciidanka, Taliye, Ranson Lolmodooni. Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee Qeybta Adeegga Guud ay ka qaataan taageerada joogtada ah oo ay siiyaan Safaaradda Soomaaliya iyo shaqaalaheeda.

Wadahadalada, ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray hannaanki loo kobicn lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.

Wadashaqeynta Safaraadda iyo ciidanka GSU, ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ballaaran ee sii kordhaya ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Amniga ayaa weli ah mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee xiriirkan ku dhisan yahay, iyadoo labada waddan ay ka go’an tahay wax ka qabashada khataraha gobolka iyo kobcinta xasilloonida ee mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jabriil, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadaalka iyo taageerada joogtada ah ee GSU, taas oo sii xoojinaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kalsoonida labada dal iyo labada shacab.

Xarunta Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca Badda oo laga hirgaliyay Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta ka qeybgalay xafladda daah furka xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.

Xafladda, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, Saraakiil Ciidan, iyo marti sharaf kale. Xaruntan, ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.

Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.

Dowladda FS oo dhallinyaro 161 ah ka soo saartay xabsidayad Liibiya

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).

Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay, ayaa 74 kamid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa balka 87 ay gaareen Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen. Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Barnaamijkan Dib u soo celinta, ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u aheyd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.

Dhanka kale Mudane Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay iskudubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.

Barnaamijka,ayaa wuxuu muujinayaa iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah waxayna ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen bulshadadooda Qeybna uga qaadan lahaayeen Dib udhiska Dalka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Dowladda Shiinaha 

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo H.E. Wang Yu, Chinese Ambassador, ayaa is weedaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta Saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka sidoo kale kala wareegey Safiirka Xirmooyin gar gaarka deg degga ah oo loogu talagaley xaaladaha deg degga ah.

Safiirka ayaana Sheegey in Dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto qeybta Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Dalalka horumaray si loo xaqiijiyo yoolka Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadan Caafimaad tayo leh oo dhamaystiran kaas oo laga hirgelliyo dhamaan Gobolada dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan

0

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha, ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha haweenka nabadda IGAD (IWPSF)

0

Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Urur Gobaleedka IGAD (IWPSF).

Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Urur Gobaleedka IGAD (IWPSF).

Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaalka wadajirka ah ee kooxda hoggaanka cusub, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka Ms. Amer Manyok Deng oo ka soo jeeda dalka Kuufurta Suudaan iyo Xoghayaha Hon. Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

Urur Gobaleedka IGAD iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo Amniga iyo Nabbadda Gobolka, gaar ahaa dalka Sudan, kooxadan ayaa ka shaqeynaysa horumarinta ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga ee Gobolka.

War-murtiyeed laga soo saaray Marxaladda kala guurka ah ee howlgalka ATMIS iyo AUSSOM 

0

War-murtiyeed kasoo baxay Shirka Taliyaasha Ciidamadda dalalka ka midka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Maanta lagu soo geba-gebeeyay magaalada Muqdisho.

Shirka Taliyeyaasha Ciidamadda dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya,ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;-

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka,ayaa gabagabadii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo furay Shir-Cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah u daah-furay Shir-Cilmiyeedka 1-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta caafimaadka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Muhiimadda cilmi-baarista caafimaadka, gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee bulshada, Kobcinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo horumarinta daryeelka la xiriira.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda shirkan uu u leeyahay kor u qaadidda iskaashiga iyo wada shaqaynta dhakhaatiirta iyo hay’adaha caafimaadka ee dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in shirka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo xallinta caqabadaha jira.

Munaasabadda ayaa isu keentay dhakhaatiir iyo khubaro caafimaad oo kala duwan kuwaasi oo iskugu yimid si ay u wadaagaan fikrado iyo xalal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo diggiin u diray kuwa Maalgaliyaan Argagixisada 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Soomaaliya oo ka taageerayso Turkiga Martin-galinta Shirweynaha 31aad Isbadalka Cimilida  

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa kulan la yeelatay dhiggeeda Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada ee Turkiga, Mudane Murat Kurum.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wasaaradood, iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo horumarin lahaa ajendaha cimilada.

Labada Wasiir, ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii Soomaaliya uga qeyb qaadan lahayd taageeridda Turkiga oo doonaya in uu martigeliyo shirweynaha caalamiga ah ee #COP31.

Wasiir Khadiija ayaa ballan qaaday in ay Turkiga ka caawinayaan ololaha ay ku doonayaan in shirkan lagu qabto Turkiga, iyadoo Soomaaliya codkeeda si buuxda ugu taageerayso Turkiga.

Kulankani waxa uu iftiiminayaa sida muhiimka ah ee ay Soomaaliya u daneyneyso iskaashiga saaxiibtinimo iyo horumarinta ajendaha cimilada ee caalamka, iyadoo qayb ka ah taageeridda xalalka waara iyo iskaashiga caalamiga ah.