Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqaynta & iskaashiga Bulshada Raydka iyo Dowladda isagoo sheegay in ay muhiiim tahay xoojinta Madasha Dowladda iyo Bulshada Raydka, wuxuuna yiri” Bulshada rayidka ahi waa qeyb aad muhiim u ah wadankaana iyo dib u dhiska dowladnimadeena, Waxaan rabnaa in aan wada Xoojinno madasha Dowladda iyo Bulshada Rayidka ah si aan u yeelanno xiriir joogto ah, laguna hago isfahamka, lagu xalliyo arimaha soo baxa, lana dhiso qorshe wadajir ah”.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay sida deeqaha gaabis ku yimid iyo sida muhiim u tahay in looga arrinsado arrinkaas, isagoo yiri” Dunida maanta waxay wajahaysaa hoos u dhac ballaaran oo ku yimid deeqaha caalamiga ah. Soomaaliya si gaar ah ayuu isbedelkaasi u saameeyay – mashruucyo muhiim ah ayaa hakad ku yimid, Waxaa jirta in deequhu sidii hore aysan ahayn, waxaynu u baahanaay in aynu isla aragno xaalku sida uu yahay in saameyntu inta ay la’egtahay”.

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Ururrada Bulshada Raydka ah sida joogtada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegeen iyadoo ay duruuf adag dalka ka jirto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...