Home Blog Page 195

Madaxweynah JFS: Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Masjidka Madaxtooyada shalay salaaddii Jimcaha kaddib ayaa ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo marwalba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhamayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo kamid ah maamulkaas ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

“Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, isagoo tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka in goobo dalka kamid ah la yiraahdo ma imaan kartiin inaysan sax aheyn.

Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedeysay iska horkeen beelaha ka waddo gobolka Gedo

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee Dowladda Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaas deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo.

Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ku saabsanaa la dagaalanka maalgelinta argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtey magaalada Arusha.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Arusha qaar ka mid ah madaxda Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u diray qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yusuf Gaagaab.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabey Marwo Hani Cabdi Gaas inay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee naafada, isagoo xusay muhiimadda ay dowladda siineyso daryeelka iyo xaqiijinta xuquuqda dadka naafada ah.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socday Magaalada Muqdisho.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa nasiib darro ku tilmaamey in maamulka Jubbaland uu isku dayayo hurinta colaado iyo weeraro lagu beegsado Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatey waxbarashada heerka labaad ee takhasuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha.

13-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

14-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

15-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay 40 xubnood oo ka socday xafiisyada xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladda Federaalka.

16-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga ka Hortagga Lacag Dhaqista iyo La-dagaalanka Maalgalinta Argagixisada oo lagu qabtay Muqdishu.

17-Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa magaalada Belgrade kaga qeybgaley kulamo la xiriira arrimaha amniga iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

18-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda TIS Plus.

19-Kulan dadweyne oo looga hadlayey dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

20-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis dowladda Faransiska ay ugu cafineyso Soomaaliya deyn qiimaheedu gaareyso 145.6 milyan oo doolaar ah.

21-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed yaa ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee COP16, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Riyad.

22-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka qeybgaley xafladda daahfurka Xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta ee dhibaatooynka ka dhaca badaha Soomaaliya.

23-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa doortay hoggaankiisa iyadoo Cabdikariim Axmed Xasan noqonayo guddoomiye, halka Saadaq Abshir Garaad uu ka noqonayo ku xigeen.

24-Ciidamada Qalabka Sida ayaa dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.

25-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh (Fartaag), ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Swizerland u fadhiya Soomaaliya, Mirko Giuliette, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga  dhinacyada kala duwan ee labada dal.

26-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Ciidamada Badda ay si rasmi ah ula wareegeen amniga biyaha iyo dekedaha Soomaaliya.

27-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxibadda caalamka loogana hadlayay iskaashiga arrimaha amniga.

28-Shir Cilmiyeedkii 1aad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

29-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay in ka badan 160 qof oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Libya.

Xubnaha labada Aqal ee BJFS oo ka qeygalay aaska Marxuum Senator Maxamed Cali (Gaagaab) 

0

Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka ka qeybgalay tukashada salaatul janaasa oo loo sameeyay allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhowaan ku geeriyooday Dalka Turkiye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Mudane Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatul janaasada kadib ayaa yiri ”Senoter Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan’

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadlay ayaa yiri “Senoter Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.

Dhammaan xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Ilaah uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa,iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxa uu xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland.

NISA oo howlgal qorshaysan ka fulisay duleedka tuulada Jambaluul oo hoos tagta degmada Afgooye

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay duleedka tuulada Jambaluul oo hoos tagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan, oo dhacay xalay oo ay taariikhdu ku beegneed 4-ta December, 2024, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro ilaa afar xubnood oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, waxa ayna magacyadoodu kala yihiin:-

1-Macallin Nuur, oo Khawaarijta u qaabilsanaa marin habaabinta dhallinyarada deegaanka.

2-Liibaan, oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah.

3-Cali Yare, oo ahaa xubin ka tirsan Maleeshiyaadka waxa ay ugu yeeraan Xisbada.

4- Bilaal, oo isna ka tirsanaa Maleshiyaadka Xisbada.

Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dhaawacay Kuusow iyo Caddow oo iyagana ka tirsanaa Maleeshiyaadka waxa ay ku magacaabaan Xisbada.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaa markasta ka go’an in goob kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta. Hadaba, waxaa lagu wargalinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta.

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya 

0

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya, Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU. Taliye, Ranson Lolmodooni MBS, OGW-SAIG ayaa Xarunta GSU ee magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyay Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta GSU, ayaa kulan gaara la qaatay taliyaha ciidanka, Taliye, Ranson Lolmodooni. Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee Qeybta Adeegga Guud ay ka qaataan taageerada joogtada ah oo ay siiyaan Safaaradda Soomaaliya iyo shaqaalaheeda.

Wadahadalada, ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray hannaanki loo kobicn lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.

Wadashaqeynta Safaraadda iyo ciidanka GSU, ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ballaaran ee sii kordhaya ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Amniga ayaa weli ah mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee xiriirkan ku dhisan yahay, iyadoo labada waddan ay ka go’an tahay wax ka qabashada khataraha gobolka iyo kobcinta xasilloonida ee mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jabriil, ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadaalka iyo taageerada joogtada ah ee GSU, taas oo sii xoojinaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kalsoonida labada dal iyo labada shacab.

Xarunta Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca Badda oo laga hirgaliyay Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta ka qeybgalay xafladda daah furka xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.

Xafladda, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, Saraakiil Ciidan, iyo marti sharaf kale. Xaruntan, ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.

Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.

Dowladda FS oo dhallinyaro 161 ah ka soo saartay xabsidayad Liibiya

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).

Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay, ayaa 74 kamid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa balka 87 ay gaareen Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen. Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Barnaamijkan Dib u soo celinta, ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u aheyd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.

Dhanka kale Mudane Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay iskudubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.

Barnaamijka,ayaa wuxuu muujinayaa iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah waxayna ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen bulshadadooda Qeybna uga qaadan lahaayeen Dib udhiska Dalka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Dowladda Shiinaha 

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo H.E. Wang Yu, Chinese Ambassador, ayaa is weedaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta Saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka sidoo kale kala wareegey Safiirka Xirmooyin gar gaarka deg degga ah oo loogu talagaley xaaladaha deg degga ah.

Safiirka ayaana Sheegey in Dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto qeybta Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Dalalka horumaray si loo xaqiijiyo yoolka Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadan Caafimaad tayo leh oo dhamaystiran kaas oo laga hirgelliyo dhamaan Gobolada dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan

0

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha, ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).